71056_206703882302_2093875_nGaroowe(ANN)Maamul goboleedka Puntland, ayaa si taxadir leh uga hadlay, isla markaana shuruud ku xidhay magcaabista Raysal wasaaraha Somalia ee Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud shalay u magcaabay xilkaa Cabdi Faarax Shirdoon oo magcaabistiisa mudo la sugayay.

Maamulka Puntland oo kulan deg deg ah ka yeeshay markii ay soo baxday magcaabista raysal wasaaraha cusub, kadib markii ay shaacinta raysal wasaaruhu soo afjartay loolan ay maamulka Puntland ugu jireen in xilkaa loo magcaabo shaqsi kasoo jeeda deegaankooda, taas oo ay hore uga dalbadeen madaxweynaha cusub, iyagoo weliba dalabkaa soo mariyay wadamo kale oo ka mid ah kuwa siyaasada Somalia gamcaha kula jira iyo Augustina Mahinga oo ah wakiilka Qaramada midoobay u qaabilsan Somalia.

Hase yeeshee Madaxweynaha cusub ee Somalia ayaa dhegaha ka furaysatay dalabka Puntland iyo wadamada u ololaynayay in jagada raysal waasaraha loo daayo Puntland, taas oo sababtay in madaxweyne Faroole isugu yeedho maamulkiisa kulan deg deg ah oo aan si cad loo ogayn go’aanka iyo mawqifka rasmiga ah ee laga qaatay magcaabista raysal wasaaraha, balse kulankaa ka dib qoraal kooban oo kasoo baxay maamulka Garoowe oo lagu saxeeyay oo keliya  Wasaaradda Warfaafinta, isgaarsiinta, hiddaha iyo dhaqanka maamulka, ayaa si taxadir leh loogu sheegay inay Puntland weli diyaar u tahay inay sii xoojiso kaalinteedii ahayd sidii lagu gaadhi lahaa Dawlad Somaliyeed oo Federal ah oo dhamaystiran.

sidoo kale waxa lagu sheegay qoraalka inay Puntland  diyaar u tahay in ay qayb weyn ka qaadato dib-u-heshiisiinta Somaliya oo muddo 22 sano ka badan xad-gudubyo bini-aadanimo iyo mid siyaasadeed ay soo gaadheen.

Laakiin waxa lagu sheegay qoraalka oo shuruud looga dhigay aqbalaada raysal wasaaraha cusub oo ay Puntland  Dawladda Federaalka ku qiimaynaysaa kulana shaqayn doontaa hadba sida ay u fuliso heshiisyadii hore loo galay iyo nuxurka uu qeexayo Dastuurka Federaalka ee Somaliya [Constitutional provisions], iyadoo lagu xusay sadex qodob oo kala ah, Ilaalina Dastuurka Federaalka ee Somaliya, Hirgelinta iyo dhamaystirka nidaamka Federaalka ah iyo U sinnaanta deeqaha caalamiga ah ee magaca Dawladda Federaalka lagu helo ayaa lagu yidhi qoraalka kasoo baxay Garoowe.

sidoo kale waxay maamulka Garoowe sheegeen inay indhaha ku haynayaan qaabka loogu dhaqmo awoodaha dastuurka, iyadoo lagu yidhi qoraalka ” Puntland si gaar ah isha ugu haynaysaa ku dhaqanka awoodaha Dastuurka ku qeexan ee xafiisyada Dawladda Federaalka.”
Dhawaaqa dublamaasiyadeed ee maamulka Puntland kaga jawaabtay magcaabista raysal wasaaraha cusub ee Somalia ayaa u muuqda mid muujinaya sida aanay raali uga ahayn in xilkaa loo magcaabo cid aan kasoo jeedin deegaanka Puntland, waxayna durba ereyada kasoo baxay maamulka Faroole iftiimiyeen sida uu Madaxweynaha cusub ee Somalia ugu gacan saydhay soo jeedintii iyo loolankii loogu ololaynayay in raysal wasaaruhu noqdo mid ka yimaada deegaanka gobolka Puntland, taas oo ay ka shaqaynayeen dawlado shisheeye iyo wakiilka qaramada midoobay ee Somalia, balse magcaabista xilkaa loo magcaabay Cabdi Faarax Shirdoon oo kasoo jeeda deegaanka Garbahaarey waxba kama jiraan ka dhigtay.  waxaana suurta gal ah inay tani wax ka besho booqashadii Madaxweynaha cusub ee Somalia Xasan Sheekh Maxamuud u qorshaysnayd inuu ku tago Garoowe.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *