Brussels(ANN) Naadiga ay ku bahoobeen dawladaha  Midawga Yurub ayaa ku dhawaaqay in ay inay lacag dheeraad ah ku taageerayaan   hawlgalka ay ciidamada nabad ilaalinta ee midawga Africa ee AMISOM ka wadaan dalka Somalia.

 

Lacagtaa oo dhan 47 million Euro ah. Sidaana waxa lagu sheegay war  ka soo baxay xarunta Midowga Yurub ee Brussels, kaas oo lagu xusay  in lacagtaa oo dhan  47 Million ee EURO oo u dhiganta in ka badan 60 million oo Dollars ay ka dhigayso lacagta ay Midowga Yurub siiyeen hawlgalka ciidamada AMISOM tan iyo sanadkii 2007-kii  oo gaadhay 142 Million oo Euro, isla markaana  u dhiganta in ka badan 182 million oo dollar.

Haweenayda Sarkaalka ugu sareeya ee Midowga Yurub ugu qaabilsan siyaasadda arrimaha dibedda iyo amaanka Catherine Ashton ayaa sheegtay in ay ciidamada AMISOM muhiimad wayn ay u leeyahiin inay sii joogaan Muqdisho, si aanay uga  sii darin xaaladda amaanka ee dalka Somalia, iyadoo sheegtay in ciidamadaasi ay muujiyeen inay muhiim tahay in la helo duruufo saamaxaya sidii wadahadalo iyo dib u heshiisiin looga gaadhi lahaa dalka Somalia

Catherine, waxay sheegtay inay rajaynayso in ciidamada AMISOM ay samayn doonaan jawi lagu xaqdhawro xuquuqda aadamaha oo la ilaaliyo dhamaanba dadka u dhashay dalka Somalia.

Lacagaha ay bixiyaan Midowga Yurub ee la siiyo AMISOM ayaa waxaa lagu bixiyaa kharashaadka ku baxa hawlgalada ay ka wadaan muqdisho  oo ay ku jiraan gunnada ciidamada lagu siiyo hawsha nabad ilaalinta iyo mushahaaraadka ay qataan shaqaalaha rayidka ahi iyo sidoo kale  lacagaha ku baxa gaadiidka iyo caafimaadka.
Dhawaaqa qorshaha cusub ee midawga Yurub ayaa kusoo beegmay xili ay dagaaladu maalmihii u danbeeyay ka dhaceeyeen magaalada muqdisho, iyadoo dhinaca kalena  dawlada Uganda ciidamo hor leh usoo diray Somalia.

By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 
Araweelonews Somaliland Office  
E-mail; Info@araweelonews.com
 jaamac132@gmail.com
 shalcaw2@hotmail.com

+252 2 442 5380

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *