Mugadishu(Araweelo News Network)Weerarada lala beegsanyo Suxufiyiinta iyo Dhakhaatiirta magaalada Muqdisho ayaa dib usoo laabtay. Kadib markii weerarkii ugu danbeeyay oo
saaka barqadii ka dhacay Xamar Weyne lala beegsaday Marxuum Yuusuf Axmed Keynaan oo ahaa Tifaftirihii Idaacadda Mustaqbal.
Weerarkaa oo ahaa qarax lagu xidhay gaadhi uu watay Suxufigu ayaa sababay geeridiisa, iyadoo aanay jirin cid sheegatay weerarka qaraxaa. Saraakiisha booliska degmada Xamarweyne ayaa xaqiijiyay qaraxa gaadhigaa uu ku dhintay Allah ha u naxariistee wariye Yuusuf Axmed Kaynaan oo ka howlgeli jiray mid ka mida idaacaddaha madaxa banaan ee magaalada Muqdisho.
Todobaadkii hore qarax ka dhacay afaafka hore ee Cusbataalka Keysaneey degmada Kaaraan waxaa lagu dilay mid ka mida Kalkaaliyaasha Cusbitaalka, waxaana dhaawac kasoo gaadhay qaraxaa Dr.Xoogsade oo ka mid ah dhakhaatiirta magaalada Muqdisho ugu caansan.
Mana jirto cid sheegatay qaraxyadaa lala beegsaday suxufiyiinta iyo Dhakhaatiirta ka hawlgala magaalada Muqdisho.