blocks - CopyMarka horeba ma jirto ilaa hada meel ay xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo kusoo bandhigtay heshiisyada shidaalka, qaabka loo bixiyay iyo lacagta laga qaado shirkaddaha sidan oo kale ah,

 

 

marka qalinka lagu duugo heshiiska, taas oo aan ka muuqan miisaaniyada.

Hase yeeshee waxa jira macluumaad iyo xoggo daah-furaya  oggolaanshaha shirkaddaha, ama ashqaasta la siiyay ee xukuumaddu heshiishyadda qarsoon la gashay, kuwaas oo aan la ogayn hantidooda, khibradooda iyo ilaa heerka la aamini karo, ama lagu kalsoonaan karo inay xukuumaddu u qaybiso khayraadka dalka, iyadoo xeerkii iftiimin lahaa waxyaabo badan oo su’aalo ka taagan yihiin, ama mad-madaw badani kaga jiro bulshada aan la diyaarin.

Sidoo kale aan golayaasha sharciga la geyn heshiishyada badan ee lala galay shirkaddaha ee ku saabsan Shidaalka iyo nooca ay yihiin, balse  sida lagu sheegay  qoraalo kooban oo lagu daabacay qaar ka mid ah shirkaddaha boggagooda dhinaca internetka oo ay soo saareen waxa lagu sheegay  in nooca heshiishyada ay la galeen xukuumadda Somaliland yihiin nooca loo yaqaan (concessions).

Heshiishka Nooca  (Concession Agreement), kaas  oo noqonaya heshiish tanaasul, isla markaana sida aynu hore usoo sheegnay laga mamnuucay dunida wixii ka danbeeyay 1960, iyadoo loo arkay inuu yahay mid aan u danaynayn nooca heshiiskaasi dalalka  ay la galaan shirkaddaha shisheeye oo ah mid dantooda iyo maslaxadoodu ku jirto si ay uga faa’idaystaan khayraadka dalkaa, kaas oo 50 sanadood ama 60 sanadood  aan waxba laga bedeli Karin, wuxuuna nooca heshiishkaasi ilaa maanta qabad ku noqday dalka Yaman oo khayraadka shidaalkooda Foostada saliida ee ceedhiin ku qiimaysantahay qiimihii xiligii heshiishka lala galay mudo ku siman 1955 iyo waqtigan oo lagu jiro 2013.

Qaabka ayu bibaabmeen heshiisyadu shidaalka Somaliland, baaxadda dhulka loo qoondeeyay  shirkaddahaa mid walba iyo sida loogu kala macaashay qandaraasyada la bixiyay ,  shirkaddaha la siiyay iyo inta jeer ee ay iibiyeen saamiyo,  arrimahaa iyo kuwo kale waxaynu kusoo qaadanaynaa mawduucyada danbe.

 

La soco qaybo kale.

 

By, Carraale M. Jama Freelance Journalist and Human rights Activist.

E-mail Jaamac132@gmail.com

info@araweelonews.com

www.arraweelo.com

www.araweelonews.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *