Muqdisho(ANN)Kadib Dagaalo ku dhowaad laba todobaad ka socday magaalada Muqdisho ayaa labadii maalmood ee u danbeeyay xaaladu deganayd, inkasta oo mararka qaar la maqlayay madaafiic iyo rasaas goo goos ah. Dagaalada maalmihii u danbeeyay ka socday halkaa yaa sababay inay wiiqanto Awoodii ay lahaayeen ciidanka Dowladda KMG ah ee taagta daran,
iyadoo weliba ay si weyn isu khilaafsan yihiin masuuliyiinta sare ee dawlada, taas oo sababtay in Ciidanka Uganda ay la wareegaan inta badan goobihii fadhiisimaha u ahaa isbahaysiga ciidanka DKMG ah iyo kooxda Ehlu suna wal jameeca ee taageera, kuwaas oo marka horeba ay yaraayeen goobaha fadhiisinka u ahi. Kadib markii dagaaladii u danbeeyay lagaga qabsaday meelo badan oo ay hore u deganaayeen.
Arrimahaa oo u muuqda kuwo iftiiminaya guuldaro weyn oo soo waajahaday DKMG ah dhinaca siyaasada iyo milaterigaba ayaa keenay inay soo dhiiradaan kooxaha isbahaysiga dhinaca kale ee dagaalka ka wada halkaa Al-shabaab iyo Xisbul Islaam, waxaana jira Dhaq dhaqaaqo si weyn Caawa looga dareemayo Muqdisho, iyadoo laga cabsi qabo inay xaaladu faraha kasii baxdo oo ay dagaalo hor lehi ka bilaabmaan halkaa saacadaha soo socda. iyadoo ay Islaamiyiinta Al-shabaab iyo Xisbul Islaam hore u sheegeen inay bisha barakaysan ee Ramadaan gudeheeda soo Afjari doonaan dagaalada Muqisho.
Waxaana warar sheegaya in laga cabsi qabo inay magaalada Muqdisho ka dhici doonaan dagaallo saf balaadhan ahi saacadaha soo socda, iyadoo oo ay dowladda KMG ah ku qaadayso xaafadaha ay magaalada ka maamulaan xoogaga Islaamiyiintu weeraro cusub.
Sidoo kale saraakiil ka tirsan AMISOM oo taangiyo wata ayaa wararku sheegayaan inay weerar ku qaadi doonaan goobo mihiim ah sida Dabka, kuwaas oo qorshaynaya inay Isgoyska Bakaaraha uga gudbi doonaan halkaa.
Halka kuwo kalena weerari doonaan dhinaca Baar Fiat , Hase yeeshee waxa la saadaalinayaa inay ciidamada AMISOM ku adkaan doonto in ay Waqooyiga Muqdisho qabsadaan maadaama ay kooxda Al-shabaab halkaa ka samaysteen dhufaysyo iyo godad aan laga warhayn meesha looga baxo.
Dhinaca kale kooxda Xoogaga Hubaysan ee Al-shabaab ayaa Galabta ilaa iyo Caawa magaalada Muqisho kusoo aruurinayay ciidamo Lixaad leh oo ku hubaysan gaadiidka dagaalka iyo qoryaha boobayaasha ah.
Waxayna maanta sameeyeen dhoolatus ciidan iyagoo ku hubaysan saanada milateriga, isla markaana wata gaadiid gaashaaman oo ay muuqaalkiisa u ekaysiiyeen gaadiidkii tignikada ee ay caanka ku ahayd jabhadii SNM ee burburisay taliskii digtaytarka ahaa ee Maxamed siyaad Barre.dhoola tuska oo maanta ka dhacday Xeradii Hore ee Maslax ayay Xarakada Shabaab kusoo bandhigeen Boqolaal ciidan oo ay sheegtay in ay kula dagaalami doonto AMISOM iyo DKMG ah.
Ciidanka lasoo bandhigay ayaa wata Darays tuute ah iyo kabo sandhal ah oo isku mid ah. sidoo kale Caawa ayaa ciidan farabadan oo isla kooxahaasi katirsan lagu arkay Wadada Warshadaha kuwaas oo lugaynayay kuna jihaysnaa goobaha laga cabsi qabo inuu saacadaha soo socda dagaalku ka dhaco.
Dhinaca kale Ciidamada Midowga Africa ee Muqdisho ku sugan ayaa isku balaadhiyay labadii maalmood ee u danbeeyay deegaanada ay Muqdisho ka maamusho Dowladda KMG ah, ciidan katirsan kuwa Uganda ayaa galay Villa Baydhabo oo ay markii hore joogeen Ciidanka dowladda.
Sidoo kale dhaqdhaqaaqa milateri ayaanay ka madhanay dawlada Ethiopia, iyadoo Ciidamo Itoobiyaan ah oo Muddo ku sugnaa duleedka degmada Buuhoodle ee Gobalka Togdheer ay Caawa halkaa ka guureen. Ciidankaa oo mudo deganaa fadhiisin ay ku lahaayeen meel 10-Km u jirta Buuhoodle ayaa wararka qaar sheegayaan inay qayb ka noqon doonaan weerarada dagaalka cusub ee laga cabsi qabo inuu ka qarxo saacadaha soo socda magaalada Muqdisho, balse ma jiraan warar xaqiijinaya inay ciidamada Ethopia geli doonaan gudaha xadka Somalia iyo in kalem waxes jira tibaaxo sheegaya inay xoojin doonaan haddii xaaladu ku adkaato ciidamada AMISOM iyo kuwa dawlada taagta daran sida uu dhowaan ka dhawaajiayay raysal wasaare Malez sanawi. Si aksba ha ahaatee waxa muuqata inay xaalada magaalada muqdisho faraha ka baxayso oo abaabulo dagaalo horleihi ka aloosan yihiin halkaa.
By, Carraale M. Jama Freelance Journalist and Human Rights Activist
Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.
We use cookies on our website to give you the most relevant experience by remembering your preferences and repeat visits. By clicking “Accept All”, you consent to the use of ALL the cookies. However, you may visit "Cookie Settings" to provide a controlled consent.
This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
Any cookies that may not be particularly necessary for the website to function and is used specifically to collect user personal data via analytics, ads, other embedded contents are termed as non-necessary cookies. It is mandatory to procure user consent prior to running these cookies on your website.