images/stories/madaxweyne siilaanyo oo xilka gudoomiyaha xisbiga wareejianaya1.jpg  Hargeysa (ANN) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa si rasmi ah isaga wareejiyey xilkii guddoomiyenimo ee xisbigiisii KULMIYE oo uu u gacangeliyey Guddoomiye ku-xigeenkiisii  kowaad Muuse Biixi Cabdi, taas oo daba socotay go’aan golaha dhexe ee xisbiga KULMIYE isku raacay bishii 8-aad ee sannadkii 2008-dii oo ahaa  in marka Madaxweynuhu talada ku guulaysto uu guddoomiye-ku-xigeenkiisa ku wareejiyo xilka gudoomiyaha.

 
Xaflad ballaadhan oo shalay lagu qabtay Huteelka Maansoor ee magaalada Hargeysa oo ay  ka qaybgaleen, madaxweynaha Somaliland ee xilka wareejinayay Md. Axmed Silaanyo, Madaxweyne-ku-xigeenka Md. Cabddiraxmaan Saylici, Shirguddoonka Golayaasha Baarlamanka, Xildhibaanno Golaha Wakiillada ka tirsan, Masuuliyiin iyo taageerayaal ka tirsan KULMIYE, Guddoomiyaha xilka la wareegay, Wasiirro iyo marti-sharaf kale.
 Furitaankii munaasibada waxa  hadalka lagu soo dhaweeyey Madaxweynaha Somalilnad Md. Axmed Maxamed Maxamuud, ayaa halkaasi ka jeediyey hadal uu dhawr qodob kaga hadlay, wuxuuna faahfaahin ka bixiyey sharciga dhigaya inuu wareejiyo xilkii hogaaminta Xisbiga, “Xisbiga kulmiye waligiiba waxa uu ku faani jiray ahaana inuu yahay Xisbi Dimuquraaddi ah oo mar walba dimuquraaddiyada uu u hoggaansamaya, shuruucda aannu dhigannay iyo go’aamadii aannu qaadannay waxa ka mid ahaa in marka xilka Madaxweynaha uu qabto wareejiyo xilka Xisbiga oo aan qofna laba xil isku qaban karin ayaa ka mid ahaa. Sidaa daraadeed annaga oo raacayna go’aankii ka soo baxay shirkii Burco, waxa maanta farxad weyn ii ah inaan xilkii hoggaaminta Xisbiga ku wareejiyo Guddoomiye ku-xigeenka koobaad ee Xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi, Muusoow soo dhawoow hambalyo, hambalyo ayaan ku leeyahay.” Sidaa ayuu yidhi Madaxweyne Axmed Siilaanyo.
Madaxweyne Siilaanyo waxa kale oo uu ka hadlay marxaladda Somaliland iyo doorashadii dalka ka dhacday oo uu ku tilmaamay inay ahayd mid nooceedu ku yaryahay adduunka, isla markaana waxa uu sheegay in doorashadii iyo xil-wareejintii labada maamul ee Somaliland noqotay taariikh suntan oo soo dhawaysay himiladii Somaliland hiigsanaysay.
 
Isagoo arrintaa ka hadlayana waxa uu yidhi; “Doorashadii iyo xil-wareejintii Somaliland ee dunidu goob-jooga ahayd waxay noqotay mid tusaale u noqota qaybo badan oo dunida ka mid ah oo magac wayn iyo sharaf inoo soo jiiday oo aynu rajaynayno inay ina dhaxal-siiso inay soo dhawaato himilooyinkeenii uu ictiraafku ka mid ahaa, in dunidu wadashaqayn inala yeelato iyo in aynu horumar iyo wax-wada qabsani dunidu inala yeelato, meelo badan intii doorashada ka dambaysay hay’adda badan oo caalami ah oo Baanka Adduunku ka mid yahay, qaar reer Yurub ah, kuwo Qaramada Midoobay ka tirsan, qaar kale oo caalami ah iyo dawladihii doorashada inaga caawinayeyba, dhammaantood waxay inoo muujiyeen inay diyaar u yihiin inay wax inala qabtaan oo aynu halkaa hore uga sii socono, Ilaahay waxaan ka baryayaa dawlad iyo shacaba in aynu halkaa hore uga sii socono oo aynu ummaddeena isbeddelkii aynu u ballanqaadnay kaga dhabayno.”
 

Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland Md. C/Raxmaan Maxamed Cabdilaahi (C/Raxmaan Cirro) oo ka hadlay madashaa ayaa sheegay inuu soo dhaweynayo tallaabada Madaxweynaha cusub ee Somaliland uu Guddoomiyenimadii xisbigaasi ku wareejiyay Gudoomiye Ku Xigeenkii koowaad ee KULMIYE, wuxuuna  xusay in arrintani ay sunne u noqoto xisbiyada kale ee UDUB iyo UCID. “Muuse Biixi waan ku hambalyaynaa xilkan Guddoomiyaha xisbiga ee lagu wareejiyay waxaanse leeyahay xisbigaaga dhismaha ka bilow waxa la lahaa xisbiga KULMIYE ayaa baryahan dambe dildilaaca u badani ka jiraaye,”ayuu yidhi Md. C/Raxmaan Cirro.
Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Md. Saleebaan Maxamuud Aadan, oo ka mid ahaa Madaxdii Munaasibaddaasi ka hadlay, ayaa soo dhaweeyey xil-wareejinta KULMIYE, isla markaana waxa uu sheegay in labada Masuul ee xilka isku wareejiyey midna culays iska riday, midna culays guddoontay.
“Aniga oo aan maanta Xisbigan (KULMIYE) ka hadalkiisu iiga furnayn hadiise la ii yeedhay waxaan leeyahay, Midna xil ayuu iska rogay midna xil culus ayuu qaaday. Muusoow xilkani waa xil weyn ee dadaal oo ka shaqee sidii aad xisbiga u ururin lahayd iyo bulshadaba. Muusoow, Xisbiyada kalena ururi oo wada shaqeeya, Madaxweynuhuna ha idinkala shaqeeyo, waayo? isagu wuxuu hayaa awooddii Qaranka.”. Ayuu yidhi Guddoomiyaha Golaha Guurtidu.
Guddoomiyaha cusub ee  Xisbil-xaakimka KULMIYE lagu wareejiyay  Muuse Biixi Cabdi oo hore u ahaa Guddoomiye ku-xigeenkii koobaad ee Xisbigaa, ayaa isaguna Munaasibaddaa ka hadlay, isagoo si weyn u ammaanay Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Siilaanyo oo uu sheegay inuu yahay aabbaha dimuquraaddiyada, aabbaha halganka, aabbaha hoggaaminta, oo intaba uu sheegay inuu Siilaanyo Muuse iyo Madax kaleba macallin ugu yahay, isaga oo xusay inuu Madaxweyne Siilaanyo weligiiba ahaa shaqsi dimuquraaddi ah  illaa waqtigii halganka Qaaxo la joogay ee uu Siilaanyo ahaa Gudoomiyaha SNM.
Sidoo kale, waxa dadkii  Madasha ka hadlay  ka mid ahaa Guddoomiyaha Golaha dhexe ee KULMIYE Jaamac-Shabeel iyo Xubno kale. Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE  ee xilka lagu wareejiyay Muuse Biixi waxa uu xilka haynayaa ilaa inta xisbigu qabsanayo shirweynohooda oo lagu dooranayo hogaan cusub, haddii aanay iman duruufo kale. Talaabada  xisbiga Kulmiye qaaday ayaa noqotay tii ugu horaysay ee nooceeda ah ee hogaamiye xisbi lagu wareejiyo si dumuqraadi ah hogaaminta xisbiga.
By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 
Araweelonews Hargeysa Office  
E-mail; Info@araweelonews.com/ jaamac132@gmail.com/ shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *