“Marka Runta La sheego Intii Hore Dhulbadani Wuu Ku Tegey Golaha Deegaanka,  Laakiin….”

“Dawladaha Hoose Ma Helaan Lacagta Kabka, Waana Halka Waxaqadkooda Laga Tebayaa..”

Qaybtii Labaad Waraysi khaas ah 

Hargeysa (ANN) Maayarka Caasimada Hargeysa  Eng. Xuseen Maxamuud Jiciir, waxa lagu tilmaamaa inuu yahay Maayarka u safarada badan, iyadoo dad badani ku tilmaameen hogaamiyihii Falastiin ee Yaasir Carfaat, marka la eego safaradiisa debeda,

 

 taas  oo  keentay in qaar badan oo ka mid ah Bulshada Caasimadu ku dhaliilaan in aanay safaradaasi ahayn kuwo uu kasoo kordhiyo wax faaido ah oo ka muuqda caasimada Hargeysa.

 

 

Laakiin Maayar Jiciir, waxa uu iska riixay dhaliishaa, wuxuuna safaradaa ku tilmaamay kuwo uu kasoo hooyay guulo badan, isagoo yidhi, “Runtiina sidaa looma dareemayo oo marka ugu horaysa waxaan odhan karaa  waa faaido weyn oo shirarka aan ka qayb galo anoo  Somaliland  ah,  waxaan odhankaraa  arrimeheena debeda waxbay ka qabatay oo dad badan ayaanu barnay, haday tahay Africa, America, Asia  iyo haday yurub noqotoba, tusaale ahaan markaanu bilawnay safaradaa 2003 ama 2004 waxan odhan karaa Somaliland cidba may aqoon. Markaa shirarkaa caalamiga ah ee aanu ka qayb qaadanay oo kii ugu danbeeyay Barasiil waxa isugu yimi in ka badan 2200 (laba iyo labaatan kun) oo qof, kii ka horeeyay ee Barcelona Afar kun oo qof ayaa isugu yimi, waxa laga akhriyay qoraal Somaliland ah. sidoo kale mid Turkey ahaa oo lagaga hadlayay nabadgelyada aduunka Somaliland siday nabad gelyada ku gaadhay ayaan ka hadalay.  Markaan waxan odhan karaa arrimaha debeda ayaanu uga faaidaynay oo wax weyn ayay u tahay in Somaliland la barto. Waxa kaloo aanu uga faaidaynay Ururka dawladaha Hoose oo aanu ku daray Hay’ado badan oo caalami ah. Sida WHO,  iyo caasimadaha caafimaadka qaba oo aanu ku daray Burco, Hargeysa iyo Berbera, waana tii maaltii dhowayd shahaado sharafta nalagu siinayay, waxa kaloo aanu ku daray dawladeheena hoose isbahaysiga caasimadaha Aduunka, sida welishka (Uk) oo dab damisyo aanu ka sugayno, Kenya, South Africa, Ugandha  iyo Tansania, iyadoo aanu wadno mataanayn fara badan oo magaalooyin badan oo aduunka ah.

Markaa maaha wax si fudud loo dareemayo khartidasu, waxa kaloo ka mid ah guulaha safaradaa Guryaha dadka danyarta ah loo samaynayo ee (shelter Houses), kuwaas oo ah dadkii aanu magaalada ka rarnay ee danyarta ahaa, ama dadkii qoxootiga kasoo noqday oo aanu ilaa 500 (shan boqol ) oo guri oo ay dadkii maanta ku jiraan. Hadana waxa soo socda dhawr kun  oo guri oo aanu shirkii u danbeeyay kaga hadalay oo lacagtii intii badnayd loo helay. Sidaa awgeed waxaan u leeyahay la dareemi maayo guryahaa shanta boqol ah shirkii aan ka qayb galay ee  Barcelona 2004 ayaa lagu oglaaday, waxayna hir galeen 2007, waana wax mudo in la daba socdo u baahan ee maaha wax markiiba laysu dhiibayo, markaa xidhiidhkaa aanu samaynayno xataa waxa ka faaidaya dadka danbe oo Maayarada naga danbeeya ayaanu usii gogol xaadhaynaa. Inta badana waxaan shirarkaa u kexeeeyaa Maayaro badan oo dawladaha Hoose ah si ay uga soo faaidaystaan khibradaa oo dalka iyo dadka loo keenayo. Laakiin dhaqaaleheena ayaa xadidan oo hadaynu maanta dhaqaale fiican haysan lahayn, ama dawlada dhexe u sii deyn lahayd dawladaha hoose lacagta kabista 12.5 % usii deyn lahayd, taas oo doorashada lagu galo, waxna ciidamada la siiyo, halka anaga dawladaha hoose nala siiyo lacagtaa 35 %, ama 50 %. Haddii intaa nala siin lahaa wax qabadkayagu wuxuu noqon lahaa mid fiican.”

Maayarka oo la weydiiyay dhaliilaha ku saabsan inuu xukuumada dhexe isu dhiibay, markii dhawr jeer xubnaha golaha deegaanku kusoo weerareen kursiga iyo qaabka wada shaqaynta ee xiligan Wasaaradda Arrimaha gudaha, wuxuuna isagoo ka jawaabaya taa yidhi, “  Runtii way jirtay oo macaa dawlada dhexe waxa naga dhexeeyay muran iyo khilaaf, sababtoo ah anaguna waxaanu lahayn waxaanu nahay xildhibaano lasoo doortay, iyaguna waxay lahaayeen anagaa idin xukuna  oo na hoost timaadaan (Wasaaradda Arimaha Gudaha). Markii danbe waaya aragnimo badan ayaanu qaadanay, iyaguna sharciyadii ayay qaateen, waxaanuna isku af garanay inaanu wax wada xalilo oo naguma soo xad gudaan, wixii aanu la qaban karona waanu la qabanaa. Laakiin had iyo goor dawlada dhexe waxa kaga maqan Dawlaha hoose lacag fara badan oo ah tii lagu horumarin lahaa dawladaha hoose, ama dhaqaale yaraan ha ahaato, ama cashuurta oo aanay si fiican u ururin ha ahaatee.

Markaa halka dawladaha hoose halka laga dareemi layahay wax qabadkooda waa halkaa, tusaale ahaan maayardii u horeeyay waxay lacagta u qaadan jireen toos oo kaantaroolada ayay ku qaadan jireen, waxaana maalintii soo geli jiray inta u dhaxaysa , $ 22, 000 (laba iyo labaatan kun) oo dollar  ilaa $ 40, 000 (Afartan kun ) oo dollar.anagana maalintii waxa nasoo gala $ 3000 (saddex kun ) oo dollar. Lacagtaa Maayarada hore toos u qaadi jireen waxa noo qaada waqtigan Dawlada dhexe, bishiina waxaanu  ka aragnaa $ 30, 000 (sodon kun) oo dollar, halkii aanu $ 1000,000 (hal Milyan ) oo dollar bishii heli lahayn, hadaanu lacagtaa heli lahayn magaalada Hargeysa waxaanu ka wada dhigi lahayn wada Biriishyo iyo wadooyin.waana halka laga dareemi layahay wax qabadka dawlada hoose.”

Maayar Jiciir waxa la weydiiyay  hawlgalada dawlada hoose ee Hargeysa ee dhinaca suuqa oo keena inay shacbi badan oo danyar ah ku waxyeeleeyaan meherado yar yar oo ganacsi oo ay dadkaa saboolka ahi kala soo baxaan masaariiftooda iyo waxa uu iskaga difaacayo dhaliilahaa, ama ay qorshe ugu samayn waayeen oo  wax uga bedeli waayeen ka hor inta aanay weerarin dadkaa, wuxuuna isagoo ka jawaabaya su,aashaa yidhi, “ Taa waanu ku dedaalay ee waanigu kuu sheegaya in aanu xaafadaha magaalada sariibado ka wada samaynay si ay u tagaan. Laakiin waxaad moodaa inay dadku kusoo ordayaan suuqa magaalada. Markii aanu arintaa ka dabatagnayna dadka meheradaha waaweyn leh ayaa Kaaryoonayaasha dadkaa usoo dhiibta. Anaguna waxaanu lahayn waa dad danyar ah, kuwii aanu ku qornay meelahaa aanu qorshaynayna may tegin. Sidana lagu socon maayee, waxay u baahan tahay in magaalada culayska laga qaado oo iyagana nidaam loo sameeyo xeerar  badana waanu kasoo saaray, hadana waxaa lagu jiraa waxyaabo xaasaasi ah oo ay ku gabanayaan, wax badanina way nooga dhiman yihiin.  arintaa qorsheheeda bilicda magaalada ee dadka suuqa ee ganacsiga yar yar, Basaska  iyo tagaasidaba waanu wadnaa.”

Sidoo kale mar la weydiiyay dhul la’aanta uu ka dhawaajiyay Maayarku ee ay ka cabanayaan golaha deegaanka Hargeysa iyo eedaymaha farta ku fiiqaya inay dhulkii danta guud mudadii ay xukunka hayeen ku tagri faleen, isagoo ka war haya mushiladaha haysata dhalinyarada magaalada caasimada ee garoon la;aant oo sababta mararka qaar dhibaatooyin iyo rabshado gacan ka hadal ah oo ku dhexmara dhalinyaradaa garoomada sida garoonka xaafada xawaadle, wuxuuna isagoo taa ka jawaabaya yidhi,  “,Runtii anagu magaalada meel ayaanu kusoo gaadhnay, meeshii aanu kusoo gaadhnay wixii ka danbeeyay dhulkii aanu qorshaynay ee Beeraha mid walba waa laga helayaa garoomadii. Laakiin way ka fog yihiin dhalinyaradii. Waxa kaloo laga helayaa dhulkii aanu u qorshaynay Cusbitaalada, Iskuulada, wayna jirtay intii hore ee aanu joognay waxyaabo badan oo ay ku tagri faleen golaha deegaanku. Laakiin intan danbe waanu si daba qabanay oo waad aragteen dhul badan oo aanu ku wareejinay Wasaaraddaha sida Ciyaaraha oo aanu ku wareejinay 16 Blok oo dhul ah oo naqshadii iyo sharcigoodiiba aanu ku wareejinay, Bilayska iyo meelaha nabadgelyada  iyo Wasaaradda Caafimaadka  iyagana waanu wadnaa inaan ku wareejino. Sidoo kale Wasaaradda waxbarashada ilaa 35 Blok oo aanu ugu talagalay Iskuulo ayaanu sharcigoodii wadnaa si aanu ugu wareejino dhulkaa. Sababta  aanu ugu wareejinaynaa waxa weeye inaanu masuuliyada saarno iyaga oo lawada eego oo wasaarad kastaa ilaashato. Meelahaa magaalada koonayaasheedana waanu ka wada samaynay dhulkaa oo waxaanu samaynay ilaa meelo ay Basasku kasoo laabtaan mustaqbalka Afarta koone ee magaalada. Laakiin  intii hore wax way ka jiraan dhulkaa nalagu eedaynayo, balse inatan danbe waanu isdaba qabanay oo way fiican yihiin. Laakiin intii hore waa intaanu ku maslaxayn  golaha deegaanka oo dhul badani wuu nagu tegey oo anakaaba og markaanu runta sheegno.”

Eng. Jiciir waxa la weydiiyay sida ay ugu aamineen dawlada dhexe dhulka danta guud ee uu sheegayo inay golaha deegaanku qorsheeyeen, maadaama ay dawladii dhexe xarashayso dhulkii danta guud iyo dhismayaashii magaalada dhexdeeda iyo in loo arki karo arintaa “Kud ka guur oo qanjo u guur”, wuxuuna .yidhi, “”sabatu wax kale maaha ee waxaanu ula jeednaa.marka ay naqshadii dawlada hoose hayso Wasaaradda hawlaha guudna way haynay naqshadii, markaa  waxaanu doonaynaa in laysla wada eego. Waxaana dhacday marka runta la sheego macaa xildhibaanadan golahayaga ha noqotee waxyaabo noogu qoran dan guud.sida cusbitaal oo kale ayuu mid golaha deegaanka ahi soo kaxaynayaa Inaadeerkii oo odhanayaa Cusbitaal ayuu ka samaynayaa waxna ma samaynayo ee dhulkii ayuu sidaa ku qaadanayaa, sababtoo ah Maayarka way ka adag yihiin oo waanu ku ridaynaa ayay odhanayaan. Markaa qorshahan waxaanu samaynay 2009 si aanu golaha deegaanku ugu soo noqon danta guud oo uu uga nabad galo.”

Dhamaad

. By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 

Araweelonews Hargeysa Office                          

E-mail; Info@araweelonews.com/ jaamac132@gmail.com/ shalcaw2@hotmail.com

 

 

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *