Muqdisho(ANN)Dagaalada iyo duqeynta madaafiicda magaalada muqdisho ayaa sababa dhimasho iyo dhaawac inta badan soo gaadha dadka shicibka ah, iyadoo weerarada madaafiicda iyo duqayntu u dhaxayso Ciidamada dowladda taagta daran ee KMG Soomaliya
oo ay caawinayaan ciidamada AMISOM iyo xoogaga dagaalka kula jira ee isbahaysiga xarakada Al- shabaab iyo Xisbul Islaam oo inta badan gacanta ku haya magaalada Muqdisho iyo deegaamo badan oo ka tirsan Somalia.
Dagaallada ayaa maanta ka socdaay halkaa ayaa bilaabmay xalay saqdii dhexe, isla markaana soo gaadhay maanta, kuwaas oo ka dhacay dhacay degmooyinka Hodan iyo Howlwadaag, isla markaana duqeymo culus oo ku baahay meelaha qaar ayaa geystay khasaare naf iyo maal oo soo gaadhay dadka shacibka ah, iyadoo meelaha Madaafiicdu ay ku dhacayeen ay ka mid ahaayeen Suuq Bakaaraha, agagaarka Baar Ubax, Balck Sea, xaafadaha Tarabuunka, Taleex, Cisbitaalkii hore ee Digfeer iyo goobo kale oo ka tirsan magaalada Muqdisho.
Rasmi ahaan weli looma ogaan tirada dhimasha iyo dhaawaca, balse sida ay shebekada wararka dad goobahaa ku dhowaa u sheegeen wax ugu yaraan la arkay meydka Lix Qof oo gudaha suuqa Bakaaraha laga qaaday, iyadoo dhaawac lagu qiyaasay tobaneeyo Qof oo ay ku jiraan haween iyo carruur guryihii ay deganaayeen madaafiicdu ugu tagtay.
Sidoo kale waxa jira warar sheegayaa in Madfac ku dhacay Dugsi Qur’aan oo ku yaala meel u dhow Cusbitaalkii hore Digfeer ee Degmada Hodan ay ku geeriyoodeen ugu yaraan Afar qof oo u badan carruur, iyadoo dhaawac ku dhowaad tobaneeyona uu jiro.
Xoogaga Al-shabaab iyo ciidamada AMISOM ayaa mid waliba dhiniciisa guulo ka kala sheegtay dagaalka maanta ka dhacay magaalada Muqdisho, kuwaas oo mid waliba dhiniciisa sheeganayo inay iyaga ku gacan sareeyeen.
Afhayeenka ciidamada AMISOM Baridjya Bahuko ayaa eedaymaha loo jeediyo ee duqaynta dadka rayidka ah iska leexiyay, isagoo ku tilmaamay inay masuul ka yihiin kooxaha kasoo horjeeda oo uu sheegay inay sadex gaadhi oo nooca gaadiidka dagaalka ah ka gubeen Xarakada Al-shabaab dagaalkii maanta, kuwaas oo sida uu sheegay qayb ka ahaa weerar ay Al-shabaab kusoo qaadeen degmada Hodan ee magaalada Muqdisho, halkaasoo maanta uu dagaal culus u ku dhex maray dhinacdayadaa.
Sidoo kale Afhayeenku wuxuu sheegay inay ka hortageen weeraro ay ciidamada Al-shabaab ku qaadeen fadhiisimo ciidamada AMISOM ku lahaayeen agagaarka Kuliyaddii hore ee Jaalle Siyaad iyo Cusbitaalkii hore ee xoogga dalka Soomaaliya, isla markaana ay khasaare culus oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac u geysteen Al-shabaab, wuxuuna xusay inaan dhinacooda wax khasaare ahi ka soo gaadhin weerarkii lagu soo qaaday.
Xarakada Al-shabaab ayaa afhayeenkooda dhinaca howlgallada Sheekh C/casiis Abuu Muscab waxa uu isna sheegay in ciidamada Xarakada Al-shabaab iyo kuwa Xisbul islaam ay fashiliyeen isku day ciidamada AMISOM ay doonayeen inay isku balaadhiyaan qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho, isla markaana ay gebi ahaanba kala wareegeen sida uu sheegay qeybo ka mid ah Cusbitaalkii Xooga oo ay shalay fadhiisin ka sameysteen Ciidamada AMISOM.
sidoo kale Afhayeenka A-shabaab ayaa sheegay inay ciidamada AMISOM u geysteen khasaare weyn oo ay ka dileen askar fara badan, kuwo kalena ka dhaawaceen, isla markaana wuxuu xusay inaanu jirin wax khasaare ah oo dagaalka ka soo gaadhay dhinacooda.
Shalay gelinkii dambe ayay aheyd markii ay taangiyada Ciidamaa Burundi gudaha u galeen dhismahaCusbitaalka Xoogga oo aan sidaa uga fogeyn Fagaaraha Tarabuunka oo fadhiisin u ahaa xoogaga Xisbul Islaam.
Dhinaca kale Madaafiic shalay ay ciidmada AMISOM ku duqeeyeen xaafado ka mid ah magaalada Muqdisho ayaa inta la war hayo ay ku geeriyoodeen in ka badan tobaneeyo qof, isla markaana waxaa dhaawacyo soo gaadheen ilaa inta la ogyahay sodeneeyo qof, kuwaas oo qaarkood Gaadiid ay saarnaayeen uu madfac ku habsaday.
By, Carraale M. Jama Freelance Journalist and Human Rights Activist
Araweelonews Somaliland Office
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com
+252 2 442 5380