Oslo(ANN) Munaasibad Baroordiiq ah oo loo sameeyay geerida Abwaankii caanka ahaa ee marxuum Maxamed Xaashi Dhamac Gaariye, ayaa lagu qabtay maanta xarunta dalka Noway. waxaana ka qaybgalay boqolaal qof oo  tirsan bulshada  ku dhaqan dalkaa ee

 

Somaliland iyo soomaali kale.


Munaasibadaa oo ahayd mid baroordiiq ah, waxa lagaga sheekeeyay taariikhdii Abwaanka shaqsiyadiisii iyo doorkii uu ku lahaa afka soomaaliga iyo suugaanta iyo dhaqanka Soomaalida. sidoo kale waxa lagaga sheekeeyay hal abuurimadiisii iyo hal adaygnimadiisii, iyadoo ay madashaa ka hadleen Safiika Somaliland ee dalka Norway Mr Suluub Xassan Warsame, Abwaan Abdilaahi Saleeb Bidde iyo Gudoomahaya jahliyade Somaliland ee Norway Eng. Rashiid Muse.
waxayna ka sheekeeyeen aqoontii ay u lahaayeen Marxuum Maxamed Xaashi Dhamac iyo dhinacyadii ay ka barteen intii ay arkayeen mudadii uu noolaa abwaanku. sidoo kale waxa iyana munaasibadaa baroordiiqda ah ee loo sameeyay abwaan marxuum Maxamed Xaashi Dhamac shaqsiyaad kale oo iyaguna aqoon u lahaa mudadii uu noolaa.
Marxuum Maxamed Xaashi Dhamac oo ka mid ahaa haldoorka suugaanta maansada iyo afka soomaaliga, isla markaana ahaa bare macalin ku xeel dheer suugaanta afka Soomaaliga, wuxuu ku geeriyooday dalka Norway 1 Oct, 2012, waxaana la filayaa in maydkiisa maalinta Isniinta laga soo dejiyo magaalada berbera, iyadoo loo samaynayo aas qaran, isla markaana lagu aasayo magaalada Hargeysa

.

 

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *