Hargeysa(ANN) Taliyaha guud ee ciidamada Booliska Somaliland Gen.  Cilmi Rooble Furre (Cilmi Kabaal) ayaa sheegay in ciidamada amaanka ee dalka Djibouti  usoo dhiibeen nin ka mid ahaa raggii  abaanka u ahaa malayshiyo ka tirsanaa jabhadda ONLF oo hub  kala soo degey xeebaha

galbeedka Somaliland dabayaaqadii sannadkii hore 2010.

Ninkaa oo ka mid ahaa koox dhawr qof ah oo dalyaqaan  iyo abaan u ahaa kooxdaa, ayaa isugu baxsaday. Kadib markii ciidamda amaanka Somaliland gacanta kusoo dhigeen dareewaliintii waday gaadiidka hubka lagu qaaday, kuwaas oo ka    daabulayay xeebta tuulada Buulo-Caddo ee galbeedka Somaliland.

Hase yeeshee Taliyaha ciidanka booliska Somaliland ayaa  sheegay in ninka oo uu magaciisa ku soo koobay  Mr. Aleel ka mid ahaa raggii maxkamada ciidamada Somaliland xukuntay,  iyagga oo maqan oo baxsaday, balse  ciidamada Djibouti ay gacanta ksuoo dhigeen. Sidaana loogu soo wareejiyay Ciidanka Bilayska Somaliland.

Gen. Rooble Furre, waxa uu sidaa ku sheegay  mar uu maanta Idaacada laanta Afka Soomaliga ee BBC-da la hadlayay, isagoo sheegay  in ninka ay ciidanka Djibouti usoo dhiibeen  ay hore Maxkamadda Ciidanku ugu xukuntay xabsi 16 sannadood ah, isla markaana  loo gudbin doono  xabsiga Madheera ee gobolka Saaxil si uu ugu soo dhamaysto xukunka lagu riday.

Taliyaha booliska Somaliland Cilmi Kaabal oo sharaxaya waxa uu yahay ninka lagu wareejiyay waxa uu yidhi,  “Aleel oo ka mid ahaa raggii Buullo-Caddo hubka iyo rasaasta kala soo rogeyay jabhadda ONLF, waxa gacanta noo soo galiyay ciidamada jaandar maarigii Djibouti, ninkana waxa uu ka mid ahaa qoladii baxsatay.”

Wuxuuna dawlada Djibouti uga mahad  celiyay u soo gacan galinta dambiilahan, isagoo yidhi,  “dalka DJabuuti aad iyo aad ayaan ugaga mahad naqaynaa (Qabashada ninkan), waana wax naga dhexeeya wada jirkaasi oo hore ayuu noogu dhexeeyay, waxaana durba loo gudbiyay xabsiga Mandheera.” Ayuu yidhi  Gen. Rooble Furre.

Md Cilmi Rooble Furre, waxa uu sheegay in ninkan oo shalay loo soo gacan geliyey maxkamada ciidamada dalku hore ugu xukumeen xabsi 16 sanadood ah “Ninkan lix iyo toban sanno ayaa isaga oo maqan lagu xukumay” ayuu yidhi waxaanu intaa sii raaciyey “Markaa waxaanu u gudbinaynaa xabsiga Madheera.”
Araweelonews Mobile
Somaliland  Office
E-mail info@araweelonews.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *