Muqdisho(ANN)Kooxo ka tirsan Dagaalyahanka Al-shabaab, ayaa maanta socod temeshle ah ku maray qaybo ka mid ah magaalada Muqdisho iyagoo ku gaashaaman hubka darandooriga u dhaca. Kadib markii hogaamiyaha dawladda taagta daran Sh. Shariif shalay sheegay inay Al-shabaab ka

 

safeeyeen magaalada Muqdisho.
Sheekh Maxamed Cumar Cabdi Raxmaan oo hogaaminaya  kooxo hubaysan  ka tirsan Al-shabaab ayaa socod ku maray qaybo ka  tirsan degmada Dayniile. Xarakada Al-shabaab, ayaa hore  u sheegtay Augst 2011 ee sanadkii  tegey inay  qaabkii  dagaalka  Muqdisho wax ka  bedeleen oo ay qaab firfircoon howlgallo uga fulinayaan xaafado katirsan magaalada Muqdisho.
Sidoo kale  Mas’uulkan katirsan Al-shabaab  ayaa sheegay in ciidamadooda ay meel walba oo Muqdisho kamid ah ka howlgalaan, wuxuuna sarkaalkaasi  been abuur ku tilmaamay dhawaaq  shalay kasoo baxay  shariif Sheekh Axmed oo sheegayay inay ciidamadoodu Al-shabaab  Muqdisho ka saareen oo ay gacantooda ku wada jirto.


Dhinaca kale waxa jira warar sheegaya inay Al-shabaab oo mudooyinkii u danbeeyay ka baxay magaalooyin waaweyn iyo deegaamo muhiim ahaa oo ay gacanta ku hayeen  ay ku jiraan qorshe dib u habayn iyo inay sameeyaan istiraatiijiyad cusub oo ay kaga gaashamanayaan weerarada dhinaca cirka ee duqaynta iyo kuwa dhinaca dhulka ah ee isbahaysiga ciidamada AMISOM , Ethiopia iyo Kenya oo taageeraya ciidamada dawladda taagta daran ee Somalia. iyadoo ay kooxda Al-shabaab sida hore looga bartay xiliyadan oo kale fuliyaan weeraro qaraxyo is miidaamin ah iyo dilal qorshaysan, taas oo ay ku bedelaan dagaalka ka fool ka foolka ah ee ay ku jireen.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office   
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *