Berbera(ANN)Ciidanka  Booliska Dekedda magaalada Berbera, ayaa gacanta ku dhigay sagaal caruur ah oo laga soo xaday dalka Yemen, kuwaas oo lagu soo qariyay  markab ka yimi dhinaca magaalada xeebta ah ee Cadan. Sida uu saxaafada u sheegay  shalay Badhasaabka

Gobolka Saaxil Maxamuud Cali Saleebaan (Ramaax) ,  Sagaalkan carruur ah oo da’doodu u dhaxayso sanad ilaa saddex sanno ayaa la sheegay in laga soo xaday xeryaha xaqootiga ee dalka Yemen,  iyadoo ay carruurtaa  la qabtay wateen nin iyo gabadh u dhashay dalka Ethiopia  oo  ka soo jeeda Qomiyada Oromada.
Guddoomiyaha Saaxil Maxamuud Ramaax  oo warbaahinta ugu waramay magaalada Berbera ka dib markii ninka iyo gabadha caruurta watay lagu soo xidhay saldhiga dhexe ee Berbera, ayaa sheegay in sagaalkaasi carruurta ah laga soo xaday dalka Yemen, isla markaaana ay hada baadhistu socoto, isaga oo xusay inay hadalo is-burinayaa ka soo baxayaan labada qof ee carruurta watay, taasina ay shaki keentay.
Ninkan iyo gabdha caruurta sitay ee lagu qabtay ayaa markii hore ku dooday in ay iyagu dhaleen carruurtan, iyaga oo markii danbana sheegay in qaar ka mid ah caruurtaasi ay iyagu dhaleen kuwa kalena looga soo dhiibay halka ay ka yimaadeen oo ah dalka Yemen, balse ka dib markii ay arrimahaasi baadhitaan ku sameeyeen ciidamda booliska ee Dekeda Berbera ay ku ogaadeen in sheegashada labadaasi qof ee ah in ay caruurta dhaleen aanay waxba ka jirin, sidaana ay xabsiga ugu taxaabeen ninka iyo gabadha watay caruurtaa.
Ninkan iyo gabadha watay sagaalkan carruurta ayaa ay ciidamada booliska Dekeda Berbera qabteen xili ay ka soo degeen markab nooca bagaashka ah oo magaciisa la yidhaahdo MV Moro 2, kaasi oo ka yimid dalka Yemen, ka dibna ay ciidamada booliska ee ka hawlgala Dekeda Berbera ay ka shakiyeen labadan qof ee wata carruurtan tirada badan ee ay da’dooduna aadka u yar tahay, shakigaa ka dibna ay ciidamada boolisku baadhitaan ku sameeyeen labadan qof ee carruurta sitay.
Caruurtan ayaa isugu jira wiilal iyo gabdho ay da’doodu aad u yar yar tahay, waxaana loo malaynayaa in laga soo xaday xeryaha qaxootiga dalka Yemen, ilaa hada lama sheegin dhalashada caruurtan, balse waxa la rumaysan yahay inay isugu jiraan Soomaali iyo Oromo, isla markaana ma jiraan warar dheeraad ah oo sheegaya halka loo waday caruurtaa.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *