Hargeysa(ANN) Kulan lagu qabtay caawa cawayskii hool ku yaala huteelka Maansoor ee magaalada Hargeysa ayaa mar keliya isu bedelay rabshad. Kadib markii ay dadkii halkaa isugu yimi mar keliya albaabka isu qabsadeen iyadoo qof walba naftiisa la cararayo. Kala yaaca

dadka ayaa ka dhashay. Kadib markii ay dadka hoolka fadhiyay maqleen sanqadh hoolka dushiisa ah, taas oo ay u qateen qarax kusoo fool leh, waxaana kukankaa oo ahaa mid  taageero loogu raadinayay furashada ururada Siyaasada  hadheeyay rabshado cabaar socday, kuwaas oo ka dhashay ka dib markii koox  dhalinyaro  ah oo ka soo hor jeeday hindisaha furashada ururada siyaasaddu ay furitaankii madashaasi ka  bilaabeen qas,  isla markaana  caagado biyo ah ku tuureen  hoolka ay fadhiyeen ka qeyb galayaashii, taas oo keentay in dadkii is jiidhaan oo ay albaabka isku qabsadaan, iyagoo aan hubsan waxa dhacay.
Goobta kulanka ayaa  qasnayd qadar rubuc saac ah, waxaana dadka qaarkood isku tureen kuraasta, balse   waxaana markii dambe goobta yimid ciidanka Booliska oo halkaasi ka qabtay afar dhalinyaro ah oo loo tirinayay inay ka dambeeyeen rabashadihii hadheeyay goobta. Ka dibna waxa si caadi ah u bilaabantay  ujeedadii xafladaa oo ay ka soo qeyb galeen boqolaal qof oo u badnaa dhalinyaro. Waxa  kale oo ka dhex muuqday siyaasiyiin iyo aqoonyahano taageersan in la furo ururada siyaasada, kuwaas oo ay ka mid ahaayeen Mujaahid Ibraahim Cabdilaahi Xuseen (Dhego-weyne), Guddoomiyihii olalihii xisbiga KULMIYE ee doorashadii Madaxtooyada u qaabilsanaa Gobolada galbeedka dalka Mr. Baashe Cabdi Gaboobe, Abwaan Maxamed Xaashi Dhamac (Gaariye), Wasiirkii hore ee Wasaarada Arrimaha Gudaha Ismaaciil Aadan Cismaan (Ismaaciil Yare), siyaasiyiin iyo aqoon yahano kale.
Mujaahid Ibraahim Dhego-weyne oo ka hadlay kulankaa  ayaa xukuumadda ugu baaqay inay wax ka qabato dadkii ka dambeeyay rabashadihii ka dhacay goobta, waxa kale oo uu sheegay inay  ummadda Somaliland ay  xaq u leeyihiin  inay ka qeyb galaan xuquudooda siyaasadda.
Ibraahim Dhego-weyne waxa uu Madaxweynaha Somaliland ugu baaqay inuu furo ururada siyaasada ka hor doorashada Goleyaasha deegaanka.
“Waxaan soo dhawaynayaa urur siyaasadeed lagaga dhawaaqay Magaalada Laascaanood, waxaan leeyahay waanu taageeraynaa inay dadka deegaankaasi samaystaan urur siyaasadeed oo ay iska dhigeen qorigii,”ayuu yidhi Ibraahim Dhego weyne.
Xafladaa  waxa kale oo ka hadlay Guddoomiyihii olalihii doorashada u qaabilsanaa xisbiga KULMIYE gobolada galbeedka dalka Baashe Cabdi Gaboobe, wuxuuna  sheegay in furista ururada siyaasadu ay tahay qodob dastuuri ah oo aan la is hortaagi Karin.

By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 
Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *