Axmed Muxumed Madar oo ka mid ah siyaasiyiinta Kulmiye
Hargeysa (ANN)Axmed Muxumed Madar oo ka mid ah masuuliyiinta sare ee xisbiga KULMIYE, isla markaana ka tirsanaa aqoonayahanadii UFFO ayaa shalay markii ugu horreysay ka hadlay dareenkiisa ku aadan guusha xisbigiisu ka soo hooyey doorashadii dalka ka dhacday iyo sida uu arko in aanu ka mid noqon Golaha Wasiirada cusub ee uu madaxweyne Siilaanyo dhawaan soo dhisay.

Md. Axmed Muxumed Madar oo shalay shir-jaraa’id ku qabtay hudheelka Steak and Fish ee magaalada Hargeysa, waxa uu daboolka ka qaaday inuu ku qanacsan yahay isaga iyo beeshiisu in aanay ka dhex muuqan xukuumadda madaxweyne Siilaanyo, isaga oo ku dheeraaday marxaladihii kala duwanaa ee loo soo maray guusha xisbiga KULMIYE iyo doorkii uu ka soo qaatay isagoo arrintaa ka hadlaayana waxa uu yidhi “Waxaan iskugu kiin yeedhay inaan idiin sheego dareenkayga guud ee beeshayada iyo guddigaan ka soo jeedo ka qabaan doorashadii dalka ka dhacday, sida aad wada ogtihiin waxa ku guulaystay xisbiga KULMIYE oo aan madaxdiisa ka mid ahay.
Marka hore waxaan hambalyeynayaa madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa la doortay ee ay dadweynuhu kalsoonidooda siiyeen, taasi waa hambalyo.”
Waxa kale oo uu Axmed Madar sheegay sababihii keenay in xisbiga KULMIYE ku guulaysto doorashada dalka ka dhacday waxa uu yidhi isaga oo ka hadlaaya arrintaas “Waxa sababay in xisbiga KULMIYE ku guulaysto doorashada, markii xisbil xaakinkii hore ee UDUB uu ku fashilmay xilkiisii shantii sanno ee la doortay, dadweynuhuna niyad-jab ka muujiyey iyo xisbiga KULMIYE oo dadaal badan muujiyey, isla markaana bulshada u soo bandhigay barnaamij siyaasadeed cad, kaas oo aan ka mid ahaa dadkii ka hawl galay qaab-dhismeedka dawladu ay yeelanayso dadkii ku darsaday fikirdooda, kaas oo aanu isku raacnay in la dhiso dawlad kooban oo tayo leh.
Dadweynuhuna taa aad bay ugu qushuuceen, talooyin fara badan oo wanaagsan ayey u soo jeedinayeen, cid kasta oo talo siinaysaana waxay hoosta ka raacinayeen in ay ka wada muuqdaan, taas oo ah habkii Beelaha, waxa ay madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa waydiinayeen halka ay kaga jiraan, labadaasina laba isqabanaaya maaha.
Waxaan dadweynaha kula dardaarmayaa in aynu ka waantowno in aynu xukuumadda tirada yar ka wada muuqano aanay ahayd mid suurto gal ah, wax aynu ognahay in xukuumaddii hore in ay wasiiro badan samaysay si loo raaligaliyo beelaha, waxa aynu ognahay waxa ay ina dhaxalsiisay, waxa aynu ognahay in qof reer loo magacaabay in aanu ummada u xaq-soorayn, oo uu reerkii loo magacaabay ahmiyada siinaayo, filimaantaas oo dhan waynu soo aragnay waxa inoo wanaagsan in ay dadku ka waantoobaan, oo aynu nidhaahno waxa aynu ku taamaynay waxa uu ahaa isbedel noo xula dad isbedel keeni kara, oo noo shaqeeya oo aan naga shaqaysan oo aan beelo ku shaqayn.”
Waxa kale oo uu ka hadlay Axmed Madar mudaharaadyada Hargeysa iyo Boorama ka dhacay, kuwaas oo uu sheegay in ay qawadeen saamiga ay ka heleen dawlada la soo dhisay waxa uu yidhi isaga oo ka hadlaaya arrintaas “Tabashada nocaas ah ee mudaharaadada waa mid inagu celinayaa maamul xumadii iyo caddaallad-daradii aynu ka dhiidhinay, dadweynaha waxaan leeyahay, in aynu beelo wax ku wada qaybsanaa waxay macnaheedu tahay in aynaan waxba wada yeelan.
Waxaan anigu shakhsi ahaan ku qanacsanahay, anigoo xisbigaygu ogyahay kaalinta aan ka soo qaatay iyo ta aan kaga jiro, waxaan doonayaa in aan aad iyo aad u iftiimiyo dareenka dad badan oo dalka dibadiisa iyo gudahiisaba jooga waxa ay muujiyeen oo ah inanay ka xun yahay in laygu soo dari waayo xukuumaddii la soo magacaabay, aad iyo aadbaan ugu mahannaqayaa karaamada ay ii muujiyee, iyagana waxaan u qancinayaa oo aan leeyahay dawladu way tira yar tahay oo kamana wada qayb gali karno, aynu ku qanacno inta uu madaxweynu xilka inoogu dhiibay oo aynu sidaa rali ku ahaano, anigana yaan lay arkin dad ka xanaaqay markii xil la siin waayey oo wax gaara doonaayey oo aynu sideenii hore heegan u wada ahaano isuna barbar taagno una wada shaqayno.”
Ugu danbayntii waxa uu ugu baaqay xukuumadda cusub inay ka midho-dhaliyaan barnaamijkii siyaasadeed ee xisbiga KULMIYE, shacabku ku doortay, waxaannu uga digay in ay xukuumadda madaxweyne Siilaanyo ku dhaqanto nin jeclaysi iyo beel jeclaysi, taas oo uu tilmaamay inay burburisay xukuumaddii hore, waxaannu ku soo gabagabeeyey in aanay beeshiisu marna si xil loogu magacaabo anay madaxweynaha ka dalban.
By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 
Araweelonews Hargeysa Office  
E-mail; Info@araweelonews.com/ jaamac132@gmail.com/ shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *