images/stories/askqartya.jpg Muqdisho (ANN) Magaalada caasimada Somalia ee Muqdisho maalintii shalay ee ciidal Fitriga xaaladeedu deganayd. Kadib dagaalo todobaadyadii u danbeeyay si xidhiidh ah uga socday halkaa iyo qaraxyo is miidaamin ah, ayaa u muuqata inay kooxaha dagaalamayaa halkoodii kasii wadayaan duqaynta iyo weerarada oo ay inta badan khasaare kasoo gaadhaan shacbiga dagaaladu aafeeyeen ee ku hadhay magaalada muqdisho.
Sida ay sheegayaan wararku ciidamada AMISOM iyo kuwa dawlada taagta daran ayaa galabta madaafiic xooggan ku garaacay Suuqa Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho iyo qaybo kale oo kamid ah Magaalada, ma jiraan warar dheeraad ah oo faah faahinaya khasaaraha ka dhashay madaafiicda galabta, balse waxa jira tibaaxo sheegaya inay ku geeriyoodeen ugu yaraan saddex qof, halka ay dhaawacyo kala duwani kasoo gaadheen ilaa inta la ogyahay Afar kale.
Dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmay ayaa ku kala sugnaa Suuqa Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho iyo Degmooyin ay kamid tahay Degmada Hodon oo Guri ka yaalla uu ku dhacay madfac kaas oo sababay dhimashada qaar kamid ah dadka geeriyooday iyo dhaawaco soo gaadhay qaar kale, iyadoo waxyeelada madaafiicdu ka dhacday qaybo kamid ah Suuqa Bakaaraha.
Madaafiicda galabta ayaa waxa ay kasoo dhacday inta badan saldhigyada ay Ciidamada Amisom ku leeyihiin Magaalada Muqdisho waxaana la sheegay madaafiicda ka hor in hoobiyeyaal lagu garaacay qaybo kamid ah fadhiisimada Ciidamada Amisom, taas oo dhalisay in madaafiicda khasaaraha sababtay ee lagu garaacay Magaalada inteeda kale ay jawaab u noqoto hoobiyayaasha lagu riday fadhiisimada ciidamada AMISOM.
Sidoo kale madaafiicda khasaaraha dhaliyey ee maanta lagu garaacay Suuqa Bakaaraha waxa ka horeeyey iska hor imaadyo maanta ka dhacay Isgoyska Dabka, kaas oo dhexmaray Ciidamada Dawladda KMG ah iyo kuwa dhinacyada Dawladda kasoo horjeeda, balse wararku waxay sheegayaan inuu iska horimaadka ka dhacay Isgoyska Dabku sababay khasaare kooban.
Laakiin Weerar loo adeegsaday miinada meesha fog laga hago ee Remote-ka lagu maamulo ayaa waxaa lala beegsaday agagaarka Degmada Waaberi ee Gobolka Banaadir, halkaas oo uu marayay gaadhi ay saarnaayeen
Ciidamo katirsan kuwa Dawladda, waxaana wararku sheegayaan in shan kamid ah ciidamada gaadhiga watay ay ku geeriyoodeen weerarka lala eegtay gaadhriga ay saarnaayeen. Sidoo kale waxa weerarkaa dhaawac kasoo gaadhay dad isugu jira rayid iyo askar.
Magaalada Muqdisho ayaa maalintii shalay siweyn u deganayd, isla markaana kama jirin wax dagaallo iyo duqaymo ah, iyadoo uu Madaxweynaha dawlada ku meelgaadhka ah Sh. Shariif munaasibadii salaadii ciida hadal uu ka jeediyay Masjid ku yaal meel u dhaw madaxtooyada villa somaaliya ayaa ugu baaqay guud ahaan in xal laga gaadho, isla markaan si dhab ah loo taabto meesha uu salka ku hayo khilaafka siyaasiga ah ee burburka iyo dawlad la’aanta keenay, wuxuuna usoo jeediyey beesha caalamka inaan la iska indho tirin dhibaatada Somaalia cagaha la sii galayso.
Sh. Shariif waxa uu sheegay inay jiraan fikrado khaldan oo loo isticmaalayo hab diineed, isla markaana lagu marin habaabinaayo bulshada soomaaliyeed. Wuxuuna carabka ku dhuftay inaan Soomaaliya la isku haynin hab Diimeed ee la isku hayo arrimo siyaasadeed.
Madaxweynaha Somalia Sheekh shariif waxa uu u soo jeediyey kooxaha hubeysan ee ka soo horjeeda xukuumadiisa inay ogolaadaan miiska wada hadalada si xal looga gaadho dhibaatada haysata umada soomaaliyeed, isagoo ugu baaqay dadweynaha soomaaliyeed inay is wada cafiyaan, isla markaana ay muujiyaan midnimo, iskaashi iyo walaaltinimo si looga gudbo mashaakilaadka ka taagan gudaha Soomaaliya.
Hase yeeshee Xarakada Al-shabaab ayaa ku celcelisay in ay sii kordhinayaan oo ay sii wadayaan dagaallada ilaa iyo inta ay ka saarayaan ciidamada AMISOM ee ku sugan magaalada Muqdisho.
Afhayeenka xarakada Al-Shabaab Sheekh Cali Maxamuud Raage {Cali Dheere} oo ka hadlayay munaasadda ciidul fidriga ayaa waxa uu uga digay shacabka soomaaliyeed inay ka fogaadaan goobaha ay ku dhow yihiin ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda KMG, wuxuuna sheegay inay dagaaladii ugu dambeeyay ka soo hoyeen guulo waaweyn oo ay dhameystiri doonaan inta ka hadhay ujeedadooda dagaalka.
Weedhaha kala duwan ee kasoo baxay masuuliyiinta dhinacyada dagaalka ka wada Somalia ayaa muujinaya in aanay xaalada waxba iska bedelin, isla markaana aanay muuqan astaamo muujinaya inay aqbalayaan kooxaha Al-shabaab iyo xisbul Islaam inay miiska wadahadalka ee uu ku baaqay madaxweyne Shariif yimaadaan.
Si kastaba ha ahaatee duqaymaha maanta mar kale ka bilaabmay magaalada muqdisho ayaa muujinata inay weli sii socdaan dagaalada khasaaraha faraha badan iyo dhimashada u keenay shacbiga iyo dadka maatada ah eek u hadhay magaalada muqdisho, waxaana weeradada maanta ka dhacay Muqdisho daba joogeen dagaallo xidhiidh ah oo saddexdii todobaad ee lasoo dhaafay ka dhacay halkaa, kuwaas oo sababay dhimashada dad lagu qiyaasay 350qof, iyadoo ilaa inta la ogyahay ay ku dhawaacmeen tiro lagu qiyaasay 600, kuwaas oo u badan dadka shicibka ah ee aan ku jirin dagaalka oo khasaare naf iyo maalba ahi kasoo gaadho madaafiicda iyo rasaasta ay labada dhinac is weydaarsanayaan.
By, Carraale M. Jama Freelance Journalist and Human Rights Activist
Araweelonews Somaliland Office
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com
+252 2 442 5380