Armoured personnel carrier in SomaliaMuqdisho (ANN) Dagaalyahanka Al-shaabaab oo dagaalo xooggani ku dhexmarayaan tan iyo Jimcihii Magaalada Muqdisho iyo meelo kale oo ka tirsan Koonfurta Somalia ciidamada dawladda taagta daran ee ay taageeraan AMISOM,  iyo kuwa Kanya ayaa shaaciyay in weerar

 

dhinaca cirka ah lagu dilay hogaamiye u dhashay  dalka Lubnaan oo ka mid ahaa muhaajiriinta ka dhinac dagaalama Al-shaabab.
Afhayeenka Al-shabaab Sheekh Cali Maxamuud Raage ( Cali Dheere )ayaa goordhawayd sheegay inuu Shahiiday Sheekh Bilaal Al-Burjaawi oo kamid ahaa Mujaahidiinta  u tegey Somalia inay ka barbar dagaalamaan Al-shabaab..
Sheekh Cali Dheere wuxuu sheegay in  Sheikh Bilaal oo ku dhintay weerar dhinaca cirka ah oo lala beegsaday uu kasoo haajiray wadanka Lubnaan ee  bariga dhexe, isla markaana  uu caan ku ahaa geesinimo  iyo in uu abaabulo shabaabka Mujaahidiinta Somaaliya ee saaxada ka dagaalamaya. Afhayeenku ma sheegin duqaynta diyaarada geystay ee lala beegsaday Sh. Bilaal dalka laga laahaa.

Hase yeeshee waxa la ruaysan yahay inay diyaarada lagu weerary oo ahayd kuwa is wada ee lagu hago rimuutka inay kasoo kacday saldhig dhinaca cirka ah oo Maraykanku ku leeyahay Koonfurta dalka Ethiopia, iyadoo ay diyaaradaha aan cidna wadin weeraro sidan oo kale ah ka fuliyeen koonfurta Somalia marar baddan, kuwaas oo ay ku bartilmaameedsanayaan saraakiisha sare ee Al-shabaab.
Hogaamiyaha la dilay oo la rumaysanyhay  inuu ahaa ninka labaad ee xaggaa derejada ku xigay Fazul Abdallah oo ahaa hogaamiyihii  Al-Qaeda ee  Somalia, kaas oo lagu dilay  magaalada  Mogadishu June 2011.
Sheekh Al-Birjewi oo ku sugnaa Somalia ilaa  2006, markii ay maxkamaddii Somalia dagaalka la galeen ciidamadii Ethiopia, wuxuu hore ugu dhaawacmay  July 2011, duqayn dhinaca cirka ah oo isaga iyo koox uu ku jiray lala beegsaday, iyagoo ku sugnaa duleedka magaalada Kismaanyo, balse waxa lagu soo daweeyay dalka Kenya.
Dhinaca kale weerarada iyo  dagaalka u dhxeeya Ciidamada AMISOM oo taageeraya kuwa dawladda taagta daran  iyo Al-shabaab ayaa ka socday ilaa habeen hore magaalada Muqdisho. Kadib markii ay Al-shabaab weerar ku qaadeen fadhiisimo ay deganaayeen ciidamada ka socda Uganda. Alshabaab ayaa sheegatay inay guulo ka gaadheen dagaalkaa oo ay ku dileen dersin ka mid ah askarta Uganda, kuwaas oo ay maydadkooda soo bandhigeen. Sidoo kale waxay sheegeen inay weerarkaa ku dileen saraakiil ka tirsan madaxtooyada villa Somalia.

Laakiin afhayeenka ciidamadaUganda ayaa sheegay inaanay waxba ka jirin guulaha ay Al-shabaab sheeganay, iyadoo ay saaka ciidamada AMISOM, weeraro ku qaadeen deegaanka dayniile oo ay saldhigyo ku laahaayeen al-shabaab dagaalkaa oo aan khasaarihiisa si cad loo ogayn, waxay Al-shabaab ku sheegtay in laga qabsaday meelo ay hore u joogeen, balse ay weeraro cusub qaadayaan si ay uga saaraan halkaa ciidamada Uganda oo ay sheegeen inay khasaare weyn gaadhsiiyeen.
Dagaalada ka socda hada Muqdisho ayaa noqonaya kuwii ugu cuslaa ee ka dhaca halkaa wixii ka danbeeyay dabayaaqadii sanadkii 2011, markii ay Al-shabaab sheegeen inay ka baxeen magaalada Muqdisho.
Waxayna dagaaladani kusoo beegmeen iyadoo ay duqaymo dhinaca cirka ah iyo weeraro  ka wadaan  gobolada jubooyinka iyo geddo ciidamada Kenya eek u sugan Somalia iyo diyaaradaha Maraykanka ee aan cidna wadin, kuwaas duqantooda ku dilay maanta Hogaamiye ka tirsnaa al-Qaida-da Somalia. 
Al-shabaab ayaa dhinaceeda wada abaabulo ay ku doonayso in dagaalka la geliyo gudaha dalka Kenya, iyadoo ku dhawaaqday inay maalmaha soo socda koox ay ugu yeedhay jabhada mujaahidiinta, kuwaas oo sida ay sheegeen ay gudaha Kenya ka wadaan abaabul koox ay ka magcaabeen  Cadnaan Muuse iyo Jaabir Kaalle oo udhashay dalka Kenya. Sidoo kalena waxay sheegeen inay ku sugan yihiin ragaasi magaalooyinka waaweyn ee Kenya oo ay wadaan sidii isugu xidhi lahaayeen dhalinayarada dalka Kenya ee muslimiinta ah.
Al-shabaab waxay sheegtay in  labadaa  sarkaal ay ahaayeen ardaydii uu wax soo baray Macalin Saalix Nabhaan Sheekh Axmed Iman oo laga yaqaano gudaha magaalada Nairobi, kaas ooh ore u iclaamiyay dagaal jihad ka dhan ah Kenya. Ka hor intii aan lagu dilin weerar dhawr sano ka hor.  Si kastaba ha haatee abaabulka xiligan ee Al-shabaab ayaa u muuqda mid ay doonayaan inay dagaalka kaga furan dhinaca dalka Kenya u celiyaan gudaha, isla markaana ku fidiyaan mujtamaca geeska afrika oo diimaha kala duwan haysta.

Aeelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *