Somalia Oo Hogaaminay Dalalka Kaalinta Koowaad ka Galay  Musuq-maasuqa Iyo Kaalinta Maraykanka Iyo Dalal kale Kaga Jiraan DunidaBerlin (Araweelo News Network) Hay’ad  ilaalisa musuq-maasuqa oo caalamiya ayaa soo saartay warbixin iyo baadhitaano lagu oggaaday wadamada dunida ugu musuq-maasuqa badan, kuwaas oo ay Somalia ka gashay kaalinta koowaad.

Haya’ddaa oo lagu magcaabo (watchdog Transparency International), isla markaana fadhigeedu yahay Berlin oo dalka Jarmalka ah, ayaa warbixinteeda ku sheegtay in 177 dal oo ay Somalia ka mid tahay warbixin lagaga ururiyay boqlaal kun oo dad ah lagu xaqiijiyay in Somalia kaalinta uga horaysa, iyadoo aanu jirin wax horumar ah oo ay sameeyaan wadamada musuq-maasuqu ragaadiyay.
Dalalka Syria, Koria  iyo Afghanistaan ayaa iyaguna warbixinta lagu sheegay in ay safka hore ka galeen kaalinta Musuq-maasuqa, iyadoo Syria iyo Afghanistaan ay hadheeyeen dagaalo iyo sika hor imaadyo daba dheeraday, kuwaas oo ay sabab u yihiin loolanka iyo awooda xukunka.

Warbixin dhowr bog ka kooban  ayaa sido kale lagu falanqeeyay dowladaha ugu liita caalamka ee caanka ku ah ku xadgudbka muwaadiniintooda iyo waxisdaba marinta sidoo kale warbixinta waxaa lagu xusay wadamada dhinacacmaamulka ugu wanaagsan caalamka, kuwaas oo inta badan warbixintu sheegtay in ay yihiin  wadamada New Zealand ,  Denmark iyo kuwa laysku yidhaahdo Scandinavian-ka ee qaaradda Yurub, iyadoo  dalka Maraykanka ee United States uu galay kaalinta 19 dhinaca musuq-maasuqa.

Dhinaca dalalka iyo dowladaha Carbeed ee ugu musuq maasuqa badan caalamka waxaa kaalinta 1-aad ee la siiyay  Soomaaliya ka sokow ku xiga Suuriya,Ciraaq,Liibiya iyo Suudaan,  halka dalalka ay kamid yihiin Tuunis iyo Yemen la sheegay in ay musuq-maasuqa kasoo kabanayaan waloow wali uu kajiro.

Mas’uulka ugu sareeya Hay’adda soo saartay warxbixintaa oo magaciisa lagu sheegay Robert Barrington, isla markaana agaasime ka ah Hay’adda ayaa sheegay in marka si guud loo qiimeeyo caalamka sedax wadan ee ugu musuq- maasuqa badan ay kala yihiin Afghanistan,Waqooyiga Kuuriya iyo Soomaaliya, kuwaas oo jebiyay rikoodhka musuq-maasuqa qiimaynta la sameeyay sanadkan 2013.
Sidoo kale qaar ka mid ah dalalka Carabta, kuwa afrida galbeed iyo Central Afrika ayaa warbixintu sheegtay in qaarkood inkasta oo ay hadheeyeen faqri sida Ruwanda ay hadana diyaar u yihiin in ay la dagaalamaan musuq-maasuqa, balse marka si guud loo eego warbxinta waxa lagu sheegay in gebi ahaanaba Afrika ay tahay meelaha ugu musuq-maasuq badan dunida, taas oo caqabad ku noqotay horumarka bulshada iyo adeegyada aasaasiga ah.
Dhinaca kale warbixinta ayaa kusoo beegantay maalmo ka dib markii uu si weyn ugu soo shaacbaxay warbaahinta caalamka khilaaf u dhexeeyay Masuuliyiinta dawlada Somalia iyo Midawga Yurub oo ku tilmaamay kuwo ka beensheegaya caawimooyinka iyo dhaqaalaha lagu caawiyo Somalia oo ay sheegeen in aan xukuumadda Federaalka Somalia lagu aamini Karin.
“Midowga Yurub wax aan ballanqaad ahayn kama hayno marwalba oo ay nala kulmaan malaayiin dollar ayay noo balanqaadaan wax kafulay balantooda majirto”ayay tidhi Fosiya Yuusuf Xaaji.
Sidoo kale warbixinta oo umuuqata mid daba socotay arrimaha canbaaraynta iyo khilaafka u dhexeeya Madaxda Somalia iyo Midawga Yurub ayaa kusoo beegantay wax ka yar dhawr todobaad  markii ay xilka iskaga tagtay Gudoomiyihii Bankiga Somalia Yusur Abraar oo mudo yar xilka haysay, waxayna sababta is casilaadeeda ku tilmaantay musuq-maasuq iyo maamulxumo ka jirta dawlada Federaalka Somalia.
info@araweelonews.com

jaamac132@gmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *