Ceergaabo(ANN)-Masuuliyiinta Xisbiga KULMIYE ee gobolka sanaag ayaa canbaareeyay talaabadii uu wasiir ku xigeenka Caddaalada Yuusuf Ciise Tallaabo ku fara geliyay hawsha amaanka ee Bilayska gobolka sanaag. Ka dib markii uu Gudoomiyaha Xisbiga UDUB ee gobolka Sanaag Cali Qasaaye oo Bilaysku xidheen maalintii doraad kala baxay saldhiga magaalada Ceergaabo. .

 

Xadhiga gudoomiyaha UDUB,  ayaa ka danbeeyay, markii lagu eedeeyay inuu masuuliyiinta xafiiska Komisha Qaranka ee Ceergaabo hanjabaado iyo aflagaadooyin u  geystay, isagoo hubaysan, sidaana ay  Ciidanka Bilaysku xabsiga ugu taxaabeen maalintii doraad.

 

 

Hase yeeshee masuuliyiinta gobolka sanaag oo ka cadhooday arrinta wasiirku ku fara geliyay hawsha Bilayska ayaa shir jaraaid oo ay shalay ku qabteen xarunta gobolka sanaag ee Ceergaabo ku canbaareeyay talaabada uu wasiir ku xigeenku qaaday ku sifeeyay mid baalmarsan sharciga dalka  iyo heshiisyadii saddexda xisbi ee doorashada.

Waxayna ku tilmaameen hanjabaada iyo cabsi gelinta  lagu samaynayo  komishanka  hawshooda iyo arrimaha doorashadu inay tahay mid qaawan oo waxyeeli karta amaanka gobolka iyo xaaladaba, taas oo ay sheegeen inay dhaqan u noqotay xukuumada Rayaale iyo xisbigeedaba.

Shirka jaraaid oo ay wada jir u wada qabteen Gudoomiyaha KULMIYE ee gobolka Axmed Siciid Cabdi (Xaaji Af-duub), gudoomiyha kaanbeynka ee gobolka sanaag Axmed C/llahi Jaamac(Axmed Rooraaye)  iyo Af-hayeenka Kulmiye ee heer gobol Axmed Saleebaan Diiriye, waxay uga digeen masuuliyiinta xukuumada iyo xisbigooda UDUB inay faraha kala baxaan hawlaha komishanka iyo shaqada Bilayska, isla markaana ay joojiyaan foolxumooyinka qaawan ee sharciga baalmarsan ee ay wadaan.

Dhinaca kale dadweynaha gobolka sanaag oo talaabadii uu gudoomiyaha UDUB kula kacay Komishanka doorashooyinka ee gobolka ka cadhaysan, balse markii Bilaysku xabsiga u taxaabeen gudoomiyaha UDUB ee isagoo hubaysan komishanka gobolka u hanjabay soo dhoweeyay talaabada ay Bilaysku kaga jawaabeen ayaa ka cadhooday wasiir ku xigeenka Tallaabo ee u gacan dhaafay Bilayska hawshooda amaanka.

Gudoomiyaha UDUB  ee sanaag Cali Qasaaye ayaa hore loogu eedeeyay inuu masuul ka ahaa rabshadihii dadku ku dhinteen ee ka dhacay xarunta gobolka sanaag ee Ceergaabo horaantii bishan. Ka dib markii wefdi uu hogaaminayo gudoomiyaha kaanbaynka xisbiga Kulmiye ee gobolada Bariga oo taageerayaasha xisbigooda kula hadlaya xafiiskooda magaalada Ceergaabo ay soo weerareen qaar ka mid ah taageerayaasha UDUB, halkaas oo ay ka dheceen rabshado gacan ka hadal ah oo uu ku dhintay hal qof, iyadoo dhaawacyo kala duwani soo gaadheen tiro aan badnayn oo taageeyashaa labada dhinac ah.  .

Sidoo kale wasiir Tallaabo oo todobaadkii hore ka baxay dhinaca magaalada caasimada ee Hargeysa, isla markaana ka mid ahaa koox wasiiro, shaqsiyaad kale, Cuqaal  iyo Odayaal kale oo xukuumada Madaxweyne Rayaale u kala dirtay gobolada iyo degmooyinka Dalka si ay u carqaladeeyaan hawsha bedelaada kaadhadhka ayaa daad ku qaaday isaga iyo gaadhigiisii Tuulada Godcaanood oo u dhaxaysa magaalooyinka Ceergaabo iyo Ceel –Afweyn, halkaas uu ku dhintay dareewalkii ilaaladiisa ahaa.

By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 

Araweelonews Hargeysa Office  

E-mail; Info@araweelonews.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *