Hargeysa (ANN)-Murashaxiinta u loolamaya jagada guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxa ay bilaabeen loobin iyo kulamo ay la qaadanayaan xildhibaanada beelaha Soomaaliyeed si ay uga dhaadhiciyaan inay codkooda siiyaan, waxaana maalmihii ugu dambeeyay qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho ka dhacay kulamo ay yeelanayaan qaar ka mid ah murashaxiinta iyo xildhibaanada beelaha Soomaaliyeed.

Guddiga diyaarinta doorashooyinka guddoonka baarlamaanka oo ay dhowaan doorteen mudanayaasha baarlamaanka Soomaliya ayaa waxa ay ka warbixiyeen muddo kordhin ay ku sameeyeen waqtigii qabashada araajida oo shalay ku ekeyd, waxayna soo bandhigeen tirada murashaxiinta u tartamaysa guddoomiyaha, ku xigeenka 1aad iyo ku xigeenka 2aad.

 

 

Sidaana waxa warbaahinta u sheegay  Afhayeenka gudida  doorashada Baarlamaanka Maxamed Aadan Waayeel oo shaaca ka qaaday tirada murashaxiinta ee isu soo taagay jagooyinka gudoomiyaha, ku xigeenkiisa 1aad iyo ku xigeenkiisa 2aad, wuxuuna sheegay in ay soo gaartay araajada afar murashax oo u tartamaya gudoomiyaha, 8 murashax oo u tartamaya guddoomiye ku xigeenka 1aad, iyo 10 murashax oo u tartamaya guddoomiye ku xigeenka 2aad. Afhayeenka Guddiga diyaarinta doorashooyinka guddoonka baarlamaanka Maxamed Aadan Waayeel oo saxaafadda la hadlay ayaa waxa uu sheegay in waqtiga qabashada araajida oo ku ekeyd maalinimada Isniinta oo shalay ahayd lagu daray 24 saac oo hor leh oo ku ekaa 2:00-dii duhurnimo ee maanta, isagoo gudoomiyaha gudida qabanqaabadu  intaa ku daray in mudadaa wixii ka danbeeya  la gudo geli doono doorashada.
Murashaxiinta u tartamaya jagada guddoomiyaha baarlamaanka oo tiradoodu tahay shan xildhibaan ayaa waxaa lla shaaciyay magacyadooda, kuwaas oo kala ah,  Shariif Xasan Sheekh Aadan oo ah xiligan wasiirka maaliyadda dawladda federalka, isla markaana ahaa gudoomiyihii hore ee Baarlamaanka  dawladii C/llaahi Yuusuf, kaas oo xilka laga qaaday isagoo ku sugan dalka Eretria,  Xildhibaan C/laahi Sheekh Ismaaciil oo ahaa wasiirkii arrimaha debeda ee C/llaahi Yuusuf, C/qaasin Salaad Xasan oo ahaa Madaxweynihii Dawladii Carta ee lagu soo dhisay Djibouti,  Xildhibaan Sheekh Axmed C/laahi (Sheekh Fanax) iyo Xildhibaan Cabdi Xaashi, waxayna dhamaan murashaxiintaasi waraaqahooda araajida u soo gudbiyeen guddiga diyaarinta doorashada guddoomiyaha baarlamaanka.

Xildhibaan Shariif Xasan Sheekh Aadan oo ahaa wasiirka maaliyadda xukuumadda ra’iisul wasaaraha Sharmarke, haatanna ka mid ah murashaxiinta guddoomiyaha baarlamaanka ayaa magaalada Muqdisho kulan kula qaatay xildhibaanada ka soo jeeda beelaha Digil iyo Mirifle, Dir iyo Daarood, wuxuuna ka dalbaday inay codkooda ku taageeraan. Sidoo kale kulamo kuwaasi la mid ah ayaa waxaa xildhibaanada beelaha Soomaaliyeed la yeeshay murashaxiinta kale ee u tartamaysa xilka guddoomiyaha baarlamaanka, waxayna ka codsadeen xildhibaanada beelaha Soomaaliyeed inay codkooda ku taageeraan.

Mar wax laga waydiiyay saamaynta uu ku yeelan karo hadal ka soo yeeray Prof. Dalxa guddoomiye ku xigeenkii 1aad ee baarlamaanka oo ku aaddan inaan xilkiisa laysu soo sharrixi karin ayuu afhayeenka guddiga doorashada guddoonka baarlamaanka wuxuu sheegay in guddoomiye ku xigeenka uu ka maqnaa dalka markii ay dhacdooyinka waaweynaa ay dhacayeen, wuxuuna intaasi ku daray in doorashada ay saamaynaysa guddoomiyaha iyo labadiisa ku xigeen oo dhan.
Dhinaca kale kooxda Al-shabaab ayaa ku hanjabay inay qabsanayaan xarunta Villa Somalia ee  madaxtooyada Dawlada ku meel gaadhka ahi ay  degan yihiin. Afhayeenka u hadlay kooxda Al -shabaab  oo magaciisa ku sheegay Cali Maxamed Xuseen oo la hadlayay warbaahinta ayaa sheegay inay qabasan doonaan Madaxtooyada ay degantahay Dawlada taagta darani. Hanjabaada kooxda Al-shabaab ayaa ku soo beegantahay xili ay dagaalo maalmihii u danbeeyay ku dhexmarayeen Woqooyiga Muqdisho Ciidamada dawlada ku meel gaadhka ah, iyaadoo gudoomiyihii Baarlamanka  laga qaaday xilkii. Kadib markii muran ka hadheeyay, isla markaana  uu jiro waqtigan loolan loogu jiro sidii loo buuxin lahaa jagooyinka  gudoomiyaha  iyo ku xigeenka Baarlamaanka.

By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 

Araweelonews Hargeysa Office

E-mail; Info@araweelonews.com

                                                            

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *