-
Published On: Mon, Oct 18th, 2010

Kooxda Al-shabaab Oo Mamnuucay Isticimaalka Adeega Cusub Ee Lacagaha Lagu Xawilo Zaad Iyo Jawaabta Xukuumada Taagta Daran

Smiley face
Share This
Tags

 Muqdisho (ANN) Kooxda Xarakada Mujaahidiinta Al-shabaab ee dagaalada kaga jira Somalia ayaa gebi ahaanba mamnuucay adeega xawilaada lacagaha loo isticmaalo ZAAD, kaas oo ah mid  lacagaha la isugu diro telefoonada mobile-ka

 

(Mobile money Transfer), isla markaana ay dhowaan soo kordhiyeen shirkadaha isgaarsiinta ee Hormuud, Golis iyo Telesom ooh ore u ahaan jiray (Barakaat). Ka hor intii aanay Dawlada Maraykanku xanibin wixii ka danbeeyay dhacdadii 11 Sep, 2001.
Sidaana waxa  lagu sheegay war saxaafafeed kasoo baxay shalay xafiiska siyaasada ee Xarakada Al-Shabaab, kaas oo si cad loogu  qeexay in laga bilaabo maalinta  taariikhdu tahay 17,  October 2010,  aan la adeegsan Karin,  isla markaana shirkadaha isticmaalaa  bixin karin adeega lacagta ZAAD (Sahal), kaas  oo hadda guud ahaan gobolada iyo dhulka Soomaalida  laga isticmaalo.
Saddexda shirkadood ee bixiya adeega ZAAD (SAHAL),  ayaa loogu   sheegay Bayaankaa digniin ah  inay fursad u heystaan mudo saddex bilood ah,  si ay u soo afjaraan isticmaalka adeegan.
Bayaanka  oo ka kooban saddex bog ayaa lagu sheegay in digniin ku wajahan joojinta adeegan la gaadhsiiyey madaxda shirkadda   ee kala ah;
1- Shirkada Hormuud oo ka hawlgasha gobolada koonfureed
2- Shirkada Golis oo ka hawlgasha gobolada Puntland
3- Shirkada Telesom oo ka hawlgasha gobolada Somaliland
sidoo kale dadweynaha ayaa looga digay inay adeegsadaan adeegan, iyadoo loogu sheegay Bayaankaa inuu   adeegani  yahay mid ka soo jeeda reer Galbeedka gaar ahaan Mareykanka, sida lagu sheegay bayaanka, isla markaana aan laga isticmaalin Maraykanka iyo dunida Reer  Galbeedka.

Bayaanka  ay soo saareen Al-shabaab oo ay ku faahfaahiyeen sababaha ay u joojiyeen adeegaa ayaa u qornaa sidan:-
بسم الله الرحمن الرحيم
 
Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab
Xafiiska Siyaasada & Wilaayaadka
 
Bayaan ku Aadan Joojinta Adeeg
Xawaaladeedka Mobilka (MMT) ee Soomaaliya
—————————————————————————————————————-
الحمدُ لله ربّ العالمين والصّلاة والسّلام على إمام المجاهدين محمّد وعلى آله وصحبه أجمعين أما بعد:
Casrigan la nool yahay waxaa baahay heshiisyada ganacsi xilli ay isu furmeen bulshooyinka kala duwan ee ku nool daafaha dunida, waxaa hoos u dhacay  isku xakamayntii sharciga Alle . Waxaa soo if baxay xeelado ganacsi oo aan hore loo aqoon, waxaa soo kordhay hab macaamil dhaqaale oo ku dhisan hantigoosad, waxaana faafay ribada Xaaraanta ah.
 
Waxaa arrinkaasi barbar soconayay Muslimiinta oo isaga tagay nidaamyadooda dhaqaalaha in ay waafajiyaan Shareecada Islaamka iyagoo taas ku badalay hanaanka dhaqaalaha ribada ku dhisan ee lagasoo minguuriyay reer galbeedka gaalada ah. Shareecada Islaamka ayaa asal ahaan u taagan dhowrista danaha ummadda, nidaaminta ganacsiga iyo ka hortagga cadaalad daradda.
 
 Sidaasi darteed ayuu Nabigeenu صلى الله عليه وسلم  reebay iibsi kasta oo dhaawacaya nidmaaka dhaqaale ee islaamku jideeyay sida qishka, falisaada, khiyaamada iyo ixtikaarka. sidoo kale waxaa la reebay in dadka dhaqaalahooda xaqdarro lagu qaato ama tabaalaha haysta looga faa’iidaysto .
 
Cidna kama qarsoona awoodda iyo gacanta adag ee Yahuudu ku leedahay dhaqaalaha waddamada reer galbeedka ah iyo faafitaanka waxa loogu yeedho Cuwlamada dhaqaalaha.
 
 Cawlamadu (economic globalization) waa qaab dhaqaale oo loo asaasay in lagu taakuleeyo danaha gaarka ah ee dowladda Yahuuda iyo kuwa reer galbeedku ka leeyihiin daafaha caalamka, si ay u maalgeliyaan dhaqaalaha wadamadooda,  iyagoo ku tumanaya xuquuqda dowladaha iyo dadka taagta daran.
 
Waxa  intaas sii dheer faragelinta ay ku hayaan dhaqaalaha Caalamka oo ay u adeegsanayaan sidii ay uga bixi lahaayeen dhibaatooyinka dhaqaale ee sanadihii u danbeeyay la dagay shirkadaha ugu waaweyn  dalalkooda. Hadaba mashaariicda ay faafiyeen si loo naaxiyo dhaqaalahooda sii hoobanaya ayaa waxaa ka mid ah adeegga loo yaqaan Mobile Money Transfer ee loo soo gaabiyo (MMT).
 
Adeegga MMT wuxuu soo galay Soomaaliya isagoo huwan magaca Zaad/Sahal dadka  Soomaalida ahna loogu sheegay in uu u fududeeynayo xawilaadda lacagaha, iyagoo si sahlan oo degdeg ah Moobilkooda wax ugu iibsanaya,  ama ugu adeeganaya. Waxaa adeeggani markii ugu horeysey soo bandhigay sadddex shirkadood oo taageero ka helaya bangiyada dowladaha gobolka afrikada Bari iyo aduunka. shirkadahaas ayaa kala ah: Hormuud (Muqdisho), Golis (Boosaaso) iyo Telesom (Hargeysa).
 
Adeegan MMT ayaa si xowli ah ku fiday isagoo taakulayn xoog leh ka helaya dowladaha galbeedka, gaar ahaan dowladda Mareykanka, taasoo dadaal dheeri ah ku bixisay sidii loogu faafin lahaa dhamaan goobaha ka baxsan dalkeeda.
 
Waxey kaloo ugu talagaleen sidii qurbajoogta Soomaaliyeed u isticmaali lahaayeen  adeeggaasi marka ay eheladooda lacagta u dirayaan maadaama isha labaad ee ugu weyn dhaqaalaha waxa loogu yeedho wadamada soo koraya uu ku tiirsanyahay lacagaha dibadaha ay ka soo diraan dadka qurbajoogta ah.
 
Marka taa  la eego, waxaa la odhankaraa yoolka Mareykanka ee ah in la faafiyo adeegga MMT ayaa ah mid qaab qorshaysan oo qotodheer ku socda, laguna doonayo in dhaqaalaha Muslimiinta iyo hantidooda gacanta lagu dhigo. Waana waxa keenay in adeeggan uu yahay mid aad uga dhex muuqda waddamada soo koraya,  iyadoo gebi ahaanba aan laga isticmaalin dalalka loogu yeedho wadamada waaweyn sida Mareykanka.
 
Kadib markii si qotodheer loo baadhay saamaynta xun ee nidaamkan ku leeyahay dhaqaalaha bulshada Soomaaliyeed ee Muslimka ah iyo ujeedooyinka gurracan iyo weliba dhagarta ay reer Galbeedka iyo Yuhuuddu ka leeyihiin hirgelintiisa ayaa waxaa muuqday in hadafkoodu yahay sidan soo socota :
 
• Gacan ku haynta dhaqaalaha dadka danyarta ah iyo ku xad-gudubkeeda: Shrikadaha taakuleeya adeeggan ayaa waxay dadaalkoodii isugu soo aruuriyeen waddamada dhaqaalohoodu uu hadda soo kacayo kuna yaal Africa iyo Asia, Taasoo ka dhigeysa shucuubta dalalkaasi dad aan marnaba ka maarmin adeega MMT, iyadoona looga faa’iideysanayo baahida ay u qabaan adeeg xawaaladeed si fudud oo degdega ah lacagaha ugu kala xawilanayaan, halka dhaqdhaqaaqa lacageed iyo kala xawilaadda lacagaha si toos ah loo hoos geynayo dawladaha reer galbeedka
 
• Dabasocodka dhaqaalaha reer galbeedka: Adeegga MMT ayaa suurtagalay kadib heshiis dhex maray shirkado isgaadhsiineed iyo bangiyo caalami ah oo shirkadda  MasterCard ee Mareykanka dhexdhexaadiye u aheyd. Dhamaan shirkadahan ayaa ah kuwo ka wada shaqaynayey sidii ay suuqa dhaqaalaha adduunka gacanta ugu dhigi lahaayeen isweydaarsiga dhaqaaluhuna iyaga ugu koobnaan lahaa. Arrinkan ayaa ah mid yaraynaya lacagaha kaashka ah, kana dhigaya bulshada oo dhan mid hoos timaada una afduuban gaalada reer galbeedka.
 
• Khalkhal gelinta badqabka dhaqaalaha Muslimiinta: Adeeggan ayaa ah mid halis ku ah.badbaadada ummadda Muslimka ah, gaar ahaan Mujaahidiinta, sababtoo ah waxaa loo adeegsan karaa waxa loogu yeedho ‘ladagaallanka fangareynta argagixisada’ taas oo ah marmarsiiyo lagu doonayo in lagu bannaysto xoolaha, xuquuqda iyo xorriyada dadka Muslimka ah, dhaqaalahoodana lasoo fara geliyo, isla markaana lagu hayo xilli walba handadaad joogta ah.
 
• Khatarta uu leeyahay hadii adeegga la joojiyo ama uu burburo: Waxaa si fudud adeeggan amar ugu joojin kara siyaasiyiinta reer galbeedka iyagoo u cuskanaya eedeymo aan sal iyo raad toona lahayn sidii hore ugu dhacday shirkaddii ‘Barakaat’. Waxaa kaloo dhici karta in shirkaddu dhaqaala beesho, taasoo dhibaato baaxad leh iyo khasaare aan laga soo kaban dhabarka u saari karta shacabkeena  Muslimka ah.
 
• Khatarta Xatooyada Xeeladeysan (Hacking): Moobilada oo ah qalab u nugul xatooyada xeeladeysan ayaa ah mid saamayn weyn ku yeelan karta dadka adeeggan isticmaala..
 
• Suuqa oo laga saaray lacagta warqadda ah: khatarta ugu weyn ee garab socota adeeggani ayaa waxaa ka mid ah in lacagta warqadda ah suuqa ka baxdo, sababtoo ah adeega MMT waxaa horraantiisiiba loo qorsheeyey in uu lacagahoo dhan meel isugu keeno kadibna lagu taakuleeyo dhaqaalaha reer galbeedka ee hadda sii burburaya.
 
• Xawaaladihii oo meesha ka baxaya: Faafitaanka adeeggani wuxuu burburinayaa xawaaladihii ay dadku badanaa isticmaali jireen. Haddii uu sidaas ku sii socdona wuxuu adeeggan gebi ahaanba suuqa ka saarayaa xawaaladaha kuna khasbayaa dadka inay MMT oo keliya ku koobnaadaan.
 
•  MMT wuxuu bulshada u sanduleynayaa shirkadaha adeegan bixiya: sii faafitaanka adeegga MMT,  ayaa wuxuu sababayaa in dhaqaalaha malaayiin ka tirsan shacabka muslimka ah si buuxa gacanta uu ugu jiro shirkadaha reer galbeedka ee taakuleeya adeeggan. Taasoo ka dhigeysa adeegga MMT mid uu saameeyo isbeddel kasta oo dhaqaaleed, ama siyaasi ee ku yimaada shirkadaha maalgeliya MMT.
 
Kadib markii la xaqiijiyey khatarta uu leeyahay isticmaalka adeegga MMT, Xafiiska Siyaasadda iyo Wilaayaadka  ee Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa wuxuu go’aamiyey arrimahan soo socda:
• In dhamaan Soomaaliya laga joojiyo isticmaalka adeegga MMT. Shrikadaha adeegan dadka usoo bandhigay, gaar ahaan Hormuud, Golis iyo Telesom, waa inay joojiyaan adeeggan. Waxaan filaynaa dhamaan shirkadaha, macaamiisha iyo dadka isticmaala adeegga ZAAD/SAHAL in ay amarkan ku dhaqaaqi doonaan.
• Shirkadaha adeegan qaybiya waxay haystaan ilaa  24 – 02- 1432 Hijri oo ku beegan 31.01.2011 si ay usoo afjaraan adeegan, islamarkaana wixii waajibaat ah ee ka saaran adeegga u dhameystiraan.
• Waxaan uga digaynaa shirkadaha ku haminaya in adeega MMT oo kale keenaan Soomaaliya in ay ka joogsadaan.
• Go’aankan wuxuu hirgelayaa laga bilaabo marka uu bayaankan soo baxo.
 
Ugu dambayntii, waxaan ku dhiiri gelinaynaa dadka Muslimka ah ee Soomaaliyeed inay,  iska xoreeyaan sandullaynta reer galbeedku ku hayaan,  isla markaana raadsadaan beddel xalaal ah oo lagu kalsoon yahay sida dhoofinta dalagyada gudaha, warshadaha yaryar, iyo mashruuc kasta oo xalaala waxtarna u leh dhaqaalaha dalka. Waxaan kaloo ogaysiineynaa Muslimiinta Soomaaliyeed in aanaan marnaba ka caajiseyn difaaca aan iyaga iyo maalkoodaba ka difaacayno wax kasta oo khatar gelinaya. 
 
﴿وَلَنْ يَجْعَلَ اللَّهُ لِلْكَافِرِينَ عَلَى الْمُؤْمِنِينَ سَبِيلًا﴾
والله أكبر
﴿ وَلِلَّهِ الْعِزَّةُ وَلِرَسُولِهِ وَلِلْمُؤْمِنِينَ وَلَكِنَّ الْمُنَافِقِينَ لا يَعْلَمُونَ ﴾
 
Digniinta kooxda Al-shabaab ayaan si cad loo ogayn ujeedada ka danbaysa, iyadoo shirkadaha adeegan isticmaalaa ee dhowaan keenay yihiin kuwo ay dad badani rumaysan yihiin inay door weyn ku lahaayeen ka hor intii aanay magacyada kala duwan la bixin ee ay dhamaantood ahaayeen shirkadii Isgaadhsiinta ee Barakaat, taas oo qaybteedii isgaadhsiintu kala qaybsantay, xiligii shirakadii ay maatanaha ahaayeen ee xawaalada Barakaat 11 Sep, 2001, dawlada Maraykanku saartay xanibaada, iyadoo ku eedaysay inay leedahay kooxda shebekada Alqaacida ee uu hogaamiyo Usama Binu Laadin.

Dhinaca kale masuuliyiinta shirkada loo jeediyay digniinta ee lagu socod siiyay Bayaanka Al-shabaab ayaan weli ka hadlin, Balse xukuumada taagta daran ee Somalia ayaa canbaaraysay Bayaanka Al-shabaab ku mamnuucady gebi ahaanba isticmaalka adeega Zaad. “Mamnuucista foosha xun waxay dhirbaaxo kale ku tahay dhaqaalaha Soomaaliya,  iyadoo Al-Shabaab ay suuqa Bakaaraha, oo ah ka ugu weyn Soomaaliya, ka dhigeen goob-dagaal oo dadka lagu ugaadhsado, isla markaana ganacsatada ku soo rogeen lacago baad ah inay bixiyaan. Kooxahan xagjirka ahi waxay kasoo horjeedaan wax-curinta, hal-abuurka ganacsi, iyo horumarka dhaqaale ee dalka. mana jirto waxay  ganacsatada u soo kordhiyeen oo  aan ka ahayn burbur, baad iyo qoqobnaan siyaasadeed iyo mid dhaqaale.” Sidaa waxa yidhi, C/laahi Maxamed Cali (San-baloolshe) oo ah Wasiirka Wasaaradda Lacagta ee Xukuumadda Soomaaliya, wuxuuna ku macneeyay talaabadaa mid ganacsatada soomaalida iyo dhaqaalohoodaba duulaan ku ah.
Mawduucan ayaa ah mid u baahan dood iyo falanqayn, akhriste isku day inaad rayigaaga ka dhiibato, waa maxay sababta ay xarakada Al-shabaab u joojisay adeegan, ma tahay dooda qodobada ay cuskadeen mid xaqiiq ah. Sidaad u aragtaa. Waanu tixgelinaynaa qoraalka mawduucan ee doodaada. 
By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 
Araweelonews Somaliland Office  
E-mail; Info@araweelonews.com
 jaamac132@gmail.com

About the Author

-

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>