Hargeysa (ANN)-Gudida doorashooyinka qaranka ayaa  tababar ku saabsan hawlaha doorashada madaxtooyada ee fooda inagu soo haysa u bilaabay

in ka badan 1200 (kun iyo Laba boqol)  oo ka mid ah ardayda jaamacada Hargeysa, kuwaas oo ka hawl geli doona guud ahaan gobolada iyo degmooyinka Somaliland oo doorashada Madaxtooyadu ka dhici doonto.

 

 

Tababarkan oo lagu qabtay hutelka Maansoor ee Magaalada Hargeysa, waxa uu socon doonaa mudo laba maalmood ah.

 

Afhayeenka gudida doorashada Qaranka Md Maxamed Axmed Xirsi Geele, ayaa sheegay in komiishan ahaan ay dhammaystireen waxkasta oo lagama maarmaan u ah hawsha codbixinta, isla-markaana ay diyaar u yihiin  qabashada doorashada, isagoo yidhi,  “Diyaar-baanu nahay tii ugu muhiimsanayd waa tan (Tababarka shaqaalaha), intii kale waa diyaar, haday liiskii cobixinta tahay iyo haddii kaleba.”

Maxamed Xirsi Geele, wuxuu isaga oo fariin u diraya dhalinyarada tababarka loo furay Maanta  yidhi “Fariintu waxa weeye, dhallinyarada waanu kala bedelaynaa oo waanu isweydaarinayaa.”

 

Afhayeenka Komiishanka waxa sheegay inay 19-ka bishan Juun soo saari doonaan liiskii kama dambaysta ahaa ee codbixinta doorashada Madaxtooyadam isaga oo dhanka kalena ciidamada qaranka ka codsaday inay sugaan amniga shaqaalaha ka hawl-galaya goobaha codbixinta “Markaa ciidamada qaranka iyo goboladu waa inay ammaankooda aad u ilaaliyaan shaqaalaha, mida kale liiska 19-ka bisha ayaanu soo saari doono.”

 

Maxamed Xirsi Geele waxa uu ka codsaday dadka liiska ka magacooda in aanay waxyeelayn shaqaalaha codbixinta doorashada oo haddii ay dood qabaan yimaadaan xarunta guud ee komiihanka “Qofkii iska waayo liiska waxaanu ka codsanaynaa in aanay dhalinyarada cadhada kula dhicin ee Komishanka yimaado si arrintiisa loo xalliyo” ayuu yidhi waxaanu intaas raaciyay isaga oo ka hadlaya dadka labada kaadh qaatay

“Dadka labada kaadh qaatay waxa qaban karaya khadka oo adag, waxaana ku jirta maado jdhka engejisa oo aan ka go’ayn, qofki isku daya inuu iska gooyo waa qof jidhkiisa wax yeelaya.”

 

Afhayeenka Komiishanka oo maanta ka hadlayay Munaasibadii furitaanka tababarka shaqaalaha codbixinta ayaa waxa kale oo uu ka hadlay calamadaha xisbiyadda ee ku xardhan warqada codbixinta ee qofku calaamadinayo marka uu codaynayo “Astaanta xisbiga ayaa murashaxa u taagan, calaamadihii iyo magaca xisbiga ayaa ku qoran waraaqaha” ayuu yidhi, waxaanu u mahad-celiyay ardayda jamacada Hargeysa iyo guud ahaan shaqaalaha komiishanka ee ka hawlgalay hawshii badalaada kaadhka codbixinta doorashada Madaxtooyada waxaanu sheegay inay si fiican uga soo baxeen hawshii kaadhadh badalka.

 

Maxamed Axmed Xirsi Geele, waxa uu sheegay in doorashada Madaxtooyada Somaliland ka soo qayb-gali doonaan goob-joogayaal caalami ah oo tiradooda lagu qiyaasay  in ka badan 70 goob jooge, waxa  kale oo uu xusay  inay jiraan goob-joogayaal wadani ah oo ay ka caawinay hay’adda Progresio iyo ururo kale oo wadani ah.

 

Dr Bulxan, oo ah guddoomiyaha jaamacada Hargeysa, ayaa isaguna si gaar ah ugu mahad-celiyay ardayda jaamacada Hargeysa oo ay uu tilmaamay inay kaalin wanaagsan ka qaateen hawshii kaadhadhka badalka, isla-markaana wuxuu hoosta ka xariiqay oo uu ka codsaday dhalinyaradaa jaamacada Hargeysa inay hawsha codbixintana si daacadnimo ah uga hawl-galaan, si ay u hirgasho inay dalka uga dhacdo doorasho xor oo xalaal ah,  taas oo ah mida kaliya ee ummada reer Somaliland mustaqbalkeeda wax ka taray .

 

By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 

Araweelonews Hargeysa Office                  

E-mail; Info@araweelonews.com/ jaamac132@gmail.com/ shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *