http://www.somaliland.org/images/b/2012/01/DSC07257.jpgHargeysa(ANN) Isu soo baxyo balaadhan  oo si weyn loo abaabulay, isla markaana lagu muujinayay qadiyada, midnimada  iyo madaxbanaanida Somaliland  ayaa maanta  ka dhacay Goboladda iyo Degmooyinka dalka Somaliland ka kooban yahay, debedbaxyadaas oo si nabad gelyo ah

 

kusoo gabagaboobay maanta duhurkii.
Banaanbaxyadaa oo uu  ka dhacay kii ugu balaadhnaa Fagaaraha Beerta Xoriyada ee Caasimada Hargeysa oo ay isugu yimaadeen Kumanaan ruux oo ka kala yimi Daafaha Magaalada, waxa shacbiga kala qayb galay Madaxda Dawlada, Asxaabta Qaranka iyo Ururadda Bulshada rayidka ah, kuwaas oo dadka kala hadlay goobihii laysugu soo baxay.


Magaalada Hargeysa waxa shacbigii isugu soo baxay kala qayb galay mudaharaadka Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland C/raxmaan C/llahi Ismaaciil Saylici, Guddoonka labada Aqal ee Baarlamanka Somaliland, Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, ku-simaha Guddoomiyaha Xisbiga UDUB Axmed Yuusuf Yaasiin, Hogaanka Xisbiga Kulmiye, Wasiiro ka tirsan Xukuumadda,  Xildhibaano ka socda Golayaasha Baarlamanka, qaar ka mid ah Madaxda Ururada Siyaasadda ee cusub oo laga xusi karo Guddoomiyaha Urur Siyaasadeedka SSC Kayse Cabdi Yuusuf iyo madax kale oo tiro badan, kuwaas oo dhamaantood dadka kula hadlay beerta Xoriyada ,isla markaana hoosta ka xariiqay in qaranimada iyo Madaxbanaanida Somaliland  muqadas yihiin oo aanay jirin cid si dhib yar u bur-burin kartaa, hadii aan la kala fur-furin,  ama laga faa’idaysan shacbiga reer Somaliland oo midnimadoodu meesha ka baxdo.

Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland C/raxmaan C/llahi Ismaaciil  Saylici oo halkaasi ka hadlay ayaa shacbiga Goboladda Sool, Sanaag Bari iyo Buuhoodle ugu baaqay inay iska jiraan Kooxaha fikirka qaldan iyo mashaqada ka soo waariday dibadaha eek u sugan Taleex, kuwaasoo uu tilmaamay inay midnimadda shacbiga reer Somaliland dhaawacayaan, isla markaana iska horkeenayaan Bulshada Goboladaasi ku dhaqan.
C/raxmaan C/llahi Ismaaciil (Saylici) waxa uu sidoo kale Bulshada Deegaamadaasi u soo jeediyay inay yimaadaan Miiska wada hadalka oo ay ajiibaan Gogoshii nabada ee Xukuumaddu u fidisay haddii ay wax tabanayaan “dadka Walaaleheena ee Sool, Sanaag Bari iyo Buuhoodle waxaan leeyahay hadii aad wax tabanaysaan kaalaya Gogosha wada hadalka oo sheegta xaqiina, wixii qaranimada Somaliland waxyeelo u geysanayana meel halooga soo wada jeedo” ayuu yidhi madaxweyne ku-xigeenku.


Ku simaha Guddoomiyaha UDUB, Axmed Yuusuf Yaasiiin  ayaa  ku baaqay inaanay Somaliland ku deg-degin ka qeyb galka shirka Soomaalida loogu qabanayo magaalada London ee dalka Britain, wuxuuna, isagoo arrintaa ka hadlaya  yidhi,  “Waxaan soo jeedinayaa in shirka Ingiriiska lagu qabanayo aad looga tashado oo aan lagu deg-degin. Ingiriisku barigii hore waxaad moodaa inuu la jiray Somaliland laakiin imika waxaad moodaa inuu u xaglinayo dhinaca Soomaaliya. Somaliland imika may curan ee waligeedba way jirtay anagu (Somaliland) la kulmi mayno Soomaaliya oo noqotay boqol fariiqo.”
Guddoomiyaha Xisbiga mucaaridka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe oo ka hadlay fagaarahaas ayaa  sheegay inay isugu soo baxeen si beesha caalamka loo tuso siday Somaliland uga midaysan tahay qaranimadeena waxaanu yidhi “Waxaan banaan baxan uga dan leenahay inaan caalamka tusno inaanay Somaliland diyaar u ahayn in qas la geliyo oo la kala googooyo.”
Sidoo kale, Guddoomiyaha xisbiga tallada dalka haya ee KULMIYE,  Muuse Biixi Cabdi ayaa sheegay inaanay Somaliland waxba yeeli Karin koox qurbo joog ah oo uu ku eedeeyay inay u soo tafo-xayteen sidii ay nabadgelyada bulshadooda u dhaawici lahaayeen.
Gudoomiyaha urur siyaasadeedka SSCD Mr. Kayse Cabdi Yuusuf,ayaa isna si qoto dheer uga hadlay waaqaca ka jira Gobolka Sool iyo go’aanadii ka dhanka ahaa midnimada Somaliland ee ka soo baxay shirkii  fashilmay ee Taleex. shirkaasi oo uu sheegay inuu ahaa markiisii hore mid ay dadka deegaanka Sool kaga arrinsanayeen danahooda dhaqan, hase ahaatee ay marin habaabiyeen koox tiro yari.
Gudoomiyaha Urur siyaasadeedka SSCD waxa uu canbaareeyay mudaharaadkii khasaaraha keenay ee shalay ka dhacay Laas-caanood,kaas oo masuuliyadiisa uu dusha ka saaray xubnihii soo abaabulay shirka Taleex. Waxaanuu xusay in shacabka gobolkaasi ay maanta u baahan yihiin in laga gacan siiyo adeegyada kaabayaasha Nolosha sida: caafimaadka, waxbarashada, Biyaha iyo wixii la mid ah.waxaanu ugu baaqay dadweynaha gobolka Sool inaanay dheg u dhigin wax kasta oo midnimadooda wiiqaya kuna ridaya tafaraaruq iyo colaad.



Dhinaca kale  Wasiirrada arrimaha Gudaha  Maxamed Nuur Carraale (Duur) iyo Madaxtooyada  Xirsi Cali X.Xasan oo fagaarahaa ka hadlay ayaa mar kale incaalmiyay in xukuumaddu Nabad ku baaqayso, kana soo hor jeedo wixii fad-qalalo iyo nabadgelyo xumo abuuraya.waxaanay sheegeen in gogoshii nabaddu ay sidii u taalo, xukuumaduna soo dhoweynayso fikir kasta oo maslaxad u ah qaranka.
Gudomiyaha Golaha wakiiladda Mud, C/raxman Maxamed Cabdilahi ‘ (Cirro) oo la hadlayey dadweynaha isu soo baxan ka qayb galay waxa uu sheegay,in Qaranimada Somaliland ay tahay waxaan gor-gortan geli Karin,xuduudaha Somaliland-na ay yihiin kuwii 1960 Qarankani lahaan jiray.
C/raxmaan (Cirro) wuxuu kale oo uu sheegay in aan loo baahnayn af-kaaraha gurracan ee lagu kala qaybinayo shacbiga Somaliland, isaga oo tusaale u soo qaatay nabad-gelyo darrada ka jirta dalka aynu deriska nahay ee somaliya, taas oo uu sheegay inay mushkiladaha ka taagan siyaasiysiyiintoodu sabab u yihiin. Dhinaca kale banana bax noocan oo kale ah ayaa ka dhacay Magaalada Burco, kaasoo laga sameeyay goobtii Madaxbanaanida Somaliland lagaga dhawaaqay sanadkii 1991-kii markii dhaqdhaqaaqii Ururka SNM gacanta ku dhigeen dhamaan Goboladii Woqoyiga Somaliya ee Somaliland, halkaasoo ay saaka kumanaan ruux isugu soo baxeen.
Sida uu ku soo waramayo Wariyaha Araweelonews ee gobolka Togdheer  Gobolka Togdheer, mudaharaadka ka dhacay Magaalada Burco waxa shacbiga kala qayb galay madax ka tirsan Xukuumadda iyo Xisbiga Kulmiye, kuwaasoo ay ka mid yihiin Wasiirka xanaanada Xoolaha Dr. Cabdi Aw-daahir iyo Afhayeenka Xisbiga Kulmiye Maxamed Kaahin.
Wasiirka Xanaanada Xoolaha Dr. Cabdi Aw-daahir oo Mudaharaadayaasha Reer Burco la hadlay ayaa sheegay in shacbiga reer Somaliland looga baahanyahay midnimo iyo isku duubnaan, isagoo dhinaca kale cambaareeyay Kooxda Siyaasiyiinta ah ee Cali Khaliif hormuudka ka yahay ee dhawaan Maamulka kaga dhawaaqday Deegaanka Taleex, kuwaasoo uu tilmaamay inay iska horkeen iyo fadqalalo ka abuurayaan bulshada reer Somaliland.
Afhayeenka xisbiga Kulmiye Maxamed Kaahin Cabdi oo isna ka hadlay Fagaaraha laysugu soo baxay ee magaalada Burco ayaa sheegay in Cali Khaliif Galaydh ka mid ahaa ragii saxeexay Gooni isu taaga Somaliland, sidaasi darted aan wakhtigan laga aqbalayn inuu Maamul kaga dhawaaqo meel ka mid dhulka Somaliland, isagoo shacbiga Gobolada bariga Somaliland ugu baaqay inay ka shaqeeyaan midnimada iyo wada jirka umadda Somaliland.
Dhinaca kalena waxa banaan baxyo waaweyn oo noocan oo kale ahi ka dhaceen gobolada Awdal iyo Sanaag iyo degmooyinka Sool qaarkood, iyadoo magaalooyinka Badhan iyo Dhahar ay masuuliyiin ka tirsan xukuumaddu kala qaybgaleen dadka ku dhaqan isu soo baxyadaa.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *