Jig-jiga(ANN) Ciidanka New Police ee  ee kililka Shanaad ee Ethiopia  ayaa shalay Gelinkii danbe  ka qafaashay Magaalada Xuduuda labada Dawladood marto ee Tog Wajaale laba Askari oo ka tirsan ciidanka qaranka Somaliland Labada askari oo magacyadooda la kala yihiin

Liibaan Cumar Warsame iyo Cumar Ismaaciil Hufane, isla markaana  ka tirsan Guutada ciidanka qaranka ee fadhigeedu yahay deegaanka wajaale ee Mashruuca , waxa la sheegay in abaaro shantii Galabnimo ee shalay laga kaxaystay gudaha Magaalada Wajaale xili ay wax ka iibsanayeen Tukaan ku yaala dhinaca galbeed ee magaaladaa ee qaybta Ethiopia, sidaana waxa shebekada wararka ee Araweelonews u xaqiijiyay saraakiil ka tirsan sirdoonka Somaliland.
Labadaa Askari ee ka tirsan ciidanka Somaliland ayaa  xalay loo qaaday Magaalada Jig-jiga ee Xarunta Kilalka shanaad ee Ethiopia, iyadoo aanay cadayn sababta loo kaxaystay askartaa.
Xukuumadda Somaliland ayaan ilaa hada ka hadlin labadaa askari, isla markaana saraakiisha ciidanka milateriga ayaa ka gaabsaday inay fasiraad ka bixiyaan labadaa askari.  Hase yeeshee Arintan ayaa ku soo beegmaysa todobaadyo markii wafti ka socda kililka shanaad ee Ethiopia oo uu horkacaayo badhasaabka jigjigaad ay Magaalada Hargeysa u yimaadeen xalintaa khilaaf soo kala dhex galay labada Dawladood, kadib markii ciidamada amaanka Somaliland horaantii bishan xidheen shan nin oo ka tirsan sirdoonka Ethiopia, kuwaas oo doonayay inay hawlgal lagu ugaadhsanayo dad muwaadiniin ah oo u dhashay Somaliland ka fuliyaan magaalooyinka Wajaale iyo Hargeysa.
Laakiin wax ka yar todobaad ayay ciidamada New police ee kililka shanaad ee Soomaalida Ethiopia qabsadeen gaadhi uu leeyahay Taliyaha Sirdoonka Somaliland, sarkaal sirdoonka ah,   dareewalkii waday iyo sadex qof oo kale, taas oo ay jawaab uga dhigayeen kooxda laga qabtay ee ku xidhan Hargeysa, balse wadahadal labada xukuumadood ee Ethopia iyo Somaliland kadib lasoo daayay gaadhigii Taliyaha sirdoonka Somaliland iyo dadkii saarnaa. Laakiin ay xukuumadda Somaliland ku gacansaydhay in shantaa Nin ee laga xidhay sirdoonka Ethiopia loo sii daayo, taas oo loo malaynayo inay xidhiidh la leedahay talaabada ay ciidanka New police ku qabsadeen labadaa askari ee ka tirsan ciidanka Somaliland.
Talaabada lagu xidhay labada askari ee Somaliland ayaa kusoo beegantay  iyadoo  ay  saraakiil ka tirsan Ciidanka sirdoonka qaranka ee ay kaxaystaan Ciidamada Ethiopia iyo masuuliyiin ka socotay kililka shannaad ee Ethiopia  iyada oo waftigaasi ay kulan la yeesheen masuuliyiinta wasaarada arimaha gudaha ee soomaaliland, kulankaa oo markii uu dhamaaday la sheegay inay labada dhinac gaadheen  is afgarad, isla markaana la xaliyay xurguftii labada dhinac. Laakiin talaabadan danbe ee ay qaadeen ciidanka New Police ee kililka shanaad ayaa u muuqata mid meesha ka saaray xidhiidhkii iyo wada shaqayntii labada dawladood ee Somaliland iyo Ethiopia. waxaana jira tibaaxo sheegaya inay ciidanka New Police ee kililka shanaad ee Ethiopia ka hawgalaa qorshaynayaan sidii ay u carqalayan lahaayeen xidhiidhka labada dal mid marka horeba aan cago adag ku taagnayn, balse uu jiray is kaashi dhinaca amaanka iyo wada shaqaynta ah, kaas oo u muuqda mid meesha ka baxaya haddii ay kooxda New Police sii wadaan falalka qafaalashada ah ee ay mudooyinkan u danbeeyay kula kacayeen ciidamada kala duwan ee Somaliland iyo dadka shacabka ah.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *