Hargeysa (ANN)Golaha Wakiilada Somaliland, ayaa maanta ansixiyey xubnihii u danbeeyay  golaha wasiiradda xukuumada cusub ee uu dhisay  Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), iyadoo golaha wakiiladu hore u ansixiyay 17 wasiir iyo lix wasiir ku xigeen,

 balse sadexda masuul ee maanta la ansixiyay ay dalka ka maqnaayeen xiligaa.

wasiirada goluhu ansixiyay  oo ay Mudanayaashu cod aqlabiyad ah ku ansixiyeen ayaa ahaa  saddex wasiir,  kuwaas oo kala ah wasiiradda Arrimaha Dibada, Macdanta iyo Biyaha iyo Warfaafinta.

Fadhigii Golaha Wakiilada oo ku qabsoomay  Hoolka Wasaarada Arrimaha Gudaha, isla markaana uu gudoominayey Guddoomiyaha golahaa Md. Cabdraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), waxa kasoo xaadiray 55 Xildhibaan.

waxaana Markii fadhigu furmay  Guddoomiyuhu mudanayaasha ku wargeliyey in cod gacan taag ah loo qaadi doono saddexda wasiir ee loo qorsheeyey in la ansixiyey.

Intaa kadib waxa saddexda wasiir mid walba  waxa la siiyey waqti kooban oo uu golaha ka horjeediyo qorsheyaashiisa uu doonayo inuu fuliyo inta uu xilka hayo, waxaanay saddexdooduba sameeyeen ballanqaadyo iyo qorshayaal ay ku shaqayn doonaan.

waxyna codaynta masuuliyiintaa lagu ansixiyay u dhacday sidan, Wasiirka Wasaarada Arrimaha debeda Somaliland Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar codka waxa  ogolaaday 51 Mudane, 2 Mudane ayaa diiday, halka mid kale ka aamusay, 
Wasiirka Wasaarada Macdanta iyo Biyaha Eng.  Xuseen Cabdi Ducaale, waxa u codeeyay  53 Mudane, 1 xildhibaan ayaa  diiday, isla markaana cid ka aamustayna   ma jirin. Wasiirka Wasaarada Warfaafinta iyo Wacyigelinta Mr. Cabdilaahi Jaamac Cismaan waxa oggolaaday 51 Mudane, 2 mudane  aayaa diiday, halka mid keliyi  ka aamusay, sidaas ayaanu ku meelmaray.
Waxayna mudanayaashu sidaa ku ansixiyeen cod aqlabiyad ah sadexdaa masuul oo ka hadhsanaa 20 wasiir iyo lix wasiir ku xigeen oo golaha wasiirada xukuumada madaxweyne Siilaanyo  soo dhisay, isla markaana golaha wakiiladu  ansixiyeen horaantii August 2010,  maraka laga reebo sadexdaa masuul oo iyagu ka maqnaa dalka.

By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 
Araweelonews Somaliland Office  
E-mail; Info@araweelonews.com
 jaamac132@gmail.com
 shalcaw2@hotmail.com

+252 2 442 5380

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *