Hargeysa(ANN)Maxkamadda Gobolka Hargeysa, ayaa shalay 14 haween ah ku riday xukunno kala duwan iyo ganaax lacageed,kadib markii ay ku caddaatay inay ku lug lahaayeen mashruucii dadka badan lagu dhacay ee loo yaqaanay Jiif oo Jaq, kaas  oo dhawr sannadood ka hor boqolaal qof oo

 

 

shacbiga Somaliland ah lagaga lunsaday lacag gaadhaysa mallaayiin doollar.
Dumarkan oo muddo sannado ah xabsiga ku jiray, isla markaasna mudadaaba dacwadoodu socotay, ayaa shalay Maxkamadda Gobolka Hargeysa ku riday xadhig u dhexeeya min hal sanno, iyada oo sidoo kalena dumarkaasi lagu xukumay bixinta ganaax dhan hal milyan oo Somaliland shillin ah ilaa shan milayan, iyada oo dhinaca kalena maxkamadu amartay in dumarkaasi bixiyaan lacagihii ay dadka ka dhaceen mudadii uu dalka ka socday mashruucii Jiif oo Jaq.
Guddoomiyaha Maxakamdda Gobolka Hargeysa Mr. Cabdiraxmaan Jaamac Hayaan oo shalay xukunkaasi ku dhawaaqay, ayaa hoolka maxkamadda ka akhriyey xukunnada lagu riday dumarka ku eedaysanyaa Jiif oo Jaq, isagoo sharaxaad ka bixiyey jaranjarooyinkii kala duwanaa ee ay soo martay dacwadoodu mudadii ay xidhnaayeen.
Mashruucan Jiif oo Jaq oo muddo  dhawr sanno  ah dalka ka socday ayaa lagu dhacay dad badan oo reer Somaliland ah, kuwaasi oo wixii ay maal haysteen ku shubay mashruucaas, halka ay ay jiraan qoysas guryihii ay ku jireen xaraashay si lacagta ka soo baxda ay ugu darsadaan mashruucaas oo markii hore dadka loogu sheegay in faa’iido badan laga dheefayo, balse markii dambe isugu soo biyo shubtay hawo been ah iyo tuugo xarfadaysan oo dad badan lagu dhacay, taas oo raadkeedu adkaaday in la helo.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *