Hargeysa (ANN)Munaasibada balaadhan oo xil wareejin ah ayaa la filayaa inay subaxnimada ka dhacdo huteelka maansoor ee magaalada Hargeysa, munaasibadaa oo aan qaban qaabadeeda hore loo ogayn, balse hadal haynteeda la maqlayay labadii maalmood ee u danbeeyay ayaa  la filayaa inuu   Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) xilka guddoomiyaha xisbiga KULMIYE ku wareejiyo Muuse Biixi Cabdi oo ahaa gudoomiye xigeenkii xisbigaa.

Ma jiraan warar si rasmi ah usoo baxay oo ku saabsan ujeedada munaasibada. Laakiin sida ay shebekada wararka ee Araweelonews u xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan xisbiga Kulmiye, waxa munaasibadaa oo uu madaxweyne Siilaanyo ka qayb gelayo lagu wadaa inuu Madaxweynuhu gudoomiye nimada xisbiga ku wareejiyo.
 Qorshaha munaasibada oo sida wararku sheegayaan laga soo abaaulay dhinaca xisbiga Kulmiye ayaa daba socata  go’aankii  golaha dhexe ee KULMIYE  ku dareen qodobkaa tilmaamaya in gudoomiyaha xisbigu marka uu ku guulaysto doorashada gudoomiye xigeenkiisa ku wareejiyo gudoomiyaha xisbiga, taas oo ay ansixiyeen shirweynihii xisbiga ee laba sannadood ka hor ka dhacay magaalada Burco, kaas oo Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo iyo Ku xigeenkiisa C/raxmaan Seylici loogu doortay musharixiinta madaxweynaha iyo ku xigeenka ee xisbiga Kulmiye.
Munaasibada madaxweyne Siilaanyo xilka guddoomiyenimada ugu wareejinayo Muuse Biixi Cabdi oo maanta  ka dhici doonta Hudheelka Maansoor ee magaalada Hargeysa, waxa la filayaa inay ka soo qaybgalaan ilaa laba boqol oo qof oo isugu jira masuuliyiin xukuumada ka tirsan iyo hoggaanka sare ee xisbiga muxaafidka ah ee KULMIYE.
Soo dedejinta munaasibadan ee xilagan oo aanay weli xukuumada cusubi ee Axmed Siilaanyo xilalkii xukuumada  Rayaale kala wada wareegin, isla markaana ay adagtahay inay kulamo sidan oo kale ah fursad u helaan ayaan la garanayn sababta loo soo qadimay, basle waxa jira tibaaxo sheegaya inay diyaarinta ka hor  Xafladaa ay xilka guddoomiyaha KULMIYE kula kala wareegayaan Madaxweyne Siilaanyo iyo Muuse Biixi Cabdi, ay ka dambaysay, kulamo arrintaa ku saabsan oo ay  maalmihii lasoo dhaafay yeesheen Madaxweyne Siilaanyo iyo gudoomiye xigeenka Kulmiye Muuse Biixi.
Hase yeeshee waxa jira warar kale oo sheegaya in soo dedejinta arrintan ay ka dhalatay golaha xukuumada cusub ee uu Madaxweyne Siilaanyo dhowaan magcaabay, taas oo uu ka reebay xubnaha hogaanka xisbiga. Sidaa darteed uu gudoomiye xigeenka xisbiga Muuse Biixi ka cabsi qabo in gudoomiyenimada aanu madaxweynuhu ku wareejinayn marka ay xukuumadiisu caga dhigato, taas oo ay isaga iyo koox kale oo ka mid ah xubnaha hogaanka ee laga reebay xukuumada cusubi ku tashadeen inay soo dedejiyaan xil wareejinta gudoomiyaha.
Soo dedejinta xiligan ee xil wareejinta gudoomiyiha xisbiga  uu ku dalbanayo gudoomiye xigeenka xisbiga Kulmiye Muuse Biixi ayaa waxyeeli karta msutaqbalkiisa siyaasadeed, maadaama aanay xukuumada kasoo jeeda xisbiga Kulmiye weli salka dhulka dhigin, isla markaana ay hor yaaliin duruufo siyaasadeed iyo kuwo dhaqaale oo ay kula wareegtay xilka. Sidoo kale waxay dad badani calaamutu su’aal saarayaan sida uu noqon doono xisbiga Kulmiye iyo sawirka uu yeelan doono, ama sida uu uga dabaalanayo  gudoomiyaha cusubi  maaraynta hogaaminta  hawshaa maadaama uu xisbiga Kulmiye oo in badan mucaarid ahaa waqtigana ku guulaystay doorashada madaxtooyada ay xukuumadii uu soo dhisay oo weli ku guda jirta xil wareejintii ay talaabadan dad badani u arki karaan mid uu ku degdegay gudoomiye xigeenku, taas oo meesha ka saaray xabagtii isu haysay kooxaha  kala duwan ee ku jiray xisbiga Kulmiye oo ah Axmed Siilaanyo, kuwaas qaarkood ka biyo diidi doonaan qorshaha la doonayo in Madaxweynuhu xilka gudoomiyaha xisbiga ku wareejiyo waqtigan oo aanay saldhigin xukuumadii kasoo jeeday xisbigooda Kulmiye.  Si kastaba ha ahaatee kulankaa ka dib maalmaha soo socda ayaa laga war sugaya sida ay wax noqdaan iyo hogaaminta xisbiga halka loo jiheeyo, ama sida loo maamulo.

By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 
Araweelonews Hargeysa Office  
E-mail; Info@araweelonews.com/ jaamac132@gmail.com/ shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *