Hargeysa(ANN)-Hogaamiyayaasha Sadexda xisbi qaran ee Somalialnd, ayaa cod wadajir ah ugu baaqay bulshada Somaliland inay maalinta beri isu soo bax balaadhan ku muujiyaan qadiyada madaxbanaanidooda iyo inaanay raali ka ahayn oo aanay aqbalayn in fawdo iyo kala qaybin laga abuuro

 

dalkooda.
Masuuliyiinta Sadexdi xisbi qaran, waxa kaloo ay dhawaaqooda ku sheegeen in isu soo baxaa lagu muujiyo taageerada ciidanka qaranka ee difaacaya qaranimada iyo jiritaanka Somaliland, isla markaana beesha caalamka loo muujiyo dareen mid ah. maanta ka hadlay banaan bax balaadhan oo lagu taageerayo qaranimada Somaliland iyo ciidamada qaranka ee jiida hore, kaasi oo.
Sadexda xisbi qaran ee KULMIYE, UDUB iyo UCUD waxay sidaa  kaga dhawaaqeen  shir jaraa’id oo ay si wada jir ah ugu qabteen maanta magaalada Hargeysa, kaas oo ay ku sheegeen inay u midaysan yihiin difaaca danaha qaranka, isla markaana ay bulshada ugu baaqayaan inay iyagoo midaysan oo isku mid ah nabadgelyadoodana ilaashanaya ka qaybgalaan banaanbaxa  loo qorsheeyay in laga sameeyo magaalooyinka waaweyn ee dalka maalinta Axadda Bari 22 jan 2012.
Guddoomiyaha Xisbiga talada haya ee  KULMIYE Muuse Biixi Cabdi oo ka hadlay shirkaa ayaa sheegay inay midnimada qaranimada Somaliland tahay muqadas. Sidaa awgeed ay dadku dareenkooda muujinayaan, isagoo yidhi, “Midnimada iyo qaranimada Somaliland waa muqadas cidii taas ka soo horjeedaana waa u cadow, sidaasi darteed waxaanu shacbiga u soo jeedinaynaa inaynu maalinta bari iskugu soo baxno mudaharaad salmi ah oo lagu taageerayo qaranimada Somaliland. Waa in banaan baxani noqdaa mid la isku xaq-dhawro oo dadka waayeelka ah iyo carruurta la xaqdhawro,”
Guddomiyaha KULMIYE,  waxa kaloo uu  sheegay inaan shacbiga Sool loo nisbayn Karin shakhsiyaadka dalka debeda kaga soo duulay waxaanu isagoo arrintaa ka hadlaya yidhi,  “Shacbiga reer Hargeysa iyo reer Somaliland-ba, shacbiga Sool ku dhaqani waa shacbi reer Somaliland ah oo aynu isku mid nahay, waa shacbi aan dulmi ogolayn waxa loo baahan yahay inaan khalad la fahmin oo ashkhaastaasi dibada kaga soo duushay dalka aanay u nisbayn shacbiweynaha gobolka Sool.”
Muj. Muuse Biixi Cabdi, wuxuu usoo  jeediyay cidii wax tabanaysa in aanay gacan ka hadal adeegsan, balse loo baahanyahay in wixii tabasho ah ay bulshada  Somaliland iskaga qanciyaan si miyir qab ah oo ay miiska wada hadalka soo fadhiistaan, balse aan la ogolaanayn in dalkan la qaybiyo oo koox yar oo fidno wadaa nabadgelyada iyo deganaanshaha khalkhaliso.
Sidoo kale Guddoomiyaha Xisbiga mucaaridka ah ee UCID Eng.  Faysal Cali Waraabe, ayaa sheegay inay axsaabta dhaqan u ahayd inay u midoobaan qaranimada Somaliland, isagoo  yidhi,  “Waxa jirta dan qaran oo la wada leeyahay oo axsaabta ka dhaxaysa, Soomaalidu waxay ku maah-maahdaa Geel Jire Geella wuu wada jiraa,  hadana wuu kala jirtaa. Danta qaranka waa la wada jirtaa. Waxaad moodaa in qaranimadeenii lagu soo duulay. Laakiin cidna ka yeelimayno taas.”
Guddoomiyaha Xisbiga UCID, waxa uu sheegay inaan la qabalayn fidnada la doonayo in lagu soo tuuro Somaliland ee la doonayo in lagu waxyeeleeyo nabadgelyada, qaranimada iyo Midnimada Somaliland, isagoo yidhi,  “Dad dibadaha ka yimid ayaa fidmo ku soo tuuray dalkeenii, waxaan doonaynaa inaan mudaharaadkan ku muujino inaynu u midaysan nahay qaranimadeena oo aanu garab taagan nahay dawlada iyo ciidamada qaranka. Waxaan ku baaqaynaa in barito inaga oo mid qudha ah oo cod kaliya ah inaan dunida tusno inaan Somaliland shacbigeedu doonayn in dalka la kala gooyo,”ayuu yidhi
Waxa kale oo kulankaa wadajirka ah ka hadlay  Axmed Ismaaciil (Keyse) oo ka mid ah masuuliyiinta Xisbiga mucaaridka ee UDUB, wuxuuna  sheegay inaanay dalka waxba yeeli Karin shakhsiyaad dibada ka yimi oo uu ku eedeeyay inay doonayaan inay kala dhantaalaan Somaliland.
“Waxaan doonaynaa inaan mudaharaadkan ku muujino dareenkeena iyo sida ummadda, axsaabta siyaasadda iyo xukuumadda Somalilandba uga midaysan yihiin difaaca dalka iyo midnimada qaranka,”ayuu yidhi Axmed Keyse.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *