Hargeysa (ANN) Mid ka mid ah Mulkiileyaasha Shirkada Red Sea ee lahaa  markabka shiidaalka u siday Somaliland iyo Puntland ee Budhcad badeedu ku afduubtay biyaha duleedka Boosaaso, ayaa ugu baaqay inay sharafta ka raacaan oo ay sii daayaan markabkaasi iyo hantida saaranba kooxda

 

gacanta ku haysa.
Sh. Xasan Cabdi Salaan oo ka mid ah culimada waaweyn ee Somaliland, isla markaana ka mid ah  mulkiileyaasha shirkadda Red Sea  oo waraysi ku saabsan xaalada markabkaa siiyay  laanta afsoomaaliga ee Idaacada VOA-da. wuxuu   sheegay inay ka war hayaan in markabkii loo sii wado deegaanka Baarrgaal, waxaanu isagoo arrintaa ka hadlaya  yidhi,  “Markabkaa  illaa maanta oo Arbaca ah wuu naga maqan yahay,sida runta ah xog dhab ah kama hayno halka uu ku sugan yahay.  laakiin wararka mala awaalka ahi waxay sheegayaan in uu ku sugan yahay deegaankaa  nimanka Budh-cadbaddeeda ahi ay geeyaan wixii gacantooda soo gala oo aan filayo inay tahay agagaarka badwaynta Hindiya meesha la yidhaahdo Baar-gaal ayaanu ku maqalnay intaas ayaanu wax war ah ka haynaa. wax kale oo macluumaad ah oo haba yaraatee aanu ka haynaa ma jirto.”
Sheekh Xasan C/salaan isaga oo ka hadlayay shixnadda uu siday markabkani waxa uu yidhi “Markabkani waxaa uu siday shidaal isugu jiray Batrool iyo Naafto oo xadigiisu uu dhan yahay illaa saddex kun iyo shan boqol oo tan.”
Sh. Xasan waxa uu sheegay in odayaasha deegaanada Puntland ay balan qaad wanaagsan u sameeyeen waxaanu yidhi “Ilaa imika wax ka baxsan odayaashooda iyo mudakarka ah ee beesha deegaankaa Puntland ama ganacsato ha ahaato ama odayaal kale ha noqotee cid aan ahayn oo aanu la xidhiidhnay ma jirto. iyaguna niyad wanaag iyo balan qaad fiican ayay noo sameeyeen waxaanay noo sheegeen in ay ka qaban doonaan wixii ay ka qaban karayaan nimanka dhalinyarada ah ee uu markabku gacantooda ku jiro (Budhcad-badeedda).”
way jirtaa inaanu la xidhiidhnay oo waxaa weli shaqaynaysa Isgaadhsiintii markabka,haddii aanu wada hadalayna ilaa imika hadal macne badan oo war-baahinta la gelin karo kumaanaan wada hadal,”ayuu yidhi Xasan C/Salaan
waxaanu intaasi raaciyay “Anagu waxaanu ku nidhi budhcad baddeeda hantidani waa hanti dad Soomaaliyeed, waa hantidiinii, waa hantidii aabeyaashiin iyo Hooyooyinkiin dadka Soomaalida ahina maanta runtii way iska dayacan yihiin oo waxoodii oo dhami way iska baylahsan yihiin oo hantidan markabku siday waa guraan-gur iyo shilimaad aanu isku gaynay,waxaan u malaynayaa inay gacantu idin kaga dhacday oo aad ku qaldanteen oo ay daan isaga u socon.”
Sh. Xasan waxa uu baaq u diray kooxda budhcad badeeda oo uu ka dalbaday ina iska sii daayaan markabkan iyo hantida saaran-ba “Waxaanu idinka codsanaynaa inaad sharafta ka raacdaan oo markabkaa iyo xoolahaaba aad soo daysaan.”
“Budhcad badeeda illaa hada hadal xun iyo wax aanu qoonsano oo ka badan xoolahaasi ay iska kaxaysteen ka maanaan maqal,waxaanu jecel nahay in aanu iyagana la hadalno cidii kale ee wax u sheegi kartana aanu la hadalno arrintaana wada hadal, waan-waan iyo is afgarad aanu ku dhamayno,”ayuu tilmaamay.
Sh. Xasan oo la weydiiyay in budhcad badeedu ay u soo qadimeen lacag madax furasho ah waxa uu yidhi “Ilaa hada wax rasmi ah oo aanu ka haynaa ma jirto, kamana filayo in ay madax furasho na waydiiyaan, sababta oo ah madax-furashada waxaa la waydiiyaa cidii wax u kala hadhayaan ee anaga intaas ayaaba gaba-gabadii.”
“Shirkada Redsea waa shirkad ay dad ganasato ah oo kooban oo wax isku darsaday ay leeyihiin,waxaana xaqiiqo ah maanta hantida halkaa maraysa waa hanti ay dad Soomaali ahi leeyihiin markabkana nin Soomaaliya oo reer Muqdisho ah ayaa leh,xoolaha saarana waxaa leh dhalinyartaa aan magacaabay iyo shirkadaa aan sheegay haba yaraatee cid kale oo wax ku leh oo Ajnabi ahi ma jirto haba yaraatee.”
Xasan C/Salaan waxa uu sheegay in mulkiileyaasha shirkada Red sea iyo madax dhaqameed reer Hargeysa ahi ay u kicitimayaan deegaanadda Puntland si ay wada hadal ula yeeshaan waxgaradka deegaankaasi oo kooxda markabka afduubtay ka soo jeedaan.
“Haddii ALLE yidhaahdo waanu baxaynaa anaga oo u badan mulkiileyaashii hantida uu Markabku uu sido iyo odayaal dhaqameedkayagii gaar ahaan Salaadiintii oo runtii Salaadiin badan oo mudakar ahi ay nala socdaan waanu tagaynaa markaa deegaankaa iyo Beeshaa iyo wax garadkaa Culimadaa iyo ganacsatada iyo dadkaa Soomaaliyeed ee Puntland degan ayaanu u tegaynaa, in ay noo ergeeyaan oo ay arrinta ergo ka galaan oo inamadaa dhalinyarada ah oo aanu isleenahay runtii dhib badan ayaa qudhooda haysata , waayo iyaga ayaabay runtii dhibtu ku badan tahay oo naftoodii ayay baddaa aad arkayso ee xagaaga ah oo aynu arkayno dadkii daaraha ku jiray ay ku dhaxamoonayaan ayay badweyntaa dhex maaxayaan,”ayuu yidhi Xasan

Dhinaca kale waxa jira dhaqdhaqaaq la doonayo in ergooyin salaadiin,  Odayaal iyo qaar ka mid ah mulkiilayaashu ku doonayaan inay kooxaha Markabkaa afduubay todobaadkii hore ugu tagaan ergo ayaa maalmahan ka socday  magaalada Hargeysa, kuwaas ugu  kicitimay maanta  dhinaca Puntland oo xidhiidh dhow la leh kooxaha afduubka iyo qafaalashada ka wada badweynta India iyo gacanka cadmeed.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *