Qeyb ka mid ah qalabka deeqada ah ee Jabuuti.Djibouti(ANN)Xukuumadda Dalka DJibouti ayaa dawlada Somali ku wareejisay gaadiidka gaashaaman ee ciidamada, Hub  iyo saanad Milateri oo ay ugu deeqday dawlada Somalia.

Gaadiidka la siiyay Somalia oo ka kooban 50 gaadhi oo isugu jira kuwa gaashaaman oo dhawr ka mid ah ay yihiin kuwa xamuulka qaada iyo sidoo kale Hub  iyo saanad Milateri, waxa lagu wareejiyay  Ra’iisal Wasaaraha Xukuumada Federaalka ee Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon Saacid oo ay weheliyaan Wasiirka Arrimaha Gudaha C/kariin Xuseen Guuleed, Wasiirka Gaashaandhiga C/xakiin X. Maxamuud Faqi iyo Marwada Raysal wasaaraha Xildhibaan Caasha Xaaji, kaas  booqasho  ku tegey shalay caasimada dalka Djibouti.

Gaadiid_Jabuuti 6
Labada wasiir ee Gaashaandhiga Djibouti iyo Somalia ayaa kala saxeexday heshiis dhinaca iskaashiga iyo amniga,  isla markaana dawlada Djibouti ayaa sheegtay inay hiil iyo hooba la garab taagantahay dawlada Somalia oo aanay taageeradeedu ku koobnaanayn intaa oo keliya.

Gaadiid_Jabuuti 11
Dhinaca kale   Ra’iisal Wasaaraha Somalia ayaa kulan la yeeshay  Madaxweynaha Djibouti Ismaaciil Cumar Geelle, kulankaa oo ahaa mid albaabada loo xidhay, markii uu dhamaaday  waxa warbaahinta la hadlay Ra’iisal Wasaare Saacid oo xusay kulankooda ay kaga wadahadleen arrimo badan oo ay ka mid tahay iskaashiga labada dal, iyo sidoo kale deris wanaaga.

Sidoo kale Raysal Wasaare Saacid ayaa sheegay in safarkiisu aanu ku ekayn oo keliya dalka Djibouti, balse uu  tagi doono dalalka Ethiopia, Uganda iyo Burundi, wuxuuna rajo wanaagan ka muujiyay inay ka soo baxaan natiijooyin wanaagsan safarka uu ku marayo dalalkaa.

Gaadiid_Jabuuti 12
Raysal  Wasaare Saacid ayaa safarkiisu noqonayaa kii ugu horeeyay ee uu dalka kaga baxo tan iyo markii la magcaabay October 2012, waxayna caawimada Hubka iyo Saanada Milateri ee ay Djibouti siisay dawlada Somalia kusoo beegmay, iyadoo ay weli taagan tahay fadeexad kasoo baxday  hub dhowaan lagaga baxay xarunta Madaxtooyadda ee Villa Somalia, taas oo fadeexad ku noqotay Somalia, waxaana laga cabsi qabaa in caawimooyinka  hubka ee la siiyo waqtigan dawlada u gacan galaan dad gaar ah,ama deegaamo gaar ah, balse Raysal wasaare Saacid wuxuu balan qaaday  in ay hubkaa u adeegsan doonaan oo keliya sidii nabad loogu soo celin lahaa Somalia.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *