images/stories/madaxwaynaha iyo marwadiisa.jpg Hargeysa (ANN)Hawlgal balaadhan oo nadaafadeed ayaa maanta laga fuliyay gobolada iyo degmooyinka dalka Somaliland oo dhan. Kadib markii uu Madaxweynuhu  ku dhawaaqay maalintii Jimcihii lasoo dhaafay in  loo cayimo  inuu dalka oo dhan ka dhaco Ololahaa nadaafadeed.

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), madaxweyne xigeenka iyo dhamaan masuuliyiinta qaranka  ayaa saaka subaxnimadii hore  ka bilaabmay caasimada Somaliland ee Hargeysa Ololaha nadaafadeed . Iyada oo qashin fara badan laga qaaday goobo fara badan oo suuqyada iyo xaafada magaalada Hargeysa ka tirsan.
Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo ku xigeenkiisa Cabdiraxmaan Ismaaciil Cabdilaahi (Saylici), oo horkacaya dhamaan masuuliyiinta qaranka ayaa dadweynaha reer Somaliland, gaar ahaan kuwa ku dhaqan caasimada  kala qayb-galay hawl-galkan nadaafadeed, kuwaas oo isu qaybiyay shanta waaxood ee caasimada Hargeysa, iyadoo ay hawlgalkaa kala qayb qaateen Dawlada Hoose ee Hargeysa, kumanaan dadweyne ah oo ka tirsan qaybaha bulshada.
 

  

 Sidoo kale Hawlgalkaa oo ahaa mid aan loo kala hadhin waxa kale oo ka qayb-qaadanayay masuuliyiinta Baarlamaanka sida shir gudoonka iyo xildhibaanada, shirkadaha gaarka ah, ciidamada kala duwan ee Qaranka, Masuuliyiinta Axsaabta qaranka  iyo shaqaalaha dawlada.
 
Madaxweynaha Somaliland, Axmed Maxamed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa ka dib markii uu dhamaaday hawl-galkaasi nadaafadeed waxa uu qasriga Madaxtooyada kula hadlay warbaahinta, isaga oo ka waramay sidii uu u dhacay ololaha nadafaada ee heer Qaran, wuxuuna isagoo ka hadlaya dareenkiisa sida uu hawlgalka nadaafadeed u dhacay yidhi;“Waxa maanta farxad-weyn ii ah  inaan ka qeybgalo ololihii nadaafada oo aynu 45-cishaba aynu mar ka higelinaynay Gobolada iyo degmooyinka Somaliland oo dhan, shacbi-weynaha reer Somaliland si wanaagsan oo fiican ayuu  iiga  qeybgalay ololaha” ayuu ku bilaabay Madaxweynuhu hadalkiisa isaga oo intaa ku daray;“Saaka waxaan soo maray degmooyinka kala duwan ee Gobolka Hargeysa, oo ay meel-walba dadkii shacabku isku soo baxeen ololihii nadaafaduna uu aad uga socday dawlada Hoose Caasimada Hargeysa iyo Masuuliyiintii kale ee ka shaqeynaysay ay hawshaa si xil-kasnimo ah waajibkii ka saarna ay ka qaateen”

 

Madaxweynuhu wuxuu mahadnaq balaadhan u diray qaabkii hufnaa ee loo ajiibay baaqiisa isagoo yidhi, “Waxaan jecelay inaan halkan mahad-naq balaadhan uga celiyo dadweynaha reer Somaliland oo dhan ee hawsha ka qeybagalay, waxaanan u soo jeedinayaa mahad-naq balaadhan iyo bogaadin, iyo dawlada Hoose shaqaalaheeda iyo kuwa dawlada dhexeba iyo intii ka qeybqaadatay hawsha fulinteeda iyo wax ka qabashadeeda”
 
Sidoo kale Madaxweyne Ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Ismaaciil Saylici oo isna ololaha Nadaafada ka soo bilaabay Baliga weyn ee Xaafada Daami oo ay wehelinayeen Wasiirka Arrimaha Gudaha Maxamed Cabdi Gaboose, Badhasaabka Gobolka Hrageysa Axmed Cumar Cabdilaahi (Xamarji) iyo masuuliyiin kale,
Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland Md. Cabdiraxmaan Saylici oo halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu yidhi “Maanta waa maalin qaran, waa maalin aynu u soo ban-baxnay inaynu nadiifino guud ahaan  magaalooyinkeena waaweyn ee Somaliland, gaar ahaan caasimada oo aynu maanta dhex joogno, runtii nadaafadu waa shay qaali ah, oo qof walba taabanayaa oo caafimaadkeena taabanayaa waxaan ummada ku guubaabinaynaa inay isku tashato, oo aan mar walba la sugin dawlad Hoose, oo qof wal oo muwaadin ahi nadaafada qeybtiisa ka qaato, hadaan bixiyo tusaale gaaban dadkeenu Baco ayey wax ku soo qataan, bacda markaad wax ku soo qaadato hadana aad tuureyso waxay ku haboon tahay inaad hadana dib ugu celiso qashinka xaafada si ay Bacdani u cuslaato, marka qashinkii xaafada laga xaadhay aad ku xidhaan dabeetana aad ku xidhaan waxay noqonaysa wax duuban oo meel tagi karaa, Laakin marka aad bacdii aad wax ku soo qaadatene aad sii deysaan waata dhibaatada inagu haysa ee meel-walba taala” ayuu yidhi Madaxweyne ku xigeenku, waxaanu intaas ku ladhay, “Gobolada uu ka bilaabmay oo saaka waanu la xidhiidhnay Boorame, Burco, Ceerigaabo Magaalooyinka waaweyn uu ka bilaabmay waanay la socdaan amarka ah inuu maanta ololuhui bilaabmayo, waanay bilaabeen, sida ay Hargeysi isku qeybiso ayey iyaguna isku qeybiyeen. Sida aad uwada maqleyseen amarkii madaxweynaha waxa ololahani noqonayaa mid joogto ah, oo shan iyo afartankii cishaba sadexdii biloodba laba jeer in la isku soo baxo, oo la isku tashado oo waxa aynu qaban karno aynu qabano”.

 
Badhasaabka Gobolka Hargeysa Xamarji oo ka hadlayey halka uu madaxweyne kuxigeenku ka soo bilaabay ololaha nadaafada heer qaran ayaa waxa uu yidhi “Maanta oo ah maalin qaran, oo ah maalintii uu madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Axmed Siilaanyo iyo madaxweyne Kuxigeenka Somaliland Cabdiraxmaaan Saylici ay u asteeyeen inay tahay maalinta ololaha nadaafada qaranka, waxa uu Madaxweyne Kuxigeenka oo aan saaka ku qornaa uu shaqada ka soo bilaabay Baligii Xaafada Daami, halkaas oo uu ka soo shaqeeyey, mar labaad xaafadii labaad ee uu soo galo waa xaruntii Xisbigii oo ah meel aad u xashiish badan”.
 

Wasiirka arrimaha Gudaha Somaliland Dr. Maxamed Cabdi Gaboose oo isna ka mid ahaa masuuliyiintii ka qayb-qaadanayay hawl-galka nadaafada Qaranka ayaa ka hadlayey sida uu dareenkiisu maanta yahay “Madaxweynihii, Madaxweyne Kuxigeenkii Wasiiradii dalka, shacabkii reer Somaliland, hay’adihii, NGOs markaa looma kala hadhin, markaa dareen ayaa abuurmaya inay ummadu noqoto mid gurigeeda, waad arkaysaan buuraha ina horyaala urta meeshan aynu dhex-taaganay waad arkaysaan, markaa Ilaahay ha nala garab-qabto”.
 “Waxa lagu nadiifinayaa guryaha hortooda,wadooyinka meelwalba oo dalka ah waa lagu nadiifinayaa, markaa shaqaba shaqada ay ka culus tahay ayey ka horeynaysaa,”ayuu yidhi Maxamed Cabdi-Gaboose.
 
Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Somaliland Marwo Samsam Cabdi Aadan oo iyana ololaha nadaafada ka waday Waaxda Gagacan Libaax ee Caasimada Somaliland ee Hargeysa, waxay tidhi “Maanta wadanka oo dhan ayaa ololahan nadaafadeed ka socdaa Wasaarada waxbarashaduna Gobol kasta iyo degmo Kasta iyo meel kasta oo wadanka ah, way ka hawlgalaysa iskuulkasta meesha uu ku yaalo ayuu ka hawlgalayaa, xaruntii dhexe ee wasaarada waxbarashaduna waxay ku qoran tahay Gacan Libaax ayaanu ilaa saaka 7:00 subaxnimo  ka shaqeynaynay. Markaa Wasaarada waxbarashada iyo tacliinta sare iyo ciidamada qalabka sida waa isku mid, Ilaa Tuulo miyigi ilaa meel uu iskuul ka furan yahay  dhinacooda ayey ka wadaan shaqada, Arrintan Ololaha 45-cishaba maalin ayaa la sameynayaa, laakin anagu (Wasaarada Waxbarashadu) maalin ayaanu leenahay oo Iskuulada dhexdooda ay todobadii cishaba maalin ayay nadaafada sameeyaan.”
Wasiirka Wasaarada Gaashaan-dhigga Axmed Xaaji Cali Cadami ayaa isaguna shaaca ka qaaday in ciidamada Qaranku ay ahaayeen kuwii ugu muhiimsanaa ee qayb-laxaadle ka qaatay hawlgalka nadaafada Qaranka.
 
Guud ahaan gobollada iyo degmooyinka dalka  ayaa sidan oo kale  laga fuliyay hawlgalka nadafaadeed, iyada oo guud ahaan goobaha shaqada iyo waxbarashadana la fasaxay,maalintan aawadeed,
 

Dadweynihii ka qeybqaadanayey Ololaha ayaa waxa ka muuqday dareen jibo iyo dardar xoog leh, taas oo dad badan xasuusisay hawlgaladii Iskaa wax u qabso ee wakhtiyadii Dawladii Soomaaliya ay ku dhistay Goobaha Dawladiga ee imika Jira, iyada oo wakhtigaasi ka shaqeysiisay bulshada.
Si kastaba ha ahaatee talaabada xukuumada Axmed Siilaanyo ay ku talaabsatay iyo kalsoonida madaxda qaranka oo uu hogaaminayo Madaxweynuhu kaga qayb qaateen Ololaha nadaafadeed ayaa rayal caamka bulshada si weyn usoo jiidatay, iyadoo ay goobaha ay ka hawlgaleen dadka dhex socdeen oo ay xashiishka dhinacooda ka gurayeen, isla markaana Ololaha oo kusoo beegmay maalmihii ugu danbeeyay bisha barakaysan ee Ramadaan ayaa si lama filaana loogu soo baxay, iyadoo ay dadka ka muuqato shucuur iyo dareen ay kusoo dhowaynayaan Ololahaa iyo hawsha nadaafadeed.
By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 
Araweelonews Somaliland Office  
E-mail; Info@araweelonews.com
 jaamac132@gmail.com
 shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *