Hargeysa(ANN)Xubno ka mid ah Gudida Culimada Wanaaagfarista iyo Xumaan reebista ayaa ka digay kooxo ay sheegeen inay soo jeedintoodii ku waajahnayd arrimaha guurka  si khaldan u turjumeen, isla markaana si ciyaar ciyaar iyo dheel dheel ah uga dhigay sheekooyin lagu soo bandhigo

shebekada Facebook iyo meelaha lagu kulmo sida  maqaaxiyaha shaaha. Sidoo waxay fariin u direen Sh. Maxamed Cabdi Xoore oo ka mid ah Culimada hargeysa oo ay sheegeen inuu si khaldan u fasiray mawduuca muhiimka ah ee ay ka hadleen.
Sh. Maxamed Xaaji Maxamuud Xirsi oo ka mid ah gudida Culimada Wanaagfarista iyo xumaan reebista  ayaa sheegay mushkilada ka taagan Guurku inaanay ahayn arrin keligood culays ku haysa, balse ay tahay mushkilad culays ku haysa, xukuumadda, Culimada iyo bulshada oo dhan. Sidaa awgeed loo baahanayhay in xal loo helo oo laga hawlgalo.
Sheekh. Maxamed wuxuu sheegay xalinta mushkiladaasi dhinaca galbeedka Somaliland  ka hirgashay, balse loo baahanyahay in laga hirgeliyo, iyadoo la raacayo Kitaabka iyo sunaha, wuxuuna uga digay dad uu sheegay inay si khaldan u turjumeen dareenka soo jeedintooda.
Sidoo kale Sheekh Cawil Faatax ayaa sheegay in arrinta guurku tahay arrin muhiim ah oo ku salaysan dhaqankii Bulshada, sidaa darteed loo baahanyahay  in si dhab ah loo eego, wuxuuna digiin usoo jeediyay dad uu sheegay inay  si dheel dheelka ah, maqaaxiyaha shaaha laga cabo iyo shebekada Face book –ga uga dhigayaan wax  dacaayad ah.
Sidoo kale wuxuu Sh. Cawil sheegay in Sh. Maxamed Cabdi Xoore oo ka mid ah  Culimada magaalada Hargeysa  oo ka horyimi baaqa Gudida wanaagfaristu  ay tahay  arrin gef ah inuu ka horyimaado, wuxuuna isagoo arrintaa ka hadlaya yidhi, “Waxaan leeyahay qadiyaasu waa gef weyn, sababtoo ah anagu meher maanu xadayn, waxa keliya ee aan ka hadalay waxyaabaha aan meherka ahayn ee la kordhinayo ee la fasahaadinayo  Diineetuna  waxay taqaanaa Mafaasid iyo Masaalix oo ay wax ku binaysaa,  waxaan ka hadlaynay maxaa fasahaadin kara Ummada maxaa dhaqanka xumaynkara . laakiin waxa uu Sh. Xoore yidhi, “Culimadu waa Jaahiliin”, waxaan leenahay qadiyadaasi waa gef, haddaan bidiqa uga hadlona waxan odhan karaa isagaa Jaahil ah, sababtoo ah dadka intaa lee goo isugu jira Culimo iyo waayeel in afka lagu dhifto maaha. Haddii uu hayo wax daliil iyo cilmi ah miidaanka ha yimaado, haddii kale waxaan leenahay ha noqon Nin habeen xaabaysanaya ee Bulshadu Dayaxa ay fuushantahay fuul.” Ayuu yidhi Sh. Cawil oo weriye ka tirsan shebekada Araweelonews oo kula kulmay xafiiskooda Magaalada Hargeysa.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *