Boorame (ANN)-Gudoomiyaha xisbiga Kulmiye oo ah musharaxa jagada madaxweynaha u tartamaya ee xisbigaa ayaa socdaal qayb ka ah Ololaha doorashada oo uu maanta ku kala bixiyay gobolka Awdal ayaa keenay in

 

Gudoomiyihii xisbiga UDUB ee gobolkaa oo is casilay madal fagaare ah oo uu kala hadlayay Axmed Siilaanyo kumanaan qof kaga dhawaaqay inuu ku biiray xisbiga Kulmiye.

 

 

  Gudoomiyaha xisbiga UDUB ee gobolka Awdal Maxamed Aadan Suldaan, waxa uu fagaarahaa kaga dhawaaqay in uu iska casilay xilkii uu ka hayey ee Xisbul Xaakimka UDUB, isla markaana ku biiray xisbiga Kulmiye ee mucaaridka ugu weyn. ka dib markii sida uu sheegay xisbigiisii hore ku guul daraystay in uu ka midhadhaliyo waajibaadkii loo doortay. 

Sidaa awgeed uu ka doorbiday in uu sii ahaado gudoomiyaha UDUB ee Gobolka Awdal, inuu ahaado maanta wixii ka danbeeya   taageere firfircoon oo ka tirsan xisbiga Kulmiye. isagoo yidhi.  “Aniga oo shalay waxaan ahaa masuul ka tirsan masuuliyiinta xisbiga UDUB, waxaana  shalay madashan waqtigan oo kale kula hadlayay taageerayaasha xisibga UDUB. Waxa aan ka door biday in aan noqdo taageere firfircoon oo Xisbiga Kulmiye ka tirsan. Waxa aan goostay in aan iska casilo xilkii aan u hayey xisbigaa, ka dib markii aan arkay sida ay bulshadu  ugu baahan tahay isbedel.”

Maalmihii lasoo dhaafay ayuu gudoomiayha xisbiga Kulmiye iyo masuuliyiin kale oo uu hogaaminayaa socdaal kan oo kale ah oo qayb ka ah ololaha doorashada madaxtooyada waxa sidan oo kale iska casilay meel fagaare ay ka socdeen qudbado loo jeedinayay taageerayaasha kulmiye, iyadoo ay halkaa iska casileen gudoomiyayaashii degmooyinka Alaybaday iyo Fara weyne.

By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 

Araweelonews Hargeysa Office                  

E-mail; Info@araweelonews.com/ jaamac132@gmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *