Hargeysa(ANN)Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa galabta qasriga Madaxtooyada kulan kula yeeshay wafti balaadhan oo ka socday qaadhaan bixiyayaasha.Waftigaa oo ay hogaaminaysay haweenayda magaceedu yahay

Mss.  Valentine    Auricchio ayaa ka sheegtay kulankaa inay Somalilnad ka taageeri doonaan sidii ay u qabsan lahayd doorashooyinka golaha deegaanka.

Sida  lagu sheegay warsaxaafadeed kasoo baxay qasriga madaxtooyada Somliland kulankaa ka dib oo uu ku saxeexan yahay afhayeenka Madaxtooyada Cabdilaahi Maxamed Daahir Cukuse, kaas  oo nuqul ka mid ahi soo gaadhay shebekada wararka ee Araweelonews.

Qoraalkaa oo dhamaystiran ayaa u dhignaa sidan;-  “Madaxweynaha JSL Mudane: Axmed Maxamed  Maxamuud (Siilaanyo),  waxa uu Galabta kulan kula yeeshay Qasriga Madaxtooyada Wefti ay Hogaaminayso       Ms. Valentina Auricchio oo ka socda Gudida Qaadhaan Bixiyaaasha ee Somaliland ka Caawiya Hanaanka Dimuquraadiyada iyo Doorashooyinka.

Ugu Horayn Xubanha Weftigu waxay Madaxweynaha uga Warameen u jeedada socdaalkooda oo ay Sheegeen inay tahay Xogogaal u noqoshada Hawlaha Doorashooyinka Hadhsan (Baarlamaanka iyo Dawladaha Hoose ) ee Somaliland iyo sii Anba Qaadida Qabsoomidooda.

Xubnaha Weftigu Waxay Madaxweynaha Ku Hambalyeeyaan Go’aamadii uu ku sheegay Mawqifka Xukuumadiisa ee Dhinaca Doorashooyinka Golayaasha Deegaanada iyo Baarlamaanka Somaliland Khudbadii uu Bishan Horaanteedii Baarlamaanka u Jeediyey.

Weftigu waxay Madaxweynaha u Sheegeen in ay Wadamada Deeq bixiyayaasha ee Somaliland ka Caawiya Doorashooyinku ay Diyaar u yihiin Doorka ay ku leeyihiin Sidii ay Doorashooyinka Hadhsan uga Qabsoomilahaayeen Somaliland.

Waxa kale oo ay Weftigu ku dheeraadeen Culayskii ay lahayd Diiwaan Gelintii Codbixiyayaashu iyo Aragtidooda la Xidhiidha Qodobkan.

Madaxweynaha JSL Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo)  waxa uu weftiga u sheegay inay Somaliland ka hana qaaday, Hanaan Dimuquraadiyadeed  oo Guulaystay, Qaran ahaana ay ka go’antahay Xaqiijintiisu.

Madaxweynuhu waxa uu Weftiga u sheegay inuu ku talagalku yahay in ay Doorashadii Golayaasha Deegaanada ee Dawladaha Hoose Dalka Ka qabsoonto Sannadkan Gudihiisa.

Madaxweynuhu waxa uu ka waramay Qabashada, Doorashada labada Aqal ee Baarlamaanka oo u sheegay in Markii Dhinac walba laga eegay ay ka Fursan wayday inuu Madaxweyne ahaan Golaha Guurtida ka Codsado in Doorashada Wakiilada iyo Guurtida la Qabto Sannadka 2013 si looga Maarmo ama Looga Baxsado Hawsha iyo Dhaqaalaha iyo Weliba Wakhtiga ay Dalka kelifi lahaayeen  in Saddex Doorasho la kala qabto, Saddex Sannadood oo isku Xiga,

Dhinaca kalena waxa uu Madaxweynuhu Weftiga u sheegay in uu Dhawaan Magacaabayo Gudi Qaran oo Daraasadaysa Isla markaana talo Qaran ka keenta Su’aasha la Xidhiidha Furashada Ururada Siyaasadeed.

Madaxweynuhu waxa kale oo uu Weftiga u sheegay in uu Komishanka Doorashooyinka kala tashanayo Qodobka la Xidhiidha Diiwaan gelinta Codbixiyayaasha

Ugu Danbayn madaxweynuhu waxa uu Wadamada Deeq bixiyayaasha ee Somalialnd ka Caawiya Dimuquraadiyada iyo Doorashooyinka uga Mahadnaqay Gacan Qabashada iyo Dhaqaalaha ay ku bixiyaan geedi socodka Hanaanka Dimuquraadiyadeed ee Somaliland ka Hirgalay.

Sidoo kale waxa uu Madaxweynuhu Xubnaha Weftiga uga Mahad naqay Bookhashada ay ku yimaadeen Dalka.” ayaa lagu yidhi qoraalka kasoo baxay Madaxtooyada Somaliland.   
Araweelonews Mobile
Somaliland Office
E-mail info@araweelonews.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *