Hargeysa (ANN) Diyaar garawga iyo tabaabulshaha loogu dareerayo subaxnimada cod bixinta doorashada ayaa maanta  ilaa

 

 xalay si weyn laaga dareemayay suuqyada iyo wadooyinka magaalooyinka waaweyn ee dalka, waxaana la arakayay sawaxanka gaadiidka saxmada iyo dadka u kala baxayo goobaha iyo deegaanada ay doonayaan inay codkooda ka dhiibtaan subaxnimada. .

 

 

Boqolaal gaadiidka  waaweyn, Basaska  iyo kuwa yar yar  ah ayaa u kala baxay jihooyin iyo deegaamo kala duwan oo kala durugsan, kuwaas oo hugunka, sawaxanka iyo diyaargarawgooda marka laga yimaado magaalooyinka kale ee waaweyn saamayn gaara dhaqdhaqaaqoodu ku yeeshay magaalada Caasimada ah ee Hargeysa.

Iyadoo marka laga yimaado dadweynaha iyagu meelaha kala duwan iyo magaalooyinka kale sida gobolada iyo deegaamada kale ee ku   xeeran caasimada, ama kuwa ka durugsan u raacayay gaadiidkaa, si aanay uga habsamin maalinta cod bixinta ee sabtida ay jiraan kumanaan qof oo ka kala socda axsaabta, hawlwadeenada komishanka, ciidanka amaanka iyo goob joogayaal isugu jiraa u kala baxayeen dhamaan goobaha gobolada iyo degmooyinka dalka, kuwaas oo qaarkood laba maalmood ka hor  sahaydooda u qaateen goobaha iyo deegaamada ay ka hawl gelayaan

Inkasta oo sawaxanka iyo diyaargarawgu ka jiro dhamaan magaalooyinka waaweyn ee dalka.Balse magaalada caasimada ee Hargeysa .ayaa si gaara looga dareemayay dhaqdhaqaaqa gaadiidka iyo dadka gaadiidka ka raacaya meelo kala duwan, isla markaana xarunta guud ee komishanka oo ah goobta laga maamulayo dhamaan hawlaha doorashada ayaa yeelatay muuqaal gaara iyo saxmad gaadiid iyo dadka loo qorsheeyay inay noqdaan hawlwadeenada iyo kaaliyayaasha hawlaha komishanka qaranka ee doorashada sida weyn loo danaynayo ee madaxtooyada oo cod bixinteeda subaxnimada looga dareerayo gebi ahaanba dalka.

Sidoo kale goobaha durugsan ayaa mar horeba qalabkoodii iyo adeegii looga baahnaa u kala direen komishanka doorashooyinka qaranku, halka goobaha dhowna ilaa xalay hawshooda la diyaarinayay.

Dhinaca kale Guddiga doorashooyinka qaranka Somaliland oo si weyn ugu mashquulsan hawshaa baaxada weyn ayaa balanqaaday  in aanay  natiijada doorashada loo dareerayo  subaxnimada 26 Jun kusoo saari doonaan mudo todobaad gudihii ah, isla markaana ay soo bandhigi doonaan  musharaxiinta ama xisbiga ku guulaysta doorashada seddexda xisbi eek u tartamaya.

Komishanka doorashooyinka qaranku waxay sheegeen inay ku u qorshaysan tahay inay mudadaa usoo xeroodaan dhamaan sanaaduuqda goobaha cod bixinta ee gobolada iyo degmooyinka dalka. sidaa awgeed ay ku qanacsan yihiin in aanay waqti dheer ka qaadanayn.
Guddoomiyaha Guddiga doorashooyinka Somaliland Ciise Yuusuf Maxamed (Ciise-Xamari), oo Idaacadda BBC-da u waramayay, ayaa sheegay inaanay toddoba maalmood kaga badan doonin ku dhawaaqidda natiijada doorashada Madaxtooyada Somaliland toddoba subaxnimo guud ahaanba looga dareeri doono codbixinteeda.. “Ku dhawaaqista natiijadu waxaannu rajaynaynaa Insha Allaah inaanay toddobaad nagaga badan doonin, haddii Illaahay yidhaahdo, marka Gobollada iyo Degmooyinka ay ka soo xaroodaan sanaaduuqda codadku.” ayuu yidhi Guddoomiyaha Komishanka doorashooyinka Somaliland.

Ciise-Xamari, waxa uu sheegay inay guud ahaanba dhammaystireen, qalabkii goobaha doorashada lagaga shaqaynayay iyo hawl-wadeennadii ka shaqaynayay, isla markaana 1800 oo goobood oo doorashadu ka dhacayso galabta meelihii u dambeeyey gaadhsiiyeen, isla markaana waxa hadhay ay yihiin u dareeridda codbixinta

Guddoomiyaha Komishanka doorashooyinka Qaranka Somaliland Ciise Yuusuf (Ciise-Xamari), waxa kale oo uu sheegay inay goobaha codbixinta qaarkood kala jabiyeen ama meel goob kaliya ahayd ay ka dhigeen saddex ama laba si aanay kuyuuga dadka codka bixinayaa isugu cidhiidhyin hal meel ee ay dhawr meelood ka codeeyaan, iyada oo meelaha la kordhiyey aanay noqon doonin goobo cusub, hase ahaatee, ay yihiin qaybo hawsha lagu fududaynayo oo ka mid ah goobtii marka hore meesha ahayd. Waxaanu Guddoomiyuhu bulshada iyo Axsaabta siyaasadda u soo jeediyey inay dhawraan nabadgalyada, is ixtiraam iyo isu-dul-qaadashana la muujiyo wakhtiga codaynta safafka loogu jiro.

By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist   

Araweelonews Hargeysa Office                  

E-mail; Info@araweelonews.com/ jaamac132@gmail.com/ shalcaw2@hotmail.com

 

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *