images/stories/16.jpg Burco (ANN)-Wefdi uu hogaaminayo Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye oo ah Musharaxa Xisbigaa ee u tartamaya doorashada Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud siilaanyo ayaa maanta gaadhay Degmada Oodweyne.

 

 

 

 Kadib markii ay saaka boqolaal kun oo taageerayaasha xisbigaa kula hadleen fagaaraha Beerta xoriyada ee magaalada Burco.

 

Musharaxa Kulmiye Axmed siilaanyo ka hor intii aanu gaadhin Oodweyne wuxuu sii maray Tuulooyin ka tirsan Deegaanka oodweyne, halkaas oo uu kula hadlay dadka deegaanka, isla markaana uga waramay xaalada dalka iyo ujeedada socdaalka wefdiga.

Waxaana gudoomiyaha Axmed  Siilaanyo markii ay gaadheen Oodweyne loogu soo dhoweeyay si aan loo soo dhowayn taariikhda masuul taga deegaankaa, iyadoo loo sameeyay Baanbey iyo roog cas oo loo dhigay halkaa, wuxuuna Axmed Siilaanyo dadka deegaanka u sheegay in waxyaabo been iyo khuraafaad ah iyo dacaayado laga soo gaadhsiiyo, kuwaas oo uu si cad u sheegay in aanay waxba uga jirin, isla markaana wuxuu uga waramay Bulshada deegaanka xaalada dalku marayo iyo sida uu xisbigoodu u doonayo inuu wax uga qabto adeegyada aasaasiga ah oo ay xukuumada Rayaale ku balan qaaday dhawr jeer inay wax ka qabanay balse ay ku guul daraysatay.

 

 

 

 

 

Gudoomiyaha Kulmiye oo ah musharaxa Xisbigaa Axmed Maxamed Maxamuud wuxuu sheegay in haddii ay ku guulaystaan hogaanka dalka ay wax ka qabanayaan adeegyada aasaasiga ah iyo nolosha bulshada, iyadoo xisbigooda barnaamijkiisu yahay mid qoran oo aan ahayn baalanqaad been ah.

Sidoo kale kumanaan taageerayaasha xisbiga Kulmiye  ah ayaa saaka waabarigii isugu soo baxay ,fagaaraha Beerta xoriyada ee xarunta gobolka Togdheer ee Magaalada Burco, kuwaas oo ku jeeniqaaran calanka xisbigaa ee lamada midab ah, iyadoo kumanaan kalena wejiyadooda ku xardheen midabada calanka Kulmiye

 

Waxaana isu soo baxaa khudbado kala duwan ka jeediyay masuuliyiinta xisbigaa oo uu hogaaminayo Gudoomiyaha xisbiga Kulmiye,ahna musharaxa xisbiga ee u tartamaya kurisga madaxtooyada Somaaliland Md.Axmed Maxamed Maxamud (Siilaanyo) oo maalmahan  sugnaa magaalo madaxda gobolka Togdheer ee Burco, fagaaraha khayriyadda ee magaalada Burco oo maanta ka si weyn uga duwanaa isu soo baxa iyo soo dhowaynta lagu qaabilay Axmed Siilaanyo  oo ay taageerayaashiisu u muuqdeen mawjado ayaa dareenkooda iyo taageerada ay u hayaan xisbiga Kulmiye  ku muujiyay  wejiyadooda iyo lebiskooda.

 

Gudoomiyaha xisbiga Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo oo ah  musharaxa Xisbigaa  oo halkaa kula hadlayey taageerayaashiisa, ayaa wuxuu ku soo bandhigay barnaamijkiisa siyaasadeed ee xisbiga ee uu ku maamuli doono dalka haddii uu talada ku guulaysto,.isagoo bulshada ka codsaday inuu codkooda uga marti yahay oo ay siiyaan xisbiga Kulmiye  si uu ugu guulaysto hoggaanka dalka ee loo tartamayo.

 

Wuxuuna yidhi, “Magaalada Burco waa goob taariikh badan oo kala duwan leh,waana goobtii ugu horreysay ee lagaga dhawaaqay gooni isu taagga Somaliland,waana goob kaalin weyn ka soo qaadatay halganadii kala duwanaa ee loo soo maray xoraynta dalka Somaliland..”

 

Musharaxa Kulmiye Axmed  Siilaanyo, wuxuu  intaa ku daray in maanta dalku u baahan yahay in laga saaro maamul xumada,musuqmaasuqa, dawlad xumida, is-ixtiraam la’aanta, iyo citiraaf la’aanta aanu dalkani dunida citiraaf ka haysan,sidaa awgeed,xisbiga Kulmiye wuxuu diyaar u yahay inuu dalka ka sameeyo isbeddel dhab ah,inuu haweenka iyo dhallinyarada siyaasadda dalka ka qayb galiyo,iyo inuu xorriyaadka dadka laga qaaday dhinac kasta ha ahaatee u soo celiyo,wuxuu xisbigu diyaar u yahay inuu shaqo abuuro,inuu baayac-mushtarka dalka maal gashanaya soo dhaweeyo,  ama Somaliland ha ahaado,  ama shisheeye ha ahaadee, isla markaana u sameeyo waxii tansiilaad  ah ee uu u baahan yahay qofka dalkan maal gashanayaa,si  ay taasi u sahasho inuu  khayraadka badaheenna ku jira uu sahlan  looga faa’iidaysto

Mr. Silaanyo  waxa uu sheegay in xisbigiisu ka shaqayn doono sidii uu ummadda reer Somaliland u walaalayn lahaa ee uu uga saari lahaa xumaanta laysu galiyey,maadaama dadkani yahay dad walaalo ah oo isku deegaan ah,waxaannu ka shaqayn doonnaa sidii ay danahooda isaga kaashan lahaayeen.

 


Musharaxa Xisbiga Kulmiye Axmed siilaanyo oo la dardaarmaya taageerayaashiisa iyo gebi ahaanba shacbiga magaalada Burco, waxa uu yidhi “ walaalayaal reer Burcow idinkoo ku xisaabtamaya taariikhdii aannu dalkan u soo maray , halgankii dheeraa ee aannu u soo maray iyo waxii aannu dalka u soo qabanay, iyo annagoo maantana diyaar u ah inaannu dalkan wax qabad u muujino oo soo celino taariikhdii ummaddan,maanta haddaannu nahay  xisbiga Kulmiye waxaannu  idinka codsanayaa inaad codkiina na siisaan,oo aad noogu ballan qaaddaan inaad codkiinna siin doontaan si aannu ugu guulaysanno qabashada hoggaanka dalka ee maanta loo tartamayo, annaguna waxaannu idiin ballan qaadaynaa maadaama gobolkani yahy gobolka ugu ballaadhan ee xoolaha nool laga dhoofiyo inaannu idiin soo celinno ganacsigii xoolaha ee cidda gaarka ah dawladdani u xidhay iyo waliba inaannu caafimaaka iyo tacliintaba kor u qaadno ”.

 Gudoomiye xigeenka  Koowaad Wakiilada Sheekh C/casiis Samaale  oo ka mid ah xubnaha wefdiga ee ka hadlay fagaraahaa ayaa sheegay  in haddii ay ku guulaystaan hogaanka  dalka xisbiga Kulmiye , ay dhisi doonaan Dugsigii Hore Ee Farsamada Gacanta Burco.

Sidoo kale Gudoomiye  xigeenka koowaad ee xisbiga Mujaahid Muuse Biixi oo ka hadlay fagaarahaa ayaa sheegay in xisbigii UDUB uu dhintay, isagoo yidhi “Alla hawnaxariistee waa inaynu u ducaynaa xisbigii UDUB la odhan jiray,” wuxuuna ugu baaqay bulshada  inay foojignaadaan marka ay codkooda dhiibanayaan,kuna hubsadaan Sanduuqa Xisbiga Kulmiye.

 

Muuqaalka isu soo baxa Kulmiye  wuxu muujiyey sida taageerayaasha xisbiga Kulmiye ay cudduda balaadhan ugu leeyahiin magaalada Burco iyo inay tusaan mushaxa madaxweynaha ee xisbiga taageerada ay u hayaan si himiladiisa ay u hirgeliyaan waxa kaloo fagaarahaa ka hadlay  Maayar ku xigeenka Burco, Axmed Cabdi Falaay, Dr. Cabdi Awdaahir, Gaboose, Xildh. Siciid Cilmi Rooble, iyo masuuliyiin kale. Kuwaas oo dhamaan dadka kala hadlay sidii taageero loogu fidin lahaa si xisbiga Kulmiye  uu ugu guulaysto madaxtinimada dalka.
By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 

Araweelonews Hargeysa Office                  

E-mail; Info@araweelonews.com/ jaamac132@gmail.com shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *