Warbixin

 Muqdisho(ANN)Kadib Dagaalo ku dhowaad laba todobaad ka socday magaalada Muqdisho ayaa labadii maalmood ee u danbeeyay xaaladu deganayd, inkasta oo mararka qaar la maqlayay madaafiic iyo rasaas goo goos ah. Dagaalada maalmihii u danbeeyay ka socday halkaa yaa sababay inay wiiqanto  Awoodii ay lahaayeen ciidanka Dowladda KMG ah ee taagta daran,

 

iyadoo weliba ay si weyn isu khilaafsan yihiin masuuliyiinta sare ee dawlada, taas oo sababtay in Ciidanka Uganda ay la wareegaan inta badan goobihii fadhiisimaha u ahaa isbahaysiga ciidanka DKMG ah iyo kooxda Ehlu suna wal jameeca ee taageera, kuwaas oo marka horeba ay yaraayeen goobaha fadhiisinka u ahi. Kadib markii dagaaladii u danbeeyay lagaga qabsaday meelo badan oo ay hore u deganaayeen.
Arrimahaa oo u muuqda kuwo iftiiminaya guuldaro weyn oo soo waajahaday DKMG ah dhinaca siyaasada iyo milaterigaba ayaa keenay inay soo dhiiradaan kooxaha isbahaysiga dhinaca kale ee dagaalka ka wada halkaa Al-shabaab iyo Xisbul Islaam, waxaana jira Dhaq dhaqaaqo si weyn  Caawa looga dareemayo Muqdisho, iyadoo laga cabsi qabo inay xaaladu faraha kasii baxdo oo ay dagaalo hor lehi ka bilaabmaan halkaa saacadaha soo socda. iyadoo ay Islaamiyiinta Al-shabaab iyo Xisbul Islaam hore u sheegeen  inay bisha barakaysan ee Ramadaan gudeheeda  soo Afjari doonaan dagaalada Muqisho.

 

Waxaana warar sheegaya in laga cabsi qabo inay  magaalada Muqdisho ka dhici doonaan dagaallo saf balaadhan ahi saacadaha soo socda, iyadoo  oo ay dowladda KMG ah ku qaadayso xaafadaha ay magaalada ka maamulaan xoogaga Islaamiyiintu weeraro cusub.

Sidoo kale saraakiil ka tirsan AMISOM oo taangiyo wata ayaa wararku sheegayaan inay  weerar ku  qaadi doonaan goobo mihiim ah sida  Dabka,  kuwaas oo qorshaynaya inay  Isgoyska Bakaaraha uga gudbi doonaan halkaa.
Halka kuwo kalena  weerari doonaan  dhinaca Baar Fiat , Hase yeeshee waxa la saadaalinayaa inay ciidamada AMISOM ku adkaan doonto in ay Waqooyiga Muqdisho qabsadaan maadaama ay kooxda Al-shabaab halkaa ka samaysteen dhufaysyo iyo godad aan laga warhayn meesha looga baxo. 
Dhinaca kale kooxda Xoogaga Hubaysan ee Al-shabaab ayaa Galabta ilaa iyo Caawa magaalada Muqisho kusoo aruurinayay ciidamo Lixaad leh oo ku hubaysan gaadiidka dagaalka iyo qoryaha boobayaasha ah.
Waxayna maanta sameeyeen dhoolatus ciidan iyagoo ku hubaysan saanada milateriga, isla markaana wata gaadiid gaashaaman oo ay muuqaalkiisa u ekaysiiyeen gaadiidkii tignikada ee ay caanka ku ahayd jabhadii SNM ee burburisay taliskii digtaytarka ahaa ee  Maxamed siyaad Barre.dhoola tuska oo   maanta ka dhacday Xeradii Hore ee Maslax ayay Xarakada Shabaab kusoo bandhigeen Boqolaal ciidan oo ay sheegtay in ay kula dagaalami doonto AMISOM iyo DKMG ah.

 

Ciidanka lasoo bandhigay ayaa wata Darays tuute ah iyo kabo sandhal ah oo isku mid ah.  sidoo kale Caawa ayaa ciidan farabadan oo isla kooxahaasi katirsan lagu arkay Wadada Warshadaha kuwaas oo lugaynayay kuna  jihaysnaa goobaha laga cabsi qabo inuu saacadaha soo socda dagaalku ka dhaco. 
Dhinaca kale Ciidamada Midowga Africa ee Muqdisho ku sugan ayaa isku balaadhiyay labadii maalmood ee u danbeeyay deegaanada ay Muqdisho ka maamusho Dowladda KMG ah, ciidan katirsan kuwa Uganda ayaa galay Villa Baydhabo oo ay markii hore  joogeen Ciidanka dowladda.
Sidoo kale dhaqdhaqaaqa milateri ayaanay ka madhanay dawlada Ethiopia, iyadoo Ciidamo Itoobiyaan ah oo Muddo ku sugnaa duleedka degmada Buuhoodle ee Gobalka Togdheer  ay Caawa halkaa ka guureen. Ciidankaa oo mudo deganaa  fadhiisin ay  ku lahaayeen meel 10-Km u jirta Buuhoodle ayaa wararka qaar sheegayaan inay qayb ka noqon doonaan weerarada dagaalka cusub ee laga cabsi qabo inuu ka qarxo saacadaha soo socda magaalada Muqdisho, balse ma jiraan warar xaqiijinaya inay ciidamada Ethopia geli doonaan gudaha xadka Somalia iyo in kalem waxes jira tibaaxo sheegaya inay xoojin doonaan haddii xaaladu ku adkaato ciidamada AMISOM iyo kuwa dawlada taagta daran sida uu dhowaan ka dhawaajiayay raysal wasaare Malez sanawi. Si aksba ha ahaatee waxa muuqata inay xaalada magaalada muqdisho faraha ka baxayso oo abaabulo dagaalo horleihi ka aloosan yihiin halkaa.

By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist  
Araweelonews Somaliland Office  

+252 2 442 5380

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *