Hargeysa(ANN)Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo), ayaa maanta  xafiiskiisa ku qaabilay wefti ka socda dalka Britian oo uu hoggaaminayo Ergayga gaarka ah ee Britian u qaabilsan arrimaha Somaliland iyo Somalia. Sidaana waxa  lagu faafiyey

war-saxaafadeed ka soo baxay madaxtooyadda oo uu ku saxeexanyahay Afhayeenka Madaxtooyadda Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse), waxa uu Madaxweynuhu weftiga warbixin ka siiyey xaaladda nabadgelyo ee Somaliland, isagoo ballanqaaday inay  dalalka jaarka iska kaashan doonaan la-dagaalanka argagixisada iyo budhcad-badeedda.

War-saxaafadeedkaa  waxa uu u qornaa  sida; –
“Madaxweynaha JSL Mudane: Axmed  Maxamed  Maxamuud (Siilaanyo) , waxa uu Maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Wefdi Balaadhan oo ka Socda Dawladda Britain oo kala ah Ergayga gaarka ah ee Dawladda Britain u qaabilsan Arrimaha Somaliland iyo Soomaaliya, Mudane, Matt Baugh,  Safiir ku xigeenka Safaaradda Britain  ee Ethiopia , John Marshal iyo Madaxa hay’adda DFID  oo hawlaha Mucaawimadda u  qaabilsan Britain , xafiiskeeda Magaaladda Nairobi Alistair Ferntree.

Madaxweynuhu wuxuu Wefdigan uga waramay Xaaladda Guud ee dalka ee dhinacyadda Siyaasadda, Dhaqaalaha, Nabad gelyadda iyo Arrimaha Bulshadda, iyo Qorshaha Xukuumadda Somaliland ee ku aadan horumarinta dalka.

Madaxweynuhu waxa uu Weftiga uga waramay Xaalada Nabad gelyo ee Gobolka iyo sida ay Xukuumadu Diyaar ugu tahay inay wadamada Jaarka iska kaashadaan Adkaynta Nabad gelyada Gobolka,  sidoo kalena ay Beesha caalamka kala Shaqayso Dagaalka lagula Jiro Argagixisada iyo Budh-cad baddeeda.

Kulankan, waxa dhinaca Somaliland Madaxweynaha ku wehelinayay, Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Debedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar.”

By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 
Araweelonews Somaliland Office  
E-mail; Info@araweelonews.com
 jaamac132@gmail.com
 shalcaw2@hotmail.com

+252 2 442 5380

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *