Hargeysa(ANN)Hanti dhawrka guud ee qaranka ayaa dalbaday in xabsiga loo taxaabo Hoghayaha Dawlada Hoose ee Hargeysa Deeq Xirsi Cambuul, balse talaabada waaranka lagu qabanayay masuulkaa oo lagu eedeeyay arrimo musuq-maasuq waxa hor istaagay Wasiirka Arrimaha Gudaha Dr. Maxamed
Cabdi Gaboose, Wasiir ku xigeenkka Maaliyada Warsame Siciid Cabdi iyo Sidoo kale xeer Ilaalinta guud ee qaranka Somaliland ayaa dalbatay in la hakiyo qabashada Masuulkaa.
Waxayna aarintaasi keentay in muran iyo khilaaf ka dhasho qabshada masuulkaa oo ay hantidhawrku go,aansadeen in la qabto. Kadib markii baadhitaanadaa oo mudo afar bilood ku dhaw laga waday xafiisyada dawladda Hoose ee Hargeysa, taas oo natiijadeedii lagula xidhiidhiyay inuu faraha la galay musuq-maasuq iyo wax is daba marin oo uu lunsaday lacag gaadhaysa $ 20, 000
Hase yeeshee Masuuliyiinta lala xidhiidhiyay inay hor istaageen talaabada hantidhawrka oo aanu isku daynay inaanu wax ka weydiino sababta keentay inay waaranka masuulkaa lagu qabanayo hor istaageen ayaa ka gaabsaday, balse tibaaxo ku dhow xafiiska xeer Ilaalinta ayaa u sheegay shebekada wararka ee Araweelonews inay xeer Ilaalintu ku gacan saydhay eedaha masuulkaa oo ay ku tilmaameen kuwo aan dhamaystirnayn. Sidaa awgeed ay ka dalbadeen hantidhawrka inay soo dhamaystiraan baadhistooda oo ay xeer ilaalinta usoo gudbiyaan wax lagu qanci karo.
Dhinaca kale warar kale ayaa sheegaya in la xidhay sadex maalmood ka hor sarkaal dawladda hoose u qaabilsanaa dhinaca dhismaha oo ah injineerkii hawsha dhsimaha waday, kaas oo ay hantidhawrka guud xabsiga u taxaabeen.
Araweelonews Mobile
Somaliland Office
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com