Burco(ANN)Dadweynaha  Oodweyne, ayaa roog cas u dhigay guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Muuse Bixii Cabdi iyo wefti ballaadhan oo ku wehelinaya safarkaa oo ujeedada socdaalkoodu  yahay sidii  ay ugu  diyaargarooobi lahaayeen doorashooyinka degaanka iyo qiimaynta waxqabadkii

 

xisbiga KULMIYE ballqandaaday doorashooyinkii madaxtooyada sanad iyo badh ka hor.
Weftiga KULMIYE oo subaxnimadii hore ee shalay ka ambabaxay magaalada Burco uu horkacayay Badhasaabka Gobolka Togdheer Md. Yaasiin Muxumed Cabdi, waxa duleedka magaalada Oodweyne kaga hortegay Badhasaabka Oodweyne, waxana weftigu gaadheen xarunta maamulka degmada Oodweyne oo ay ku sugnaayeen dadweyne aad u tiro badan oo lulayay calanka KULMIYE.
Waxa kale oo Guddoomiye Muuse Cabdi Biixi lagu soo dhaweeyay rooggii casaa ee reer Oodweyne hore u dhigeen Madaxweyne Silaanyo xilligii lagu gudo jiray ololaha doorashada madaxtooyadda, sidoo kale waxa weftigu ka haqab-beeleen caano geel.
“Waxaannu nahay xisbiga qudha ee heshiis qoraal ah la galay kii u codeeyay iyo kii aan u codaynba. Sidaa darteed xisaabtankii sannadlaha ayaanu u soo noqonay. Gobolka Daad-madheedh wuxuu gobollada kale codkooda dheeryahay roogii casaa iyo ciidankii baamboyda,” ayuu yidhi Md. Muuse Biixi Cabdi.
Guddoomiyaha KULMIYE waxa uu sheegay inay wax badan ay ka hirgaleen ballanqaadkii xisbigiisu sameeyey, waxaannu si gaar ah farta ugu fiiqay in Oodweyne yahay gobolkii ugu horreeyey ee dawladdu miisaaniyadda ugu dartay afar boqol oo milyan oo loogu talogalay dhismaha waddada ku xidha Burco.


“Daad-madheedh haddii waddadiisa ilaa lixdankii la hadalhayay, haddii dawladdii Cabdirashiid, Aadan Cadde iyo tii kacaanka iyo intii Somaliland jirtay wadadaas hadal hayeen, annagu waxaannu sheegi karnaa sannad gudihii xukuumadda KULMIYE waa ta keliya ee miisaaniyadda si dhab ah ugu dartay afar boqol oo kun oo waddada hawsheedu bilow ku noqoto, haddii sannad walba afar boqol loogu daro waxaan hubaala inay sanado kooban gudaheed ku dhaaanayso.”


Haseyeeshee, Muuse Biixi waxa uu hoosta ka xarriiqay in mabda’oodu yahay qabyotirka waxa dhiman, waxaannu yidhi, “Wixii la qabtay way qabsoomeene mabda’ayagu maaha inaanu faano oo nidhaahno waxasaannu qabanay, laakiin aanu ka shaqayno maxaa innoo dhiman?
Gudoomiyaha Kulmiye Muuse Biixi oo ka hadlayay xiligii halganka SNM iyo doorkii uu shaqsiyan ku lahaa isagu, wuxuuna isagoo arrintaa ka hadlaya yidhi,”way jirtaaa maalmo qadhaadhaa oo murugo lahaa oo ina soo maray, laakiin waxaynu kaga bixi karaa maalamhaa madoobaa ku bedelo kuwo wanaagsan oo aynu ilawno taariikhdeenu baraha madaw ee ay leedahay. Anigu waxan ka mid ahay 10 qof, ama 20-ka qof ee ugu horeeya marka lasoo qaado halgankii SNM ee lagu amaano. Marka la eego wixii naga khaldamayna lagu caayo, labadaba waanu qaadanaynaa oo waa taariikh, weliba raggaa ka ugu xanuun baddan ayaan ahay.”  Ayuu ydhi Muuse Biixi oo la hadlayay dadweynaha Oodweyne.
Muuse wuxuu sheegay in Gobolka Oodweyne oo taariikh weyn ku leh dalka Somaliland iyo qanniimada xoolaha nool uu waqtigan isbeddel weyn ka muuqdo dadkii xoolo dhaqatada ahaa oo magaalooyinka u hayaamay iyo jid la’aan ka go’doomisay gobollada kale oo sababtay aafo u horseeday inuu noqdo gobol dhaqaalle ahaan ka dambeeya gobollada, taas oo ay kala siman yihiin Sanaag ilaa Saylac.
Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Oodweyne Mr. Yuusuf Ibraahin Geeddi oo isugna halkaa ka hadlay, ayaa ugu bushaareeyey Muuse Biixi inuu marin doono jidkii Madaxweyne Siilaanyo ee reer Oodweyne dhabarka kaga dhirbaaxeen, una dhigayaan roog cas, “Waa halkii Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland roogga cas loogu dhigay intii aannu madaxweynaha noqon oo ah rooggaas ku horyaal. Muuse Biixoow waxaannu ku leenahay adigana dhabarkaannu kaa garaacaynaa, rooggiina waannu kuu dhignay,” ayuu yidhi Badhasaabku.
Kooxaha hiddaha iyo dhaqanka ayaa madasha ku soo bandhigay buraanbur iyo gabayo ay ku ammaaneen xisbiga KULMIYE iyo xukuumadda ka dhalatay ee talada dalka haysa

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *