Hargeysa(ANN) Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo)  iyo wefti uu hoggaaminayo ayaa maanta u kicitimay dalalka Khaliijka , gaar ahaan Kuwait iyo Imaarada Duabi . Kadib martiqaad rasmi ah oo Madaxweyne Siilaanyo ka helay labadaa dal ee  kuwait iyo Imaaraadka carabta .

 

 

Madaxweyne Axmed Siilaanyo iyo xubnaha ku weheliya safarkaa ayaa saaka Diyaarad khaas ah ka raacay dhabaha diyaarada ee magaalada Berbera, iyagoo usii jeeda dalalka Kuwait iyo Imaaraadka Dubai ,  safarka madaxweynaha ee dhinaca Khaliijka  ayaa  noqonaya socdaalkii u horeeyay ee uu ku tago dalalka carabta tan iyo markii uu ku guulaystay doorashadii madaxtooyada Somaliland 26 Jun 2010. 
Madaxweyne Siilaanyo  oo qolka nasashada ee madaarka Berbera ugu waramayay Saxaafada wuxuu sheegay inuu socdaalkiisu salka ku hayo sidii loo sii xoojin lahaa xidhiidhka iskaashi iyo wax wada qabsi ee Somaliland la leedahay dalalka carabta.
Madaxweynuhu wuxuu sheegay in labada dalba uu ka helay marti qaad rasmi ah,  isla markaana uu kulamo la yeelan doono masuuliyiinta wadamadaasi oo uu kala hadli doono sidii kor loogu qaadi lahaa xidhiidhka ay la leeyihiin Somaliland.
Md. Axmed Siilaanyo waxa uu tilmaamay inuu kala hadli doono masuuliyiintaasi sidii kor loogu qaadi lahaa ganacsiga iyo sidii maal qabeenada dalalkaasi ay u maal-gashan lahaayeen Somaliland.
Madaxweynuhu waxa uu madaarka Berbera salaan sharaf kaga qaatay cutubyo ka tirsan ciidanka qaranka, waxaana sii sagootiyay xubno ka tirsan golihiisa wasiirada, saraakiil  ka tirsan Xukuumadda iyo boqolaal ka tirsan dadweynah magaalada Berbera.
Madaxweyne Axmed Siilaanyo waxa socdaalkiisan ku weheliya Wasiirka Arrimaha Dibada Md. Maxamed Cabdilaahi Cumar, Wasiirka Ganacsiga Md. C/Risaaq Khaliif Axmed, Chief of Cabinet-ka Md. Xirsi Cali X. Xasan, Afhayeenka Madaxtooyada Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse) iyo Xoghayaha gaarka ah ee Madaxweynaha.waxaanu sii raacay diyaarad khaas ah oo ay u keentay dawlada Kuwayt.
Dhinaca kale Madaxweyne Siilaanyo ayaa ka hor intii aanu ka bixin dalka wuxuu soo saaray laba digreeto oo xil ka qaadis iyo magcaabis uu ku sameeyay masuuliyiin ka tirsan Xukuumadda.
Sidaana waxa lagu sheegay qoraal maanta kasoo baxay xafiiska Madaxtooyada oo uu ku saxeexna Af-hayeenka Madaxtooyada C/llaahi Daahir Cukuse, kaas oo u qornaa sidan:–
“Madaxweyna Somaliland  Madaxweynaha JSL, Mudane Axmed Maxamed Maxamuud ( Siilaanyo) waxa uu Digreeto Madaxweyne Xilalkii kaga Qaaday Maareeyaha Hay’adda Korontada JSL. Mudane, Xasan Cismaan Aadan iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Wax-barashada iyo Tacliinta Sare Mudane, Cali Maxamed Cali.

Waxaanu Madaxweynuhu Xilka Qaadistiisa ku yidhi Sidan:-

Ka dib markii cabasho isdaba-joog ahi ay ka timi kaalintii shaqo ee aad qaranka u hayseen waxaan gartay in aan xilalkii idinka qaado, una magacaabo cid kale oo xilkaa hanan karta, Aniga oo idinka Mahad celinaya mudadii aad shaqada u soo hayseen Qaranka.

Madaxweynuhu  waxaa uu farayaa Wasiiradda  wasaaradda hawlaha Guud, Guryeynta iyo Gaadiidka iyo Wasiirka Wasaaradda Wax-barashada iyo Tacliinta Sare in ay Afartaa masuul u kala wareejiyaan xilalka mareeyaha Hay’adda Korontada ee JSL iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Wax-barashada iyo Tacliinta Sare.

Warsaxaafadeed

Madaxweynaha JSL, Mudane Axmed Maxamed Maxamuud ( Siilaanyo) waxa uu Digreeto Madaxweyne ku Magaacabay laba Masuul oo kala ah Maareeyaha Hay’adda Korontada JSL. iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Wax-barashada iyo Tacliinta Sare.

Waxaanu Madaxweynuhu Digreetadiisa ku yidhi, Sidan:-

Markuu Arkay:                         Qodobka 90-aad, faqradiisa 3-aad, Xarafka(KH) ee Dastuurka JSL.

Markuu Tixgeliyey:       Ahmiyadda ay Hay’adda Korontadu u leedahay Dhismaha Qaranka.

Markuu Arkay:                         In baahi loo qabo Buuxinta jagada Maareeyaha Hay’adda Korontada.

Markuu ka Fiirsaday:    Kartidiisa, Aqoontiisa iyo Hufnaantiisa Shaqo.

Markuu Ku Qancay:      In uu hanan karo Xilkan loo Magacaabay.

Sidoo kale Wuxuu go’aansaday

In Mudane, Maxamed Axmed Aadan, laga Bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Maareeyaha Hay’adda Korontada JSL.

2         Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Wax-barashada iyo Tacliinta Sare

Waxaanu Madaxweynuhu Digreetadiisa ku yidhi sidan:-

Markuu Arkay:                         Qodobka 90-aad, faqradiisa 3-aad, Xarafka(KH) ee Dastuurka JSL.

Markuu Tixgeliyey:       Ahmiyadda ay  Agaasimaha Guud ee Wax-barashada  u leedahay Dhismaha Qaranka.

Markuu Arkay:             In baahi loo qabo Buuxinta jagada Agaasimaha Guud ee Wax-barashada .

Markuu ka Fiirsaday:    Kartidiisa, Aqoontiisa iyo hufnaantiisa Shaqo.

Markuu Ku Qancay:      In uu hanan karo, aqoona u leeyahay Xilkan loo Magacaabay.

Wuxuu go’aansaday

In Mudane, Maxamed Xasan Gaani,  laga Bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Wax-barashada iyo Tacliinta Sare.”

By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 
Araweelonews Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *