Hargeysa (ANN)-Wejigii hore ee bedelaada kaadhadhka Aqoonsiga iyo Codbixinta doorashada madaxtooyada ayaa lasoo gebagebeeyay khamiistii hore, kaas oo gebi ahaanba dalka uga dhamaaday si nabadgelyo ah  . ka dib markii ay mudo todoba maalmood ah ka soconayeen ku dhowaad  1300 (kun iyo saddex boqol) oo goobood.

 

 

 

Mudadii ay socotay hawsha bedelaada kaadhadhku waxa soo baxayay canbaarayn iyo dacaayado ku wajahan kaadhadhka cusub iyo dhaleecayn ku socotay komishanka doorashooyinka qaranka, waxayna dhaleecayntaa iyo canbaarayntu ka imanayeen masuuliyiinta ka tisan xukuumada Madaxweyne Rayaale iyo saraakiisha Xisbiga UDUB, kuwaas oo inta badan bulshada loo soo marinayay warbaahinta ay dawladu gacanta ku hayso ayaa ujeedadoodu ahayd in lagu fashiliyo hawsha bedelaada kaadhadhka ee ay komishanku dalka ka bilaabeen todobaadkii hore.

Haseyeeshee qorshayaashaa oo si cad u iftiiminayay inay xukuumada Madaxweyne Rayaale iyo masuuliyiinta xisbigiisu doonayeen inay  hawsha Kaadhadhka Aqoonsiga iyo codbixintaba ugu fashiliyaan sidii ay komishankii kan ka horeeyay u fashiliyeen ayaa guuldaraystay. Ka dib markii ay Bulshadu dhegaha ka furaysatay weedhaha dacaayadaha iyo canbaaraynta qaawan ee dusha loo saarayay Komishanka iyo hawsha qaran  ee ay wadaan.

Waxayna arrintaasu weji gabax ku noqotay masuuliyiinta xukuumada Rayaale iyo xisbiga UDUB ee sida badheedhka ah ugu tafaxaytay tab iyo xeelad kasta  oo ay u arkayeen in lagu fashlinkaro hawshaa, weedhaha ay masuuliyiinta xisbiga UDUB iyo wasiiro ka tirsan xukluumada Madaxweyne Rayaale u isticmaalayeen borobagaandada qaawan waxa ka mid ahaa in aanu Servarku qaban kaadhadhka dadkii ku noqnqoday bilawgii  hawsha diiwaangelinta, isla markaana aanay tirada komishanka cusubi ka hor intii aan la bilaabin bedelaada kaadhadhka sida hordhaca ah usoo tebiyeen waxba ka duwanayn tii waqtigii komishankii hore ee la laalay iyo waxyaabo kale oo ka dhashay markii ay kooxda xukuumada iyo xisbigeedu wax dhega nuglaan ah ka waayeen komishanka cusub.

Waxaana tusaale loo soo qaadan karaa hadaladii Badhasaabka Hargeysa  Maxamed Cabdi Daa’uud oo maalintii Isniintii todobaadkii hore mar uu ka hadlayay Telefishanka Qaranka  si qaawan komishanka ugula dul kufay eedo aan waxba ka jirin, balse ujeedada laga leeyahay qayb ka tahay  qorshayaashii la doonayay in lagu minja xaabiyo hawshaa, isagoo weliba ka sokow eedaha komishanka shaki weyn geliyay kaadhadhka tayadooda  iyo sida loo rumaysan karo natiijada kasoo baxda.

Hase yeeshee masuuliyiinta xukuumada iyo xisbigooda UDUB oo doodaha ay ilaa bilawgii hawsha diiwaangelinta markii muranku ka dhashay ku doodayeen waxa ka mid ahaa inay jirto ku cel celin, iyagoo maalmahan danbe ee komishanka cusbi shaaciyay tirada hordhaca ah ee natiijada kala shaandhayntana waxyaabaha ay ku doodayeen ay ka mid ahayd in aan waxba laga qaban dadkii labada jeer iyo ka badan is diiwaan geliyay bilawgii ee kaadhadhka qaatay, balse markii lasoo gebagebeeyay  hawshii bedelaada kaadhadhka cusub waxa cadaatay inay meesha ka bexeen boqolaal qof oo markii hore iska diiwaan geliyay laba meelood,  ama ka badan, waxaana fadeexadaha soo baxay ka mid ah in Liiska dadka laba goobood, ama ka badan ka qaatay kaadhadhka markii hore iyo caruurta aan gaadhin da’da diiwaan gelinta laga helay qaar ka mid ah masuuliyiinta Xisbiga UDUB. 

Godoomiyaha Ololaha doorashada ee Xisbiga UDUB Cismaan C/llaahi Cigaal (Cismaan Hindi) ayaa isagu si cad u shaaciyay inuu qaatay dhawr  kaadh oo uu goobo kala duwan ka qaatay. Sidoo kale Xogahaya UDUB Jaamac Yaasiin (Jug Soo dhacay) ayaa laga helay Liiska loogu talo galay dadka aan gaadhin da’ada qaadashada warqaaha diiwaan gelinta iyo kuwa  labada jeer iyo wixii ka badan is diiwaan geliyay xiligii sannadkii hore diiwaan gelintu ka socotay dalka.  balse komishanka ayaa u qorsheeyay dadka noocaa ah mudadii lagu jiray safaynta kaadhadhka ee Servarka in loo reebo hal kaadh keliya, kaas oo ah kii uu goobtii ugu horaysay ka qaatay, iyadoo magacyada dadkaa (Liiska la kansalay)  la dhigay goobaha  laga qaadanayay kadhadhka.

Masuuliyiinta Udub ayaa la rumaysanyahay in ujeedada ay labada kaadhadhka baadan u qaadanayaan ay tahay in loo adeegsado borobagaando ku lid ah qorshaha bedelaada kaadhadhka iyo gebi ahaanba diiwaan gelinta, laakiin waxay masuuliyiinta sidaa u fekerayaa ilaabeen ku tumashada sharciga dalka ee dastuurka, xeerka diiwaan gelinta iyo ka jinsiyada, isla markaana waxa caddaan ah inay sameeyeen khiyaamo qaran oo ay ku keceen falal dhiiri gelin khiyaamo ku lid ah masayrka Ummada oo ay shacbiga ku wacyigelinayaan inay sameeyaan khiyaamo iyo musuqmaasuq.

Inkasta oo ay wasiirada xukuumada iyo  masuuliyiinta kale ee xisbigeeda UDUB qaadeen talaabooyin ay doonayeen inay ku fashiliyaan hawshaa, isla markaana ay jireen borobagaando warbaahinta dawladu si weyn u faafinaysay, balse waxay maalmihii u danbeeyay qaar badan oo ka mid ah wasiirada xukuumada iyo xisbigeeda UDUB bilaabeen hanjabaado loo geysanayay hawlwadeenada ka socday komishanka ee gacanta ku hayay goobaha laga qaadanayay kaadhadhka, gaar ahaan meelaha ka baxsan magaalooyinka waaweyn, sida ku dhacday hawlwadeenadii komishanka ee degamada  Sabawanaag oo magaalada Hargeysa  ka xigta Koonfur Bari. Sidoo kale waxa iyana hatigaad iyo cabsi gelin loo geystay koox ka mid ah hawlwadeenadii komishanka ee Deegaanka Salaxley oo  Koonfurta MagaaladaHargeysa ah.

Waxa iyana talaabooyinka sida badheedhka ah ee masuuliyiinta xukuumada Rayaale iyo xisbigeedu sameeyeen waxa loo soo qaadan karaa taloobooyinkii gudoomiyaha Udub ee Gobolka Sanaag Cali Qasaaye isagoo hubaysan ugu hanjabay xafiiska Komishanka ee gobolka Sanaag, sidoo kale wasiir ku xigeenka Caddaalada Yuusuf Talaabo oo ku sugan gobolka sanaag ayaa qayb ka ah mushkiladaha la doonayay in lagu carqaladeeyo hawsha ay komishanku wadeen ee bdelaada kaadhadhka.

Sidoo kale waxay kooxo wasiirada xukuumada ka tirsan iyo masuuliyiinta UDUB, waxay mucaaaridku ku eedeeyeen inay iibsanyaan kaadhadhka, si ay u lumiyaan inay muwaadiniin badani codkooda dhiibtaan, kuwaas oo ay rumaysan yihiin inay codkooda siin doonaan mucaaridka marka la gaadho xiliga doorashada, laakiin dhamaan talaabooyinkaa iyo isku dayadaa ayaa u muuqda kuwo guuldaraystay. Ka dib markii ay shacbigu dhegaha iyo indhaha ka furaysteen, isla markaana ay xubnaha komishanka qaranku muujiyeen masuuliyada culus ee ay hayaan ee ay la yimaadeen qorshe iyo istiraatiijiyad cad,  balse waxa waqtigan oo ay goobaha heer Degmo ee gobolada dalka ka socdaan tobankii maalmood ee u danbeeyay ee bedelaada kaadhadhku ay xukuumaada iyo xisbigeeda UDUb, taas oo ay ku abaabulayaan Odayaal iyo cuqaal la doonayo inay soo saaraan ugu danbaynta baaqyo ay ku sheegayaan inaan la aqbalayn natiijada. Laakiin waxa muuqata in qorsha noocaa ahi aanu ahayn mid ay shacbigu dhegeysanayaan maanta.

By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 

Araweelonews Hargeysa Office  

E-mail; Info@araweelonews.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *