Moscow(ANN) Muran iyo khilaaf ayaa hadheeyay natiijada doorashada dalka Russia. Kadib markii lagu dhawaaqay inuu codadka ugu baddan ee tartanka doorashada Madaxtooyada uu ku guulyastay Vladimir Putin oo waqtigan ahaa Raysal wasaaraha dalka, isla markaana mudo ka baddan toban sanadood
ahaa Madaxweynaha Ruushka.
Dad lagu qiyaasay labaatan kun ayaa isugu soo baxay fagaaraha caasimada Moscow,(iconic Pushkin Square), kuwaas oo ka cadhooday natiijada guusha 63% ee loogu dhawaaqay Raysal wasaarihii hore Mr. Putin. Booliska ayaa ugu baaqay dadkaa inay ka dareeraan, balse waxa ku gacan saydhay hogaamiyayaasha mucaaridka, waxayna Boolisku xabsiyada dhigeen qaar ka mid ah hogaamiyaasha mucaaridka ee taageerayaashoodu isugu soo baxeen maantaa halkaa. Iyagoo ku dhawaaqayay ha dego Putin.
Grigory Yavlinsky oo ah hogaamiyayaasha mucaaridka ayaa sheegay inay gebi ahaanba doorashadu ahayd mid kaanbaykeeda si khiyaamo ah loo isticmaalay, isla markaana cod bixintii loo maamulay si khaldan . sidaa awgeed aan lagu qanci karin. Mucaaridku waxay ku doodayaan in hore loo sii qorsheeyay guusha Putin mar kale kusoo laabtay xukunka. Eduard Limonov, oo ah hogaamiyaha xisbiga (National Bolshevik Party), ayaa isna xabsiga loo taxaabay, iyagoo doonayay inay taaageerayaashoodu isugu soo baxaan fagaaraha Lubyanka Square ee u dhow xarunta guud ee gudida doorashooyinka Ruushka, iyadoo goobtaa lagu diyaariyay oo ay ka warheleen sirdoonka Rashia ee KGB, kuwaas oo xabsiga u taxaabay in ka baddan boqol qof oo ka mid ah mudaharaadayaasha.
Araweelonews Mobile
Somaliland Office
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com