Hargeysa(ANN)Ciidanka Booliska Somaliland ayaa sheegay  inay gacanta ku dhigeen sadex nin oo si qarsoodi ah magaalada Hargeysa uga furtay xafiis lagu bixiyo baasaboorka dawlada taagta daran ee Soomaaliya. Sidanaa waxa caawa caweyskii sheegay Taliye xigeenka  Ciidanka
Booliska Somaliland C/raxmaan Liibaan Axmed (C/raxmaanFooxle),  oo warbaahinta la hadlay wuxuuna xusay inay  gacanta ku soo dhigeen sadexdaa Nin iyo dhammaan qalabkii xafiiskaasi lagaga hawl galayay oo ay ka mid ahaayeen Computer, Camera lagu qaado sawirada  iyo diiwaan lagu qorayay  dadka ay siinayaan baasaboorka Dawlada Soomaaliya ee ay bixinayeen.
“Waxaanu idiin sheegaynaa in Hawl gal ay ciidanka Booliska Somaliland ay ka sameeyeen magaalada Hargeysa ay gacanta ku soo dhigeen sadex nin oo magaalada Hargeysa ka furay xafiis sharci darro ah oo ay si qarsoodi ah ugu bixin jireen baasaboorka Soomaaliya,”ayuu yidhi Taliye Ku Xigeenka Ciidanka Booliska Somaliland oo ka hadlayay shir jaraa’id oo uu caawa ku qabtay xarunta ciidanka baadhista dambiyada ee CID-da magaalada Hargeysa.
Taliye Ku Xigeenku waxa uu soo bandhigay tirada qalabka ay ku soo qabteen nimankaas, wuxuuna isagoo arrintaa sharaxaad ka bixinaya yidhi,  “Qalabka aanu gacanta ku dhignay waxa ka mid ahaa 1 Computer, 1 Camera iyo lugaheedii, 1 Finger Printer, 1 Signature, 1 File oo ay ku jiraan 4 Application (Codsi) oo baasaaboro codsanayay, 4 Somali republic passport ah, 4 ID Card, iyo 1 diiwaan oo dadka lagu qoro,”ayuu tilmaamay Taliye Ku Xigeenku, waxaanu intaa ku daray in Guriga lagu soo qabtay raggaa  ay leeyihiin dad muwaadiniin ah.
Mr. C/raxmaan Fooxle waxa uu beeniyay warar ku saabsan hadalhaynta xafiiskaa oo ay qorayeen qaar ka mid ah warbaahinta dalku,  kuwaas oo sheegayay in masuuliyiin ka tirsan dawladdu ay ogolaansho siiyeen sadexdan nin waxaana, isagoo arrintaa ka hadlaya yidhi,  “Waxaanu halkan ka cadaynaynaa inaanay haba yaraatee aanu jirin cid dawlada ah oo u ogolaatay xafiiskan qalabkan iyo Baasaboorada in halkan lagu sameeyo. waxaananu shacabka u sheegaynaa in wararka Wargeysyadu qoreen aanay sal iyo raad toona lahayn. Baasaboorkeena oo kaliya ayaa lagu bixiyaa Hargeysa, in kuwo  kale laga bixiyaana waa xaaraan.”
Dhinaca kale kooxdaa  oo aanay ciidnka boolisku magcaabin ayaa sida ay warar iyo xoggo ku saabsam arrintaa u xaqiijiyeen shebekada  Araweelonews, waxa ku jira Sheekh Almis Yaxye oo ah wadaad uu dhalay marxuum Mujaahid Yaxye  oo ahaa siyaasi aad looga yaqaanay Somaliland iyo laba nin oo kale. Sidoo kale dad ku dhowaa sheekhaa oo aanu caawa la xidhiidhnay  ayaa xaqiijiyay in xabsiga loo taxaabay Sheek Almis yaxye oo ah ninka oo ka mid ah dadka  iska leh jaamacadda Geeska ee ka furan Hargeysa.
Sidoo warar xog ogaal ah oo la xidhiidha arrimahaa ayaa u sheegay shebekada Araweelonews   inay mudooyinkii u danbeeyay ciidanka Bolisku ka war wareegayeen inay qabtaan kooxdaa sida qarsoodiga ah u furatay xafiiska ee samaynayay Baasaboorka Somalia oo ay ka war hayeen.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *