images/stories/samaale gudoomiye xigeenka 1aad.jpg    Hargeysa (ANN) Gudoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha Wakiilada Somaliland C/casiis Maxamed Samaale ayaa markii ugu horaysay ka hadlay himiladiisa siyaasadeed iyo hankiisa oo  uu sheegay inuu doonayo inuu Madaxweyne ka noqdo Somaliland. Sidoo kale waxa uu ka hadlay xurguftii Siyaasadeed ee isaga iyo Madaxweynihii hore ee Somaliland Daahir Rayaale ay warbaahinta isu marin jireen iyo sida uu u arko rajada golaha wasariirad cusub.

 
Waxa kale oo uu Sh. C/casiis ka hadlay aragtidiisa golaha wasiirada cusub ee uu dhowaan Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo soo dhisay iyo jiritaanka rag badan oo ka mid ah xisbiga Kulmiye oo naawilayay inay wasiiro ka noqdaan xukuumada cusub oo lagu soo daro liiska.
  Gudoomiye ku xigeenka Koowaad ee Golaha Wakiilada Somaliland oo waraysi dhinacyo badan taabanaya  siiyay caawa Telefishanka Horn Cable Tv, waxa uu  sheegay in kulankii ay Golaha Wakiiladu la qaateen shalay Madaxweynaha Somaliland uu ahaa mid isbarasho ah oo lagu xoojinayay xidhiidhka Xukuumada Somaliland iyo Golaha Wakiilada Somaliland, kaas oo sida  uu iftiimiyay Madaxweyne Siilaanyo  u sheegay in Golaha Wakiiladu yahay Gole la mid ah si sharci ahna ku wada shaqeeyaan.
 
Sh. C/casiis Gudoomiyaha ku xigeenka Golaha Wakiilada Somaliland waxa uu soo dhaweeyay Golaha Wasiirada cusub ee Somaliland oo ku tilmaamay qaar tayo leh.  Sidaa  awgeedna  uu aad u hambalyaynayo Golahaasi wasiirada isagoo  dhinaca kalena qiray  inay Xisbiga kulmiye  ku jireen rag badan oo damac Wasiirnimo ku jirtay oo aan helin, waxaana uu ka dhawaajiyay in aan laga wada qayb qaadan Karin  xukuumad kooban oo tayo leh oo ummada wax u qabata, balse siday macquul u tahay looga qayb qaato.
 
Cabdicasiis Maxamed Samaale waxa uu ka hadlay  xurguftii siyaasadeed ee dhex martay isaga iyo Madaxweynihii hore ee Somaliland Daahir Rayaale Kaahin, waxaana uu sheegay inuu Rayaale saamaxay waxa kaliya ee ay isku haysteena uu ahaa waxyaabo sharciya oo ninba gees ka taagnaa, balse haatan uu saamaxay waxbana aanuu u haynin
 
Gudoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha Wakiilada waxa kale oo uu sheegay inuu doonayo inuu Madaxweyne ka noqdo Somaliland kana qayb galo Tartanada Doorashada ee Soo socda, waxaana uu hoosta ka xariiqay inuu hankaasi hayo balse aanu doonayn inuu wakhtiga iftiimiyo xiliga ee uu sheegi doono waqtiga ay ku haboon tahay. Sidoo kale Sh. C/casiis waxa uu carabka ku dhiftay inuu ka mid ahaa raggii soo aasaasay xisbiga Kulmiye haatana uu damacaasi ku jiro himiladiisa siyaasadeed.

By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 
Araweelonews Hargeysa Office  
E-mail; Info@araweelonews.com/ jaamac132@gmail.com/ shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *