Ceergaabo(ANN) Munaasibad balaadhan oo xilka loogu kala wareejiyey isuduwahii hore ee  wasaaradda waxbarashada gobolka sanaag iyo isuduwe cusub oo loo magacaabay dhowaan wasaaraddaa ayaa maanta lagu qabtay xarunta  wasaaradda

waxbarashadda ee magaalada Ceerigaabo.
 
 Masuulkii hore u ahaa Isu duwagaha gobolka ee wasaaradda waxbarashadda Axmed Ciise Cabdi  oo ka hadlay munaasibada uu xilka ku wareejiyay ayaa   u mahad naqay dadkii  munaasibadaa ka soo qaybgalay, isagoo ka war bixiyey barnaamijkii  waxqabad ee wasaaradda oo uu  sheegay in wasaaradda si fiican ula shaqayn jireen. Mr. Axmed waxa uu sheegay  inay la shaqayn jireen hawl wadeeno ka tirsan wasaaraddaa oo sida uu xusay isu duwaha cusubna la shaqayn doonaan isu duwaha cusub ee xilka lagu wareejiyay Mr. Aniis Saalax Xaaji Xasan .

Sidoo kale waxaa munaasibadaa hadal  kooban oo mahadnaq ka soo jeediyey  taliyaha qaybta Bilayska  gobolka Sanaag C/risaaq Yuusuf  Maxamuud (Casayr) oo u mahad naqay Isuduwii hore ee wasaaradda waxbarashada, isagoo xusay inay la shaqaynayaan masuul kasta oo loo magcaabo xil gobolka ah.  Mr. Casayr waxa uu xusay inuu  ku rajoweyn yahay inuu masuulka csubi  si howlkarnimo leh uga soo bixi doono shaqadiisa.
Isuduwaha cusub ee wasaarada waxbarashada Gobolka sanaag Aniis Saalax Xaaji Xasan oo hadal ka jeediyay munaasibadaa ayaa  xusay  inaanuu xilkan maanta loo igmaday ku weynayn, maadaama uu hada ka hor ahaa  Agaasimaha waaxda wasaaradda Arrimaha gudaha ee gobolka sanaag. Sidaa  awgeed uu xilkaa hore kaga cuslaa, isla markaana   xaalada waxbarashada gobolka oo inta badan laga dayriyo uu ku dadaali doono inuu kor uqaado.
 
 
 
 Gudoomiyaha Golaha Deegaanka Degmada Ceerigaabo Mudane Ismaaciil Xaaji Nuur oo munaasibada xil wareejinta ka hadlay ayaa  si weyn usoo dhaweeyey  isuduwaha cusub,  waxaana uu sheegay inuu la shaqayn doono intii karaankiisaha ah, isagoo ka codsay  dhammaan shaqaalaha wasaaraddaa inay si fiican  ula shaqeeyaan.
Masuulka loo magcaabay isu duwaha gobolka Sanaag ee Waxbarashada ayaa markii hore ahaa sarkaal ka tirsan wasaaradda arrimaha gudaha, wuxuuna sanadihii lasoo dhaafay soo qabtay xilal kala duwan, isagoo mar ahaa Badhasaab ku xigeenka gobolka Sanaag, sidoo kale wuxuu noqday Wasiir Dawle xiligii 2002-dii.

By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 
Araweelonews Somaliland Office  
E-mail; Info@araweelonews.com
 jaamac132@gmail.com
 shalcaw2@hotmail.com

+252 2 442 5380

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *