Adis Ababa(ANN) Xiisada siyaasadeed iyo dagaalada ka aloosan Somalia ayaa sababay muran iyo khilaaf soo kala dhexgalay wadamada xubnaha ka ah Midawga Afrika oo qaarkood ku doodayaan in gelitaanka Ciidamada Kenya iyo Ethiopia ay abuuri karaan xaalad saamaysa nabadgelyada

 

mandaqada, isla markaana horseeda dagaalo ku salaysan diimmo iyo dhaqan.
Sidaa awgeed loo baahanayhay in xaalada la dejiyo oo laysku dayo in wada hadal lala galo kooxaha Islaamiyiinta ee kasoo horjeeda dawladda taagta daran ee Somalia, isla markaana Somalia loo diro ergo dhexdhexaadin ah oo ka socota Midawga Afrika. Sida uu shaaca ka qaaday Madaxweynihii hore ee dalka Ghana Jerry Rawlings, oo xiligan ah wakiilka Ururka Midawga Afrika u qaabilsan arrimaha Somalia oo todobaadkan  sheegay inaanu odhanayn Kenya wadahadal ha lagasho Al-shabaab, balse uu sheegay in loo baahanyahay sidii Somalia juhdi baddan loo gelin lahaa, iyadoo aan la xidhayn albaabada,  isla  dhamaan dhinacyada siyaasada lala hadlo  si aanay xaaladu faraha uga bixin, wuxuuna ku dooday in weerarada hada socdaa ay dhinaca kale taageero u samaynayaan oo keliya Al-shabaab.
Hase yeeshee wadamada IGAD oo ay hogaaminayaan Kenya iyo Ethiopia oo labadoodaba ciidamadoodu ku jiraan  gudaha Somalia ayaa kulan deg deg ah oo aan caadi ahayn oo ay maanta ku qabteen Adis Ababa ayaa kulankaa ka dib qoraal war murtiyeed ay soo saareen ku sheegay inay ka codsadeen  Madaxda IGAD  dawladda  Ethiopia inay gacan siiso dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab ee ay wadaan AMISOM, Kenya iyo DKMG.
Madaxda IGAD ayaa dhinaca kalena dowladda Kenya ugu baaqay in ciidankeena ay ku biiriso ciidamada AMISOM ee Soomaaliya ka howlgalla, iyadoo war murtiyeedka IGAD lagu sheegay in nuxurka qodobada uu xanbaarsanyahay loo gudbinayo Ururka Midawga Afrika iyo Golaha amaanka si meel  mariyo.
Codsiga Ethiopia loo soo jeediyay ayaa u muuqda inuu dalka Ethiopia siiyayo fursad ay mar kale dib ugu gasho dalka Soomaaliya oo ay sannadkii 2006 gashay. Dawladda   Ethiopia ayaa sheegtay inay jawaab deg-deg ah ka bixinayso codsigaa ay ka dalbadeen IGAD, balse wadamada Kenya iyo Ethiopia ayaa doonaya in aanay qayb ka noqon ciidamada AMISOM ee ay ciidamadoodu gaarkooda ula dagaalamaan xarakada Al-shabaab.
Dhinaca kale waxa jira qayladhaan ka imanaysa dublamaasiyiin ka tirsan dalalka midawga Afrika, Maraykanka iyo meelo kale, kuwaas oo ku baaqaya inay faragelinta Ciidamada Kenya iyo Ethiopia ee Somalia ay horseedi karto dagaalo ku faafa mandaqada, iyadoo maraykanku si gaara farta ugu fiiqay talaabada dawladda ku gasho Somalia mid aan loo baahnayn waqtigan oo abuurki karta xasarad iyo dagaalo hor leh, balse Maraykanku kama gacan madhna dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab, waxayna diyaaradaha maraykanka ee is wadaa maalin walba duqaymo ku sameeyaan deegaanada Koonfurta Somalia, hawlgaladaa oo ay inta badan khasaare dhimasho iyo dhaawac ahi kasoo gaadhaan dad maato ah oo aan waxba galabsan.
.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *