Dubai(ANN) Jamaal Cali Xuseen oo ahaa Aqoonyahan Dhalinyaro ah, isla markaana sanadkii hore markii uu kusoo biiray saaxada siyaasada sheegay inuu yahay Musharaxa doorashada Madaxtooyada ee xisbiga Mucaaridka UDUB,  ayaa hada u guuray dhinaca xisbiga kale ee mucaaridka ee uu

hogaamiyo Eng. Faysal Cali Waraabe oo uu qorshaynayo inuu isu taago musharxnimada doorashada ugu horaysa ee madaxtooyada Somaliland, taas oo la filayo inay dalka ka qabsoonto 2015.

Ma jiro war rasmi ah oo ku saabsan inuu Aqoonayah Jamaal Cali Xuseen oo ku sugan waqtigan Magaalada Dubai ee dalka Imaraadka carabtu  ku biiray xisbiga UCID,  ee mucaaridka oo uu hogaamiyo Eng. Faysal Cali Waraabe, balse waxay  wararka arrimahaa la xidhiidheen soo baxeen kadib markii ay Afhayeenkii UDUB,  Muj. Cali Gurey  iyo Jamaal Cali Xuseen ku kulmeen dhamaadkii  todobaadk halkaa, iyagoo sidoo kale kula kulmay Dubai Gudoomiyaha xsibiga UCID,  faysal Cali Waraabe oo ay kulamo casho ah iyo kuwa gaar ahba  wada yeesheen.
Tibaaxo iyo xoggo  si hoose looga soo xigtay dad kala duwan oo sugan magaalada Dubai,  ayaa u sheegay shebekadda wararka ee Araweelonews in Jamaal Cali Xuseen oo ahaa musharixii sida weyn ay ugu kala qaybsameen xisbiga UDUB  iyo Af-hayeenkii u danbeeyay ee UDUB,   Cali Guray ay kula kulmeen Dubai Gudoomiyaha UCID, iyagoo galay heshiis  isfaham oo Jamaal ku noqonayo musharaxa UCID ee Doorashada madaxtooyada marka la gaadho 2015, isla markaana uu maalgeliyo xisbiga si uu doorashooyinka golayaasha deegaanka oo la filayo in tartanka adagi ku dhexmaro sadexdii xisbi ee hore u jiray iyo lix urur siyaasadeed oo dhowaan soo baxay oo ay kasoo dhexbaxayaan sadexda xisbi qaran ee Somaliland si xisbiga UCID uga gudbo tartankaa adag ee loogu gudbayo xisbinimada.
Sidoo kale waxay xoggaha la xidhiidhaa kulankaasi sheegayaan in Muj. Cali Guray oo ahaa xidhiidhiyaha Faysal Cali Waraabe iyo Jamaal Cali Xuseen ay labadooduba ku biireen xisbigaa, balse ay qorshaha heshiiskaa munaasibad weyn u qabanayaan marka ay dalka yimaadaan maalmaha soo socda.

Jamaal oo ahaa mushaxa dhinaca shebekada Facebook tan iyo sanadkii hore si weyn uga muuqday,kadib markii uu soo galay xisbiga UDUB oo uu u taaganyahay musharaxa Madaxweynaha . Laakiin  waxay musharaxnimadiisu keentay inay  laba garab ugu kala qaybsamaan  xisbiga UDUB oo markii horeba kala daadsanaan weyni hastay, taas oo sababtay inuu khilaafku gaadho inay Gudoomiyiha xisbiga  Daahir Rayaale  iyo Gudoomiye xigeenkiisii kulak ala arati duwanaadaan oo warbaahinta laysugu jawaabo.

Hase yeeshee  markii uu dalka kusoo laabtay Gudoomiyihii UDUB Daahir Rayaale Kaahin, wuxuu kulamo la yeeshay labada garab ee isaga iyo ku xigeenkiisu kala hogaaminayeen, waxaana wadahadalo maalmo baddan qaatay kadib uu go;aan kusoo saaray gudoomiyuhu in la laalay musharxnimadii Madaxtooyada ilaa xisbigu ka gudbo  tartanka adag ee doorashooyinka  golayaasha deegaanka ee soo socda oo ay ku tartamayaan sadexdii xisbi ee hore iyo lix urur siyaasadeed oo cusub, iyadoo ay halkaa kasoo baxayaan sadex xisbi qaran, waxayna UDUB qaybtii ka khusaysay xeerka Ururada ee cusub ku dabakhday shirkii loogu doortay musharaxa xsibiga UDUB ee lagu kala qaybsanaa Jamaal Cali Xuseen, balse la laalay qodobka musharaxnimada. Laakiin  garabka watay musharaxaa ayaa saluugay  hada arrintaa, waxayan taasi sababtay sida muuqata in Jamaal Cali Xuseen iyo Muj. Cali Guray u diga rogtaan dhinaca xisbiga UCID oo ay heshiis hoose la galeen.
Dhinaca  kale waxa jira warar sheegaya in labada garab ee UDUB,  u qaybsamay uu midkood dacwad u gudbiyay maxakamadda sare, taas oo ay ku diidan yihiin go’aanka gudoomiyuhu ku laalay musharxnimada Jamaal Cali Xuseen. Sidoo kale  wararka qaar ayaa sheegaya in xaalada khilaafka labada dhinac maalmihii u danbeeyay dib usoo cusboonadaay oo uu cirka isku dhareeray, taas oo keentay inay garabka uu hogaamiyo Axmed Yuusuf Yaasiin qorshaynayaan sidii gudoomiyaha xisbiga oo ah Madaxweynihii  hore ee Somaliland Daahir Rayaale Kaahin xilka gudoomiyaha xisbiga looga qaadi lahaa.
Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *