Muqdisho(ANN)Dagaalada iyo duqeynta madaafiicda magaalada muqdisho ayaa  sababa dhimasho iyo dhaawac inta badan soo gaadha dadka shicibka ah, iyadoo weerarada madaafiicda iyo duqayntu u dhaxayso Ciidamada dowladda taagta daran ee KMG Soomaliya

oo ay caawinayaan ciidamada AMISOM iyo xoogaga dagaalka kula jira ee  isbahaysiga xarakada Al- shabaab iyo Xisbul Islaam oo inta badan gacanta ku haya magaalada Muqdisho iyo deegaamo badan oo ka tirsan Somalia.
 
Dagaallada ayaa maanta ka socdaay halkaa ayaa bilaabmay xalay saqdii dhexe, isla markaana soo gaadhay maanta,  kuwaas oo ka dhacay dhacay degmooyinka Hodan iyo Howlwadaag, isla markaana duqeymo culus oo ku baahay meelaha qaar ayaa geystay khasaare naf iyo maal oo soo gaadhay dadka shacibka ah, iyadoo meelaha Madaafiicdu ay ku dhacayeen ay ka mid ahaayeen Suuq Bakaaraha, agagaarka Baar Ubax, Balck Sea, xaafadaha Tarabuunka, Taleex, Cisbitaalkii hore ee Digfeer iyo goobo  kale oo ka tirsan magaalada Muqdisho.
 

Rasmi ahaan weli looma ogaan tirada dhimasha iyo dhaawaca, balse sida ay shebekada wararka dad goobahaa ku dhowaa u sheegeen wax ugu yaraan  la arkay meydka Lix Qof oo gudaha suuqa Bakaaraha laga qaaday, iyadoo  dhaawac lagu qiyaasay   tobaneeyo  Qof oo ay ku jiraan haween iyo carruur guryihii ay deganaayeen madaafiicdu ugu tagtay.
 
Sidoo kale waxa jira warar  sheegayaa in Madfac ku dhacay Dugsi Qur’aan oo ku yaala meel u dhow  Cusbitaalkii hore Digfeer ee Degmada Hodan ay ku geeriyoodeen ugu yaraan Afar qof oo u badan carruur, iyadoo dhaawac ku dhowaad tobaneeyona uu jiro.
 
 
Xoogaga Al-shabaab iyo ciidamada AMISOM ayaa mid waliba dhiniciisa guulo ka kala sheegtay dagaalka maanta ka dhacay magaalada Muqdisho, kuwaas oo mid waliba  dhiniciisa  sheeganayo  inay iyaga ku gacan sareeyeen.
 
Afhayeenka ciidamada AMISOM Baridjya Bahuko ayaa  eedaymaha loo jeediyo ee duqaynta dadka rayidka ah iska leexiyay, isagoo ku tilmaamay inay masuul ka yihiin kooxaha kasoo horjeeda oo uu sheegay inay  sadex gaadhi  oo nooca gaadiidka dagaalka ah ka gubeen  Xarakada Al-shabaab dagaalkii maanta, kuwaas  oo sida uu sheegay qayb ka ahaa weerar ay Al-shabaab  kusoo qaadeen degmada Hodan ee magaalada Muqdisho,  halkaasoo maanta uu dagaal culus u ku dhex maray dhinacdayadaa.
 
 
Sidoo kale  Afhayeenku wuxuu  sheegay inay  ka hortageen weeraro ay ciidamada Al-shabaab ku qaadeen fadhiisimo ciidamada AMISOM ku lahaayeen agagaarka Kuliyaddii hore ee Jaalle Siyaad iyo Cusbitaalkii hore ee xoogga dalka Soomaaliya, isla markaana ay khasaare culus oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac u geysteen Al-shabaab, wuxuuna xusay inaan  dhinacooda wax khasaare  ahi  ka soo gaadhin weerarkii lagu soo qaaday.
 
Xarakada Al-shabaab ayaa afhayeenkooda dhinaca howlgallada Sheekh C/casiis Abuu Muscab waxa uu isna sheegay in ciidamada Xarakada Al-shabaab iyo kuwa Xisbul islaam ay fashiliyeen isku day ciidamada AMISOM ay doonayeen inay isku balaadhiyaan qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho, isla markaana ay gebi ahaanba kala  wareegeen sida uu sheegay qeybo ka mid ah Cusbitaalkii  Xooga oo ay shalay fadhiisin  ka sameysteen Ciidamada AMISOM.
sidoo kale Afhayeenka A-shabaab ayaa sheegay inay  ciidamada AMISOM u geysteen khasaare weyn oo ay  ka dileen askar fara badan, kuwo kalena ka dhaawaceen, isla markaana wuxuu  xusay inaanu jirin  wax khasaare  ah oo dagaalka ka soo gaadhay dhinacooda.
Shalay gelinkii dambe ayay aheyd markii ay taangiyada Ciidamaa Burundi gudaha  u galeen dhismahaCusbitaalka Xoogga oo aan sidaa  uga fogeyn Fagaaraha Tarabuunka oo fadhiisin  u ahaa  xoogaga Xisbul Islaam.
Dhinaca kale Madaafiic shalay ay ciidmada AMISOM ku duqeeyeen xaafado ka mid ah magaalada Muqdisho ayaa inta la war hayo ay  ku geeriyoodeen in ka badan tobaneeyo qof, isla markaana  waxaa  dhaawacyo soo gaadheen  ilaa inta la ogyahay   sodeneeyo qof,  kuwaas oo qaarkood Gaadiid ay saarnaayeen uu madfac ku habsaday.

By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 
Araweelonews Somaliland Office  
E-mail; Info@araweelonews.com
 jaamac132@gmail.com
 shalcaw2@hotmail.com

+252 2 442 5380

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *