Hargeysa(ANN)Xubno ka tirsan gudida fulinta ee xisbiga mucaaridka ee UDUB, ayaa ka hadlay khilaafka ib usoo cusboonaaday ee xisbigaa, kaas oo hada u dhexeeya gudoomiyaha xisbiga Daahir Rayaale Kaahin  iyo gudoomiye ku xigeenkiisa Axmed Yuusuf Yaasiin, isla markaana  sababay in gudoomiye

ku xigeenka xisbiga UDUB Axmed Yuusuf Yaasiin uu maxkamada sare u gudbiyo dacwad ka dhan ah gudoomiyaha xisbigaa Daahir Rayaale Kaahin.

Wasiirkii hore ee hawlaha guud iyo guriyaynta Siciid Sulub Maxamed,  Gudooomiyaha wacyigelinta Cabdi Faarax Maxamuud(Ian Cabdi Malow) iyo Cismaan C/llaahi Cigaal (Cismaan Hindi),  oo ka hadlay shir jaraa’id oo ay ku qabteen xarunta dhexe ee xisbiga UDUB, ee Magaalada Hargeysa, ayaa ku dooday in sida ugu dhakhsaha badan loo soo afjari doono khilaafkii mudooyinkii u dambeeyay ka dhex aloosnaa xisbigaa.

Wasiirkii hore ee Hawlaha Guud Siciid Sulub, ayaa  u soo jeediyay Gudoomiye ku xigeenka xisbiga UDUB. Axmed Yuusuf Yaasiin inuu la noqdo waraaq dacwad ah oo ka dhan ah Guddoomiyaha xisbiga UDUB, taas oo uu ku sifeeyay mid aan waafaqsanayn xeerka xisbigooda, isla markaana sharciga baalmarsan.
Sidoo kale wuxuu sheegay in Gudida diiwaangelinta Ururada ay u sheegeen Gudoomiye xigeenka inaanu xaq u lahayn inuu u gudbiyo wax qoraal ah, maadaama uu joogo gudoomiyihii oo aan u wakiilan wax shaqo ah. sidaa awgeed wuxu ku dooday Siciid Sulub in qoraalada dukumentiyada uu gudida doorashooyinka qaranka iyo gudida ansixinta Ururada iyo axsaabta qaranka qoraalka uu u gudbiyay Axmed Yuusuf Yaasiin aanay ahayn kuwo sharci ah oo waafaqsan xeerka xisbiga.

Guddoomiyaha abaabulka iyo wacyi-gelinta xisbiga UDUB Maxamuud Cabdi Faarax (Maxamuud Cabdi Malow) oo shirkan jaraa’id ka hadlay ayaa hadlay marxaladihii uu soo maray xisbigaasi oo uu tilmaamay inuu ahaa xisbigii ugu horeeyay ee dalka laga furay ee bud-dhiga u ahaa aasaaskii asxaabta qaranka.
Guddoomiyaha abaabulka iyo wacyi-gelintu wuxuu ku dooday inaan loo baahnayn in la xagal daaciyo xisbiga UDUB waxaanu tallooyin u soo jeediyay Hoggaanka xisbigaasi, waxaanu yidhi “Marka uu xisbiga UDUB taariikhdaas leeyahay waa inaanu maanta u qalmin in muran la galiyo xeerkiisa, inaanu u qalmin in hogaanka xisbiga muran la galin, umana qalmo in barnaamijkiisa siyaasadeed dhexda laga xagal daaciyo ama laysku dayaba.”

“Waxaan aaminsan n ahay in masuuliyiinta xisbiga UDUB,  laga bilaabo hogaankiisa illaa xubnaha ku jira xisbigu ay u baahan yihiin inay keenan caqli. laakiin aanay u baahnayn inay cadho keenaan iyo inuu xisbigu u baahan yahay dhisme wada jira,walaaltinimo ah,iskaashiya ee aanu u baahnayn tafaraaruq, kala qaybsanaan iyo kooxaysi,”ayuu yidhi Maxamuud Cabdi Malow.

Cismaan C/laahi Cigaal (Cismaan Hindi) oo ka mid ah Garabka Axmed Yuusuf Yaasiin, oo ka mid ahaa xubnaha   shirkan jaraa’id ka hadlay,  ayaa sheegay in lasoo afjari doono khilaafka ka dhex taagan xisbiga UDUB, wuxuuna yidhi, ”Waxaanu u sheegaynaa taageerayaasha xisbiga UDUB,  in khilaafkii ka dhex aloosnaa xisbigan sida ugu dhakhsaha badan la soo afjari doono, laakiin waxaanu leenahay gudoomiye ku xigeenka xisbiga UDUB,  waa inaanad sii dheerayn khilaafka xisbiga ee aad ka qayb qaadataa sidii loo soo af jari lahaa.” Ayuu yidhi Cismaan Hindi.

Sidoo kale waxa shirkaasi jaraa’id ka hadlay Gudoomiyaha UDUB ee gobolka Awdal C/Casiis Xuseen Raagge , wuxuuna isagoo la hadlaya taageerayaasha UDUB yidhi,
“Waxaan shacbiga Somaliland iyo taageerayaasha xisbiga UDUB ka raali- galinayaa hadalo aan haboonayn oo baryahan ka soo baxayey qaar ka mida masuuliyiinta sare ee xisbiga UDUB,kuwaas oo ku andacoonaya in Gudoomiyaha sharciga ah ee Xisbiga UDUB aanu ahayn Daahir Rayaale Kaahin laakiin arrintaa cid xisbiga ah oo lagala tashaday ma jirto. gudoomiye ku xigeenka xisbigana waxaan leeyahay xisbiga xajiinta ka daa.?waxa jirtay in shir weynihii labaad ee xisbiga uu qabsoomay bishii 09/02/2009 waxaanu ka dhacay Hotel Maansoor, waxa ka soo qayb galay ergooyin fara badan oo gaadhaya 900 oo xubnood , kuwaas oo ka kala yimi gobolada dalka, waxaaanay ku ansixiyeen xeerka xisbiga iyo barnaamijka siyaasada ee xisbiga iyada oo lagu doortay gudoomiyaha xisbiga iyo gudoomiye ku xigeenkiisa, waxaana lagu soo xulay musharaxiintii doorashada madaxtooyada uga qayb galay xisbiga.”
Gudoomyiha UDUB ee Gobolka Awdal, wuxuu qiray dacwada ka dhanka ah gudoomiyaha Xisbiga Daahir Rayaale Kaahin ee loo gudbiyay Maxkamadda sare, wuxuuna isagoo arrintaa ka hadlaya yidhi, “Maalin dhawayd waxaan maxkamadda sare ku arkay warqad la geeyey,  taas oo lagu soo qoray qodobka 11.7 ee xeerka xisbiga UDUB,  kaas oo sheegaya in musharaxiinta uga qayb galay xisbiga doorashada madaxtooyada haddii ay guul ka gaadhaan doorashada ay tartankeeda ka qayb qaadanayaan in doorashada kale aaanay cidina kula tartami doonin xisbiga dhexdiisa,”ayuu yidhi Guddoomiyaha xisbiga UDUB ee gobolka Awdal.
Saraakiisha xisbiga UDUB ee ka hadlay shirkaa jaraa’id, ayaa  sheegeen fasirka iyo tarjumaada ay qoddobka loo gudbiyay Maxkamaddu  inaanu ahayn mid shaqaynaya ee uu cad yahay oo uu Guddoomiyaha iyo ku-xigeenkiisaba qodobkaasi cadaynayo muddo xileedkooda oo ah in shirweyne lagu bedeli karo, iyagoo intaa raaciyay in qoddobkaasi ay weheliyaan qoddobo kale oo macnaynaya ujeedada qoddobka ay haystaan, kuwaasoo muujinaya in Doorashadii kowaad haddii uu hadhi lahaa ay ahayd in uu wareejiyo hase yeeshee maadaama uu guulaystay qoddobkani aanu hada qabanayn.
Gebegebadii waxay garabka Daahir Rayaale ku eedeeyeen inay jiraan koox ka mid ah garabka Axmed Yuusuf Yaasiin oo qorshaystay  inay tagaan Xisbiyadda,  ama ururada kale,  isla markaana ay wadaan qorshe ay ku doonayaan inay ku carqaladeeyaan Xisbiga, kaas oo sida ay  sheegeen inaanay u meel mari doonin doonsitoodu oo uu Xisbigu jiri doono, Tartanka soo socdana ku soo bixi doono.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *