Hargeysa(ANN)Hanti dhawrka guud ee qaranka ayaa dalbaday in xabsiga loo taxaabo Hoghayaha Dawlada Hoose ee Hargeysa Deeq Xirsi Cambuul, balse talaabada waaranka lagu qabanayay masuulkaa oo lagu eedeeyay arrimo musuq-maasuq waxa hor istaagay Wasiirka Arrimaha Gudaha Dr. Maxamed

 

Cabdi Gaboose, Wasiir ku xigeenkka Maaliyada Warsame Siciid Cabdi  iyo Sidoo kale xeer Ilaalinta guud ee qaranka Somaliland ayaa dalbatay in la hakiyo qabashada Masuulkaa.
Waxayna aarintaasi keentay in muran iyo khilaaf ka dhasho qabshada masuulkaa oo ay hantidhawrku go,aansadeen in la qabto. Kadib markii baadhitaanadaa oo mudo afar bilood ku dhaw laga waday xafiisyada dawladda Hoose ee Hargeysa, taas oo natiijadeedii  lagula xidhiidhiyay  inuu faraha la galay musuq-maasuq iyo wax is daba marin oo uu lunsaday lacag gaadhaysa $ 20, 000
Hase yeeshee Masuuliyiinta lala xidhiidhiyay inay hor istaageen talaabada hantidhawrka oo aanu isku daynay inaanu wax ka weydiino sababta keentay inay waaranka masuulkaa lagu qabanayo hor istaageen ayaa ka gaabsaday, balse tibaaxo ku dhow xafiiska xeer Ilaalinta ayaa u sheegay shebekada wararka ee Araweelonews inay xeer Ilaalintu ku gacan saydhay eedaha masuulkaa oo ay ku tilmaameen kuwo aan dhamaystirnayn. Sidaa awgeed ay ka dalbadeen hantidhawrka inay soo dhamaystiraan baadhistooda oo ay xeer ilaalinta usoo gudbiyaan wax lagu qanci karo.
Dhinaca kale warar kale ayaa sheegaya in la xidhay sadex maalmood ka hor sarkaal dawladda hoose u qaabilsanaa dhinaca dhismaha oo ah   injineerkii hawsha dhsimaha waday, kaas oo ay hantidhawrka guud xabsiga u taxaabeen.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *